You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wenger "oon akhrin doonin" buugga Mourinho
Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in hubaashii "uusan akhrin doonin" buug ay qoraaladiisa ka mid yihiin hadallo laga soo xigtay ninka dhiggiisa ah ee maamula kooxda Manchester United, Jose Mourinho, oo leh" waxaan jabin doonaa wajiga ninka faransiiska ah."
Mourinho ayey si joogta ah isugu dhici jireen Wenger waqtigii uu tababari jiray kooxda Chelsea, isagoo mar Wenger ku tilmaamay in uu "ku takhasusay guulddarada".
Hadalkaasi ayuu Mourinho yiri kaddib markii ninka u dhashay Faransiiska uu sheegay in ay jiraan tababarayaal layliya kooxo ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo fursadaha ay koobka ku qaadi karaan hoos u dhiga, cabsi ay ka qabaan inay guuldaraystaan awgeed.
Wenger ayaa markaa kaddib raali gelin ka bixiyay hadalkaasi, isagoo sheegay in aanay dhibaato shakhsiyadeed cidna kala dhaxeyn oo uu qadarin u hayo qofkasta oo ciyaaraha ku lug leh.