You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Myanmar: 'wax caddayn ah looma hayo' in la xasuuqay Muslimiinta Rohingya
Guddi ay dawladda Myanmar samaysay ayaan ilaa iyo hadda wax caddaymo ah u helin in xasuuq loo gaystay qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah ee ku sugan gobolka Rakhine.
Warbixin horudhac ah oo ay soo saareen ayay ayuu guddigu ku sheegay in aan caddaym ku fillan loo haynin eedaymaha sheegaya in kufsi baahsan la gaystay.
Ma aysan sooo hadal qaadin eedaymaha sheegaya in laamaha ammaanku ay dadka laynayaan.
Waxaa jira eedaymo soo noqnoqday oo ku aadan in tacadiyo loo gaysanayo dadka qawmiyadda Rohingya tan iyo markii uu millatarigu gobolka Rakhine ka billaabay hawlgalka ka dhanka ah malayshiyada bishii tobnaad ee sanadkii hore.
Eedaymaha qaar waxay ficilka dawladda la simeen qawmiyad tirtirid, hogaamiyaha dalkaas Aung San Suu Kyi oo ku guulaysatay abaalmarinta nabadda Nobel ee caalamiga ahna waxay arrintan kala kulantay dhaliilo caalamka uga yimid.