You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Doon ku degtay Masar oo muhaajiriin badan ay ku dhinteen
Ugu yaraan 29 qof ayaa dhimatay tobanaan qof oo kalena waa la la'yahay kaddib markii sida la sheegay ay xeebaha dalka Masar ku degtay doon ay saarnaayeen ku dhawaad 600 oo qof oo muhaajiriin
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in 150 qof la soo badbaadiyay.
Kooxaha gurmadka ayaa baadi goobaya dad kale oo nool oo ka badbaaday musiibadaasi.
Doonta ayaa ku degtay xeebta magaalada dekadda ah ee of Rosetta, waxaana wali soo baxaya macluumaadka ku saabsan shilkan.
Mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka caafimaadka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in inta badan dadka dhintay ay yihiin Afrikaan.
Wali ma cadda halka ay doontu ku socotay, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay u socotay dhinaca Taliyaaniga.