You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mudaaharaad Mugabe lagaga soo horjeedo oo booliisku sunta dadka ka ilmaysa u isticmaaleen
Booliiska dalka Zimbabwe ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa iyo biyo diiran ku ganay taageerayaasha mucaaradka oo isugu soo baxay mudaaharaad ay ka dhigayeen bartamaha caasimadda dalkaasi ee Harare.
Sidoo kale waxay garaacen dad xirnaa funaanado guduudan, midabkaas oo ah calaamadda xisbiga dhaqdhaqaaqa isbadalka dimuqraadiyadda ee loo soo gaabiyo MDC, sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC-da oo ku sugan goobtaasi.
Dadka dibad baxaya waxay dalbanayaan in isbadal lagu sameeyo guddiga doorashada ka hor doorashada dalkaasi ka dhici doonta sanadka 2018-ka.
Madaxwayne Robert Mugabe oo 92 jir ah ayaa sheegay in uu wali doonayo in uu doorashada ka qayb galo
Hogaamiyeyaasha 18 xisbi oo mucaarad ah ayaa dadka reer Zimbabwe ugu baaqay in ay mudaaharaad ka dhigaan maanta magaalada Harare, kaas oo ay ugu magac dareen "mudaaharaadka wayn"
Maxkamadda sare ayaa subaxnimadii hore ee Jimcihii amartay in mucaaradku ay qabsan karaan mudaharaadka ay qorshaysteen, maalin uun kaddib markii booliisku ay ka digeen in aan loo dulqaadan doonin mudaaharaadyo aan la fasixin.
Mudaaharaadyada shacabka oo nadir ku ahaa dalka Zimbabwe waxaa sare u qaaday dhaqaalaha dalkaasi ee aadka u liita.