You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maraykanka oo weeraray raadeeradaYemen kadib markii la soo weeraray
Milatariga Maraykanka ayaa weeraray raadeero ku yaal Yemen, kadib markii gantaal lagu soo riday laba goor markab dagaal ee Maraykanka oo marayay biyaha caalamiga.
Pentagon ayaa sheegtay in baaritaankii ugu horeeyay la arkay saddex raadeer oo ku lug lahaa weerarka gantaalka in la burburiyay.
Waxay sheegtay in meelaha la beegsaday ay maamulayeen Xuutiga oo uu taageerto Iran. Way beeniyeen inay beegsadeen markabka.
Pentogan ayaa sheegtay in weerarka uu ansixiyay Madaxweyne Obama, si loo difaaco maraakiibta Maraykanka, shaqaalaha iyo xoriyada lagu maro badda cas ee Yemen.