You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Warbixin ka digtay qorshaha internetka 5G ee UK ay ku doonayso inay u gudubto
In la gaarsiiyo internetka 5G ee mobile-ka waddanka oo dhan waa in loo sameeyaa si ka fiican habkii loo sameeyay 4G, ayay sheegtay warbixin cusub oo maanta la soo saaray.
Internetka 4G ee UK ayaa hadda kaga jira kaalinta 54-aad ee adduunka markii loo eego meelaha uu gaarayo, ayay sheegtay warbixinta.
Lord Andrew Adonis, oo hogaaminayay baaritaanka, ayaa BBC-da u sheegay in meelaha uu gaaro internetka UK sida tareenka iyo jidadka waawayn ay tahay mid aad u liito.
Wuxuu ugu baaqay dowladda inay hubisa in ay yaraato meelaha aan internetka lahayn markii loo gudbayo 5G.
"Dowladda maalgalin badan ayay samaynaysaa iyo inay badiso sharuudaha laga rabo shirkadaha Mobile-ka , laakiin waxaan u malaynaynaa inay u baahan tahay inay qaado tallaabo dheeraad ah", ayuu u sheegay BBC Lord Adonis oo madax ka ah Hayadda Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Qaranka (NIC).
" Waxay nala tahay gaar ahaan in dhibaato wayn ay ka jirto jidadkeena iyo tareenadeena, ilaa 25% waqtiga lama heli karo internet".
Qorshaha 5G
Habka 5G ma jiro wali, laakiin teknoolajiyada ayaa la filayaa inay ka hormarto 4G, si loo helo internet dhaqso badan marka la bilaabi doono oo ah sanadka 2020 kadib.
Guddiga Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa sheegtay in teleefoonka gacanta uu u noqday muhiim bulshada iyadoo 5G uu kaalin wayn ka ciyaari doono dhaqaalaha.
" Internetka UK ayaan dhamaystirnayn. Waxaa jira meelo badan oo aan digital lahayn, sida loo helo 4G waxay ka xun tahay waddamada Albania, Panama iyo Peru" ayay sheegtay warbixinta.
Warbixinta ayaa ku baaqday dowladda inay noqoto "horyaalka isgarasiinta ''internetka'' , tusaale ahaanna inay samayso wasiir gaar u ah arrimahaasi.