You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
MSF: Cisbitaalkena ayaa Yemen lagu duqeeyay
Duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee xulafada uu horkacayo Sacuudiga ka geysteen woqooyiga Yemen, ayaa waxaa ku burburay cisbitaal ay maamusho hay'adda MSF.
Wararka laga helayo magaalada Abs ayaa sheegaya in duqeyntaasi ay ku dhinteen 7 qof, halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 13 qof.
Balse hay'adda MSF ayaa sheegtay in aanay hadda bixin karin tiro sax ah.
Xulafada uu hogaaminayo Sacuudiga ayaan weli ka hadlin dhacdadaasi.