You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Bannaanbaxyada lagu diidan yahay Trump oo sii kordhay
Mudaaharaadyo dheeraad ah oo lagu diidan yahay Donald Trump ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Maraykanka.
Booliska gobolka Oregon ayaa sheegay inay la tacalayaan mudaaharaadyo rabshada wato iyo qarbudadaad.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa la xiray iyagoo dhagxaan ku tuurayo booliska.
Magaalooyinka ay mudaaharaadyadaasi ka dhaceen waxaa ka mid ah Los Angeles, Philadelphia, Denver, iyo Minneapolis.
Dadka mudaaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen 'ma aha madaxweynahayga', kalmadaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada gudaha Maraykanka.
Mar sii horreysay Mr Trump ayaa dibadbaxyadani ku sheegay kuwa aan xaq ahayn, waxa uuna ku eedeeyay warbaahinta inay kicinayaan dadweynaha.
Khamiistii ayuu Mr Trump Aqalka Cad kula kulmay madaxweyne Obama si ay uga wada hadlaan kalaguurka.