You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Human Rights Watch oo eedeysay dowladda Masar
Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa sheegaysa in jirdil loo gaysto maxabiista mid ka mid ah xabsiyada ugu dhibka badan ee dalka Masar.
Maxabiista ku jira xabsigaTora ayaa u sheegay hay'adda in la dilo, cunnada loo diido, laguna xiro qolal aanan lahayn daaqado, lagana hor istaago in ay helaan dawooyin.
Hay'adda Human Right Watch waxay sheegtay in la aaminsanyahay in xaaladahan ay sabab u ahayeen dhimashada ugu yaraan lix qof oo u xirnaa arrimo la xiriira siyaasadda sanadkii la soo dhaafay.
Saraakiisha dalka Masar ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan eedeynta lagu xusay warbixintaasi.