You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Itoobiya oo laga dhisayo xarumo warshado si shaqo loo abuuro
Britain, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay inay maalgalinayaan boqol kun oo shaqo oo laga samaynayo Itoobiya, boqolkiiba soddon ayaa la siinayaa qaxootiga Eritaria.
Nus bilyan dollar ayaa lagu bixin doonaa dhisida laba xarumo oo warshado laga dhiso.
Itoobiya ayaa laga doonayaa inay qaxootiga siiso fasax ay ku shaqaysan karaan
Ra'iisalwasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in mashruuca uu u noqon doono tusaale sida loo caawiyo waddamada saboolka ah ee ay joogaan qaxootiga badan.
Itoobiya ayaa waxay hoy u tahay in ka badan toddobo boqol oo kun, oo intooda badan ka kala yimid Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaanta Koonfureed.