You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xildhibaan lagu weeraray magaalada Kabul
Weerar bam loo adeegsaday ayaa ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta u ah dalka Afghanistan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in weerarku uu ahaa bam wadada hareertiisa la dhigay kaas oo lagu bartilmaameedsaday gaadhi uu saarnaa Fakuri Beheshti oo ah xildhibaan.
Xildhibaanka iyo shan ruux oo kale oo la socotay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen.
Lama oga cidda ka dambaysay weerarkan.
Todobaadkii hore xildhibaan kale oo reer Afghanistan ah ayaa qarax lagu bartilmaameed saday waxaana ku dhintay todobo ruux.