You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ninka looga shakisan yahay qaraxa New York oo la qabtay is xabadayn kadib
Ninka looga shakisan yahay qaraxa New York, Ahmad Khan Rahami ayaa boliiska uu qabtay kadib markii lagu dhaawacay isxabadayn ka dahacday Linden, New Jersey, ayay sheegeen warfaafinta
Filin ayaa laga arkay muujinaya isagoo lagu wado sariirta caafimaadka degdega.
Laba boliis ayaa ku dhaawacmay isxabadaynta.
Linden ayaa afar miles (6.4km) ka ah koonfur galbeed magaalada Elizabeth, oo waxyaabo kale oo qarxa laga helay Axadii.
Ninka oo u dhashay Afghanistan ayaa qaatay dhalasho Maraykan ah, waxayna FBI uga shakisan tahay qaraxii Sabtidii ka dhacay Manhatan.
Guriga reerkiisa ee ku yaal Elizabeth ayaa boliiska uu baarayaa.
Qaraxa ka dhacay xaafada Chelsea ee Manhattan waxaana ku dhaawacmay 29 qof. Waxyaabo kale oo aan qarxin ayaa laga helay meesha agteeda.