You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mareykanka oo shaqaalihiisa kala baxaya DRC
Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku amartay qoysaska saraakiisha dowladda ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo in ay dalkaasi ka baxaan, sababo la xiriira xasillooni darrida dalkaasi ka jirta.
Dhawaan ayaa dalkaasi waxaa ka jiray dibadbaxyo rabshado wata oo looga ashtakoonayay doorashada madaxtinimada ee dib loo dhigay.
Ugu yaraan 50 ayaa ku dhimatay rabshado magaalada Kinshasa ku dhex maray dad dibad-baxyo dhigayay iyo xoogagga ammaanka. Bariga dalkaasi ayaa waxaa hadda ka jirta xasilooni darro, iyadoo dowladda ay awoodi la'dahay in ay xukunto meel ka abxsan magaalooyinka waaweyn.
Mucaaradka dalkaasi ayaa doonaya in madaxweyne Kabila uu xilka ka dego marka uu wakhtigaiisa dhameysto, waxa ayna ku eedeynayaan madaxweynaha in uu doonayo in uu xilka ku sii dhegganaado.