Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika
Tebinta tooska ah ee BBC Somali News
Tebin toos ah
WHO:Waa inay joogsadaan waxyaabahan laga argagaxo

Xigashada Sawirka, Reuters
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa mar kale ka digay burbur ku yimaada nidaamka caafimaadka iyadoo Gaza ay weli ku socdaan weerarrada ka imaanaya Ciidamada Difaaca Israel (ka dib weerarradii Xamaas ay ku qaadeen Israel bil ka hor).
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ee Ramallah (ee Daanta Galbeed), wakiilka W-H-O ee Daanta Galbeed iyo Gaza, Richard Peeperkorn, wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xabbad-joojin degdeg ah.
“Dhimashada iyo dhaawaca way kuwa sii socda, markii ugu horraysana waa in la joojiyo waxyaabahan argagaxa leh, waxaanu u baahanahay xabbad joojin" ayuu yiri Richard
Saameynta daadadkii ku soo rogmaday Gaalkacyo
Youtuber caan ah oo cambaareyn kala kulmay ceelal uu sheegay inuu ka qodayo Soomaaliya
Daawo: Sida ay daadadka u biyo-dhigeen magaalada Baydhabo
Ma la hakin karaa gabowga? 8 arrimood oo muhiim ah in aad ogaato
Yaa ka dambeeyay iska hor imaadka Garowe ee khasaaraha dhaliyay?
Maxaa ka jira in jilcisada timaha ee Soomaalidu isticmaasho ay kansar sababto?
Waa tuma Naadiya Maxamed, gabadha Soomaaliyeed ee taariikhda cusub ka dhigtay Mareykanka?
‘Sida aan kusoo noolaaday ayay i weydiiyaan’: Fanaanadii Waayaha Cusub ee geerideeda la faafiyay oo BBC la hadashay
Abiy oo laga cabsi qabo inuu dagaal afaraad ka bilaabo Badda Soomaaliya marta
War deg deg ah, Tirada dadka ku dhintay Gaza oo korodhay
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in tirada dadka lagu dilay halkaas ay gaartay 10,569, oo ay ku jiraan 4,324 carruur ah, tan iyo markii Israa’iil ay billowday weerarradeeda aargoosiga ah wixii ka dambeeyay 7-dii Oktoobar.
Taasi waa kororka 241 dhimashada Gaza tan iyo tirada la daabacay shalay.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa horey su'aal uga keenay tirooyinka wasaaradda caafimaadka - laakiin Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa rumeysan in tirooyinka la aamini karo.
Ergaddii dhaqanka oo go’aamo kasoo saaray khilaafka doorashooyinka Somaliland

Xigashada Sawirka, faebook
Guddidii odayaasha dhaqanka ee ku jiray xallinta jabhadda buurta gacanlibaax iyo khilaafka doorashooyinka ayaa go’aamo kasoo saaray arrimhii ay xallintooda ku jireen. Gudida ayaa amray in muddo shan maalmood ah lagu kala diro jabhadda isku urursatay Gacan-libaax, waxaana hawshaa qabashadeeda lagu waajibiyay odayaasha beesha ay kasoo jeedaan.
Waxaana ergadani dawladda fartay in ay cafiyaan xubnaha jabhadaas iyo in doorashooyinka murankoodu sababay samaysanka jabhaddan isku mar la wada qabto 13 november ee 2024. Ergadan ayaa kalsooni ka haysta dhanka xukuumadda iyo mucaaradka labadaba.
Qodobada ergaddan ayaa marka la isku soo wada ururiyo soo saaray go’aamo ah sidii ay rabeen micaaradka Somaliland balse xukuumaddu diidanayd
Maxay culimadu ka tiri in Taalibaan ay gabdhaha muxram la'aanta ah ka celiso garoomada diyaaradaha?
“Aroortii ayaan Ilaahay barinnay qoysaskeenana waan ka duceysannay, waxaana tagnay garoonka diyaaradaha, aad ayaan u faraxnay, markii aan gudbinnay boorsooyinkeenna safarka, markaa kadib ayaa waxaa na soo hor istaagay saraakiil ka tirsan Taalibaan, iyagoo leh ma bannaana inaad safartaan, waliba dalka dibaddiisa u baxdaan”.
Waa erayadii gabadh u dhalatay dalka Afgaanistaan oo waxbarasho dibadda ah u baxaysay.
Nataki waxay ka qalin jabisay dugsiga sare waxa ayna isku diyaarineysay imtixaanka gelitaanka jaamacadaha xilligii Afghanistan ay la wareegtay Taalibaan.
Waxay ka niyad jabtay markii xukuumadda Taalibaan ay kumannaan gabdhood ka mamnuucday waxbarashada sare. Taasi waa sababta ay isugu dayday waxbarasho dibadda ah. Toban bilood oo dadaal ah kadib, waxa ay heshay deeq waxbarasho oo dibadda ah, waana ay ku guuleysatay in la aqbalo.
Itoobiya iyo Masar oo ka hadlaya biyo-xireenka Nile

Xigashada Sawirka, Reuters
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa ku sugan magaalada Qaahira iyagoo isku dayaya in ay ugu dambeyntii la yimaadaan heshiis ku saabsan sidii loo wadaagi lahaa biyaha webiga Niil.
Dhismaha biyo-xireenka ballaaran ee galbeedka Itoobiya ayaa bilaabmay in ka badan toban sano ka hor. Waxa ay bilawday in ay dhaliso koronto horraantii sannadkii hore, kaydka ayaa si joogto ah loo buuxinayaa – taas oo ka caraysiisay Masar iyo marka loo fiiriyo Suudaan.
Ku dhawaad dhammaan biyaha Masar waxay ka yimaadaan webiga Niil, biyo-xireenka waxay u arkaan khatar weyn.
Itoobiya ayaa sheegtay in mashruucan uu yahay mid lama huraan ah si ay malaayin qof koronto u helaan.
Maxay kalinimadu u noqotay mid ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee qarnigan 21-aad?
Taliban oo haweenka ka mamnuucay inay tagaan beer loo dalxiis tago

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka Talibanka ayaa haweenka ka mamnuucay inay booqdaan beerta qaranka ee Band-e-Amir ee ku taal bartamaha gobolka Bamiyan.
Ku-simaha Wasiirka Wanaagga ee Afgaanistaan, Mohammad Khaled Xanafi, ayaa sheegay in haweenku aysan xijaabka ku ilaalin gudaha beerta.
Wuxuu ugu baaqay culumaa’udiinka iyo hay’adaha ammaanka inay haweenka ka mamnuucaan inay soo galaan inta xal laga gaarayo.
Band-e-Amir waa beer soo jiidasho leh oo dalxiiska ku fiican, waxayna noqotay beertii ugu horreysay ee Afgaanistaan 2009.
Ruushka oo war hor leh ka soo saaray shilka uu ku dhintay Prigozhin

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxii Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay ka dib markii la baaray hidde-sidaha meydadka laga helay shilkii diyaaradeed ee Arbacadii, sida ay sheegeen saraakiisha Ruushka.
Guddiga dambi baarista (SK) ayaa sheegay in aqoonsiga dhammaan 10-ka dhibane la sameeyay ay yihiin kuwa ku jira liiska rakaabka diyaaradda.
Diyaarada gaarka ah ee Prigozhin ayaa ku soo dhacday waqooyi-galbeed ee Moscow 25kii Agoosto, iyadoo dishay dhammaan dadkii la socday.
Kremlin-ka ayaa diiday wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya inay sabab u tahay shilkan.
SK ayaa sheegay in ay sii wadayaan baaritaanka dambiyada.
Cilmibaaris: Maxay dadka qaar u xanaaqaan marka ay gaajeysan yihiin?
Maraykanka oo sheegay in 13 Alshabaab ah uu ku dilay duqeyn xagga cirka oo ku qaaday Koonfurta Soomaaliya

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Diyaarad aan duuliye lahayn War saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada maraykanka ee qaaradda Africa ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah oo ay qaadeen lagu dilay 13 dagaalame oo ka tirsan ururka Alshabaab.
Duqeynta oo aroornimadii sabtidii ka dhacday meel qiyaastii 45km woqooyi galbeed uga beegan magaala madaxda gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo, ayay maraykanku ku sheegeen inay ahayd is difaac.
Taliska maraykanka ee qaaradda Africa ayaa sheegaya in baaritaankooda horudhaca ah uu muujinayo in aanay jirin waxyeelo dad rayid ah gaartay.
Maraykanka ayaa Dawladda Soomaaliya ka caawiya duqeymaha xagga cirka ah ee lagu majaxaabinayo kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta.
