You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kuuriyada Konfureed oo xaqiijisay in la dilay madaxweynaha Kuuriya Waqooyi walaalkii
Dawladda Kuuriyada Konfureed ayaa xaqiijisay in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un walaalkii lagu dilay Malayshiya.
Kim Jong-nam ayay u muuqataa in uu u dhintay weerar sun loo adeegsaday oo lagu qaaday isaga oo jooga garoonka Kuala Lumpur Isniintii.
Illaa iyo hadda lama sheegin ujeedada laga lahaa dilkaas lamana aqoonsanin ciddii ka dambaysay.
Sarkaal u hadlay Booliiska Malayshiya ayaa sheegay in ay wali socdaan baaritanada lagu hayo dilka Kim Jong-nam
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed Hwang Kyo-ahn ayaa sheegay in haddii la ogaado in dilkaas ay ka dambaysay Kuuriyada Waqooyi ay taasi muujin doonto "arxandarrida iyo sida aan bani-adamnimada waafaqsanayn ee ay u dhaqmayso".
Waxayna noqon doontaa qofkii ugu magac waynaa ee ku baxa gacmaha hogaanka Kuuriyada Waqooyi tan iyo 2013kii markaas oo la dilay Chang Song-thaek, oo ah Kim Jong-un adeerkii.
Madaxweynaha ku meelgaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed Hwang ayaa sheegay in dalkiisu uu si dhaw ula socdo dhaqdhaqaaqa Kuuriyada Waqooyi.