You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tahriibayaal badda lagu la' yahay
Ciidanka Badda ee Liibiya ayaa sheegaya in ilaa boqol qof oo muhaajiriin ah la la' yahay, ka dib markii doon ay saarnaayeen ay dhibaato qabsatay ayagoo u sii socday Yurub.
Ciidanka badda waxay sheegeen inay u suurto gashay labaatan qof oo kaliya inay badbaadiyaan, kuwaasoo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo Afrikaan ah.
Doon yar oo cinjir ka samaysan ayey kaga soo safreen Garabulli oo bariga ka xigta magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Waxay degtay Arbacadii, ka dib markii ay ku dhufteen mawjado waaweyn.
Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in sannadka 2016 uu yahay sannadkii ay ugu dhimashada badnaayeen muhaajiriinta ka gudbaya badda Mediterranean-ka ee ku sii jeeda Yurub, ayadoo in ka badan 3,800 oo qof ay naftooda ku waayeen.