Colaadda dib uga qaraxday Sudaanta Koofureed oo laga deyrinayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynihii hore ee Bostwan, haddana ah dhaxdhexaadiyaha dhinacayadda isku haya dalka South Sudan, ayaa wuxuu sheegay in uu aad uga niyad jabsanyahay sida ay wax u socdaan.
Waxa uu ka hadlay colaadda soo cusboonaatay, oo saamayn ku yeelatay buu yiri dadaalka gargaarka bani'aadamnimo ee wax looga qaban lahaa xaaladda dadka kunool dalkaasi.
Festus Mogae ayaa wuxuu sidoo kale sheegay, in heshiiskii ay gaareen dhinacayadda is haya uu weli taagan yahay inskatoo dhaqangelintisii ka hor timid caqabado xooggan.
wuxuu sheegay in xaaladda abaarta ka jirta dalks Suudaanta Koonfureed ay si dhaqsa ah isugu badeli karto xaalad bani'aadanimo tii ugu xumeyd.

Xigashada Sawirka, AFP
Festus Mogae waxa uu ka hadalay waalaca haysta beesha caalamka ee ku aadan xaaladda dalkasi.
wuxuu sheegay in cooladda ay caqabad ku noqotay dadaalka wax loo qabto dadka ay macluusha hayso ee colaadda ka qaxay.
Dagaallo dib uga cusboonaaday dalka South Sudan 2013-kii ayaa waxa ay sababeen in mar kale ay soo noqoto cabsida dagaalo sokooye oo ka qarxaan dalkaasi oo xoriyadiisa qaatay 2011-kii.
Colaadda ayaa ka billaabatay khilaaf kala dhexgalay madaxweynaha dalkaasi Silva Kiir iyo ku xigenkiisii Riek Machar, waxayna taasi sababtay in kala qeyb samaan ciidanka oo qabiil-qabiil isku qabtay.











