You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mo Farax oo lagu daray diiwaanka dadka la sharfay sanadka cusub
Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay.
Waa riyo u rumowday Mo Farax oo uu doonayay muddo, sida ay sheegayaan dadka ku dhow.
Mo Farax oo 33 sano jir ah, wuxuu helay laba billadood oo dahab ah oo isku xiga tartankii Rio, taas oo ahayd guushiisii afaraad ee dahabka.
Wuxuu noqday qofka labaad ee keli ah ee dahab ka qaata tartamada Olimbikada ee 5,000m iyo 10,000m.
In la sharfo waxay uga dhigan tahay inuu safarkii dheeraa ee uu u maray uu soo afjaray Mor Farax.
Orod yahankan ayaa asigoo sideed sano jir ah galay dalka Britain, wuxuuna ka tagay Soomaaliya.
"Dibu milicsiga wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yimi ee halkan imaaday, kaas oo aan erey English ah aqoon, ma saadaalin karin lahayd inaan maanta meeshaan joogaayo. Waa riyo rumowday," ayuu yiri Mo Farax.