Rabsho ka dhacday xabsi ku yaalla Brazil oo 56 ay ku dhinteen

REhellada maxaabiista oo ku sugan duleedka xabsiga oo sugaya xog in la siiyo

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, REhellada maxaabiista oo ku sugan duleedka xabsiga oo sugaya xog in la siiyo

Saraakiisha dalka Brazil waxay sheegayaan in 56 maxbuus ay ku dhinteen dagaal ka dhacay xabsi dhexdiisa.

Rabshada ayaa ka dhacday xabsi lagu magacaabo Anisio Jobim oo ku yaalla magaalada Manaus ee gobolka Amazonas.

Dagaalka ayaa bilowday Axaddii, balse wuxuu dhammaaday 17 saacadood ka dib markii maxaabiista ay dib isu dhiibeen.

Qaar ka mid ah kuwa dhintay, waa la jarjaray, kuwana waa la gubay, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

Map-ka gobolka Amazonas ee Brazil
Qoraalka sawirka, Meesha uu ku yaallo xbsiga

Masuuliyiinta xabsiga waxay sheegayaan in koox burcad ah oo ka howlgasha gudaha iyo dibadda xabsiga ay isku deyeen inay awoodda iyo maamulka la wareegaan.

Xubnaha kooxdaasi ayaanan lagu xirin dhammaan xabsiyada kale ee dalkaasi.

Nawaaxiga uu ku yaallo xabsiga ayaa la cidleeyay waxaana ku sugan ciidamada oo keli ah

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Nawaaxiga uu ku yaallo xabsiga ayaa la cidleeyay waxaana ku sugan ciidamada oo keli ah
Sawir muujinaya dhismaha xabsiga ay maxaabiiska ku dhinteen

Xigashada Sawirka, AFP/SESIP/HANDOUT

Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya dhismaha xabsiga ay maxaabiiska ku dhinteen

Wasiirka cadaaladda ee Brazil ayaa u duulay Manaus, si uu ugala hadlo in xabsiyada kale la geeyo xubnaha burcadda ee halkaas ku xiran.

Tiro maxaabiis oo baxsatay intii rabshada ay socotay ayaa dib loo soo qabtay.