Senate-ka Brazil oo u codeeyay Rousseff in si rasmi ah loo dacweeyo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Senate-ka Brazil ayaa u codeeyay in lagu qaado dacwad rasmi ah madaxweyne Dilma Rousseff oo shaqada laga joojiyay, ka dib markii lagu eedeeyay inay jabisay sharciga miisaaniyada.
Senate-ka ayaa u codeeyay 59 taageersan iyo 21 ka soo horjeeda dacwadda Rousseff, oo la filayo in la qabto dhamaadka bishan.
Senate-ka ayaa shaqada ka joojiyay Rousseff bishii May, ka dib eedayn la xiriirta lacago si sharci daro ah loo isticmaalay.
Waxay Rousseff sheegtay inay ahayd wax caadi ah oo la sameeyo sida lacagta loo isticmaalay dowladihii hore ee jiray.
Ka dib dood adag oo dhamaatay maanta saacadihii hore, senate-ka ayaa helay tirada codka ee ay u baahnaayeen si go'aan looga gaaro in si rasmi ah loo dacweeyo Ms Rousseff.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ms Rousseff, ayaa lagu eedeynayaa inay qarash garaysay lacag iyadoon ka haysan ogolaasho congress-ka, iyo inay ka qaadatay ammaahyo bangiyada dowladda si ay u kordhiso miisaaniyada dowladda markii ay dhaci rabeen doorashooyinka 2014, ee dib loogu doortay.
Dadkii la shaqaynayay xisbigeeda Shaqaalaha ayaa sheegay in dadka badan ee ku jira congress-ka ee eedeynaya Rousseff, in iyaga naftigooda lagu eedeynayo musuqmaasuq.






