Ciidamada Senegal oo diyaar u ah inay ku duulaan Jammeh haduu xilka isku dhejiyo

Xigashada Sawirka, AFP
Militariga dalka Senegal ayaa heegan la geliyay si ay u farageliyaan dalka Gambia, haddii uu madaxweyne Jammeh uu diido inuu xilka wareejiyo bisha soo socota, sida uu sheegay ururka ECOWAS.
Mr Jammeh oo markii hore aqbalay in doorashada looga guuleystay ayaa dib ka badalay maskaxdiisa, wuxuuna sheegay in doorashada lagu noqonayo.
Gudoomiyaha urur goboleedka ECOWAS, ayaa loo doortay inuu hogaamiyo howlgallada "si loo soo celiyo waxa ay shacabka doonayaan", haddii loo baahdo.
Madaxweyne Jammeh wuxuu horey u sheegay inaan la handadi karin, ururka ECOWAS na uusan sharci u lahayn inuu dalkiisa ku duulo.

Mr Jammeh, oo dalka Gambia maamulayay 22 sano, ayaa kiis u gudbiyay maxkamadda sare si ay u laasho codeyntii, wuxuuna ku doodayaa in guddiga doorashada ay bedeleen qaar ka mid ah natiijooyiinka.
Balse, guddiga wuxuu ku adkeysanaayaa natiijada oo uu ku guuleystay Adama Barrow, kaas oo la filayo in 19-ka January uu xilka la wareego.

Xigashada Sawirka, Reuters/AFP
Is hortaagnaanta siyaasadeed ee dalkaasi yar ee ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa sababtay in dhaqaalaha uu hoos u dhoco.
Dalxiiska oo dalka Gambia uu ku tiirsan yahay ayaa saameynta ugu weyn ay gaartay.
Sida uu sheegay guddiga doorashada, natiijada ayaa sidan ahayd:
- Mr Barrow wuxuu 222,708 oo cod (43.3%)
- Madaxweyne Jammeh wuxuu helay 208,487 oo cod (39.6%)
- Musharraxa xisbiga sedaxaad, Mama Kandeh, waxay heshay 89,768 oo cod (17.1%)
Ka dib 1-dii December ayuu Jammeh aqbalay in doorashada looga adkaaday, balse, guddiga ayaa is bedel ku sameeyay natiijada ka dib markii "la qalday codeynta mid ka mid ah gobollada".










