Faransiiska oo xiray Rai'salwasaarihii hore ee Kosovo

Ramush Haradinaj wuxuu soo noqday hogaamiye jabhad

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ramush Haradinaj wuxuu soo noqday hogaamiye jabhad

Booliiska dalka Faransiiska ayaa xiray ra'iisalwasaarihii hore ee Kosovo iyaga oo adeegsanaya waraaqdii lagu soo xiri lahaa oo ay jartay Serbia oo ku eedaysay dambiyo dagaal oo aadannaha ka dhan ah.

Ramush Haradinaj ayaa hogaamiye u soo noqday jabhad intii u dhaxaysay 1998-1999 markaas oo uu socday dagaalkii Kosovo, kaas oo ugu dambayn horseeday in Kosovo ay ku dhawaaqdo madaxbanaanineeda.

Qarammada Midoobay ayaa labo jeer ku soo oogtay dacwado la xiriira dambiyo dagaal balse wax dambi ah waa lagu waayay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kosovo ayaa sheegtay in xiritaanku uu yahay wax aan la aqbali karin, ayna ka shaqaynayso sidii loo sii dayn lahaa.

Haradinaj, oo hadda ah hogaamiyaha mucaaradka Kosovo ayaa laga qabtay garoonka Basel Mulhouse Freiburg airport oo ku yaalla bariga magaalada.

Booliiska Slovenia ayaa si kooban u xiray sanadkii 2015-kii balse markii dambe si dhakhso ah ayay u sii daayeen.

Wuxuu ahaa taliyihii jabhadda Kosovo Liberation Army, Serbia ayaana ku eedaysay in uu dusha ka maamulayay ol'ole jirdil iyo dilba loogu gaystay dadka ka soo jeeda qawmiyadda Serb.

Si joogto ah ayuu u beenin jiray eedaymahaas, wuxuuna xilka rai'sulwasaarenimada iska casilay boqol maalmood oo kali ah markii uu hayay si uu wajaho dacwada loo haysto.

Kosovo ayaa ku dhawaaqday in ay madaxbanaanideeda ka qaadatay Serbia sanadkii 2008-dii laakiin Serbia wali ma aysan aqooninsanin.