Wasiirka arrimaha dibedda Chad oo loo doortay Gudd. M/Afrika

Xigashada Sawirka, AFP
Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Chad Moussa Faki ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Midowga Afrika. Wuxuu badeli doonaa Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koonfur Afrika oo wakhtigeedu dhamaaday.
Mr Faki waxaa wareegii ugu dambeeyay kula tartamay wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya Aamina Maxamed. Wuxuu helay 38 cod.
Faki ayaa horay ra'iisal wasaare uga soo noqday dalka Chad.
Waxaa guddoomiye ku xigeen loo doortay Thomas Kwesi, oo u dhashay dalka Ghana.
Madaxda Midowga Afrika oo ku shirsan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxyaabaha ay labada maalmood ee soo socoto ka wada hadli doonaan waxaa ka mid ah dalabka Morocco ay ku dooneyso inay dib ugu biirto Midwoga Africa oo ay ka baxday 32 sano ka hor.






