You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
UN: Halabaaro xadgudubka ay geysteen ciidamada Myanmar
Saraakiil sarsare oo katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Myanmar ayaa ku biiray baaqyada ah in la sameeyo baaritaano Madax banaan oo ku aadan wararka sheegaya in xadgudubyo ka dhan xuquqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Rakhine.
Baaqyadan ayaa yimid kadib markii kooxo u ololeeyo xuquqda aadanaha ay booqasho ku tageen goobohii ay mashaqadu ka dhacday oo an ka fogeyn xadka Mnayamar ay la wadaagto Bangladesh.
Sagaal kamid ciidamada Poliska dalka Mnayamar ayaa la dilay, seddax isbuuc kahor, wixii intaa ka dambeeyana wararku waxaa ay sheegayen in Ciidamada ay kufsi, bililiqo, iyo dilal qorsheysan ka geysteen gobolkaasi.
Afhayeen u hadlay dowlada wuxuu BBC-da u sheegay in ay eegayaan codsiga ah in la sameeyo baritaanno Madax banaan.