You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dad ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Idlib, Suuriya
Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay duqeyn ka dhacday magaalo ku taalla Idlib ee dalka Suuriya.
Sidaasi waxaa sheegtay hay'ad fadhigeedu yahay Britain oo kor kala socoto xaaladda dalka Suuriya.
Dadka duqeynta ku dhintay oo dhan ayey sheegeen inay shacab yihiin, cunug yarna uu ka mid yahay.
Hay'adda xuquuqda aadanaha Suuriya ilaaliso waxay sheegeysaa in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay u muuqato inay qaadeen duqeynta.
Weerarka ayaa lala eegtay deegaanka Kafr Nabal ee gobolka Idlib.
Ruushka ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inay duullaan culus uu ku qaadayo Idlib.
Gobolkaasi waxaa ku xoogbadan Urur horer uga mid ahaan jiray Al-Qacidda iyo kooxo kale oo mucaarad ah.