You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Nigeria oo sagaal bangi ka joojisay sarifaada lacagta
Bangiga dhexe ee Nigeria, ayaa ka joojiyay sagaal bangi inay sarifaan lacagta ajnabiga ka dib markii ay ku guul daraysteen inay soo celiyaan in ka badan laba bilyan oo dollar oo dowladda lacagteeda ah.
Talaabadan ayaa la xiriirta go'aanka madaxweyne Muhammudu Buhari sanadkii hore ee uu hal xisaab bangi u sameeyay lacagta oo dhan musuq maasuq dartii.
Nigeria ayaa waxaa saameeyay dhibaatooyin dhaqaale shidaalka saliida oo hoos u dhacay awgeed, taasoo soo galisa lacagta adag ee dollarka.