Qarax wayn oo ka dhacay hotelka SYL ee bartamaha Muqdisho

Hotelka SYL

Xigashada Sawirka, Somali News Agency

Qoraalka sawirka, Hotelka SYL ayaa burbur wayn soo gaaray

Qarax wayn oo baabuur ayaa ka dhacay banaanka hotelka SYL ee bartamaha Muqdisho.

Sida ay sheegeen ilo caafimaad oo kala duwan, ugu yaraan laba iyo labaatan qof ayaa ku dhintay in ka badan soddona way ku dhaawacmeen.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay inuu arkay dad badan oo dhaawacmay. Wuxuu sheegay in hotelka uu qasaare badan gaaray, ciidamada ammaankana ay goobta joogaan.

Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana isticmaala dowladda. Ma aha markii u horaysay ee hotelka la weeraro.

Warfaafinta gudaha ayaa sheegaysa in lagu qaban rabay hotelka shir looga hadlayo ammaanka. Dhowr wariye ayaa lagu soo waramayaa inay dhaawacmeen.

Alshabaab ayaa sheegtay inay ka danbaysay weerarka.

Ciidamada ammaanka oo jooga goobta qaraxa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha gurmadka ayaa yimid meesha qarxa ka dhacay
Burburka qaraxa

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Qoraalka sawirka, Hotelka SYL ayaa horay loo weeraray
Burburka qaraxa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Burbur badan ayaa soo gaaray dhismayaal badan
Gurmadka dhaawaca

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dhaawaca intiisa badan ayaa la geeyay isbitaal Madina