Madaxweynaha Colombia oo lacagta uu ka helo abaalmarinta nabadda ugu deeqaya dhibanayaasha dalkaasi.

Madaxweyne Santos iyo hogaamiyaha mucaaradka ee loo yaqaano Timochenko oo is gacan qaadaya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Santos iyo hogaamiyaha mucaaradka ee loo yaqaano Timochenko oo is gacan qaadaya

Madaxweynaha dalka Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa sheegay in lacagta uu ka helay abaalmarinta nabadda ee la siiyay uu ku caawinayo dhibanayaasha dagaalkii sokeeye.

Waxa uu abaalmarinta nabadda ee caalamiga ah ku muteystay dadaalkiisa dhanka nabadda ee uu kula heshiiyay mucaaradka FARC.

Santos iyo hogaamiyaha FARC, oo loo yaqaano Timochenko, waxa ay wada sixiixdeen heshiis bishii la soo dhaafay.

U jeedada heshiiskaasi waxa uu ahaa mid lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo dalkaasi ka socday in kabadan 50 sano.

Laakiin, afti dadweyne ayaa codbixiyayaasha waxay ku diideen heshiiska nabadda.

Juan Manuel Santos, waxaa la filayaa in abaalmarinta uu ka helo 900 kun oo dollar.