Dhinacyada Suudaan oo lagu eedeeyay in aysan diyaar u ahayn wada hadal xabbad joojin
Xukuumadda
Washington ayaa sheegtay in dhinacyada isku haya Suudaan aysan ka faa’ideysan
wada-hadallada ay fududeynayaan Mareykanka iyo Sacuudiga.
Wada
xaajoodka ka dhacay magaalada Jiddah ee Sucuudiga ayaa la doonayay in lagu
horseedo joojinta dagaalka.
Balse
sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay
in wadahadallada aysan ku guuleysan sidii ay markii hore ku heshiiyeen
ciidamada Suudaan iyo jabhadda Rapid Support Forces (RSF).
Dadka wax
indha indheeya ayaa sheegaya in xabbad joojintii u dambaysay, ee soo dhamaatay
Axaddii, si ka wanaagsan loo ixtiraamay xabbad joojintii hore, balse dagaalku
uu dib u billowday.
Diyaarad maanta ka laabatay hawada Garbahaarrey oo dhinacyada isku haya Gedo ay ka hadleen
Xigashada Sawirka, Google
Magaalada
Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxa maanta laga hor istaagay inay ka dagto
diyaarad sidday wafdi uu hogaaminayay gudoomiyihii dhawaan madaxweynaha
Jubaland u soo magacaabay gobolka, kaas oo ay ka hor yimaadeen qaar kamid ah
siyaasiyiinta deegaanka.
Diyaaradda
oo gashay hawada magaalada Garbahaarey ayaa dhawr jeer isku dayday inay
cagadhigato balse sababo amni darteed ayay dib ugu laabatay magaalada Muqdisho
oo ay markii hore ka duushay.
Dhinacyada
isku haya maamulka gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay sababta keentay
in duulimaadyadii garoonka Garbahaarey la joojiyo.
Gudoomiye
kuxigeenka cusub ee amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo ee dhawaan uu magacaabay
madaxweynaha Jubaland Cismaan Nuur Xaaji oo loo yaqaano Macalmimuu, oo aan
taleefanka kula hadalnay isagoo jooga Garbahaarey ayaa sheegay in sababo
farsamo dartood ay diyaaradu dib ugu laabatay Muqdisho isagoo yiri, “saaka waxa
aan sugeynay gudoomiyaha oo shacabku ay usoo bexeen gudoomiyaha, cillad ayaa ku
timid oo farsamo xumo diyaraaddii cid hagta marka ay weydayna wey laabatay”
Gudoomiye kuxigeenka
oo ka jawaabaya in diyaaradda la xabadeeyay sidaasina ay u laabatay ayaa yiri “anaga
ayaa garoonka joognay garoonkana waxaa ku sugan ciidamo, wey jireen kuwo aan
badneyn oo qalalaase waday laakiin gooni ayaa loo qabtay kuwaas,laakiin
cillaada ayaa ahayd in diyaaradda aan la hagin sabab kalana ma jirin, qof iyo
labo wax ay xabadeyn karaan ma jiraan gudoomiyuhuna wuu imaanayaa”
Dhinaca kale
Gudoomiye Kuxigeenka amniga ee degmada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud oo kamid
ah siyaasiyiinta diidan xubnaha Kismaayo laga soo magacaabay ayaa isna isagoo
ku sugan Garbahaarey waxa uu sheegay inay iyagu hor istaageen diyaaradu inay
soo caga dhigato magaalada, waxa uuna intaa ku daray inaanay oggolaan doonin in
diyaaradaasi dib ugu soo laabato Garbahaarey isagoo yiri “ diyaaradaasi
warbixinteeda horay ayan u heynay amarka diyaaradda lagu celiyayna annaga ayaa
bixinay, ma jirto wax farsamo xumo ah oo dhacday diyaarad safar soo gashay ayey
eheed waxaasina waa iska sheeko xumo.”
Weerar loo adeegsaday gaari oo ka dhacay magaalada Nottingham ee UK
Booliiska
magaalada Nottingham ee dalka Ingiriiska ayaa xiray nin soddon iyo kow jir ah
oo looga shakisan yahay dil ka dib markii maydadka saddex qof laga helay laba
waddo oo kala duwan.
Waxay sheegeen in saddex qof oo kale ay sidoo kale
isbitaalka ku jiraan ka dib markii darawalka gaari uu damcay inuu jiirsiiyo.
Booliisku waxay rumeysan yihiin in shilalku ay xiriir leeyihiin.
Taliyaha Ciidanka Booliska, Kate
Meynell, ayaa ku tilmaantay dhimashada mid naxdin iyo murugo leh.
Raiisel
wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa uga mahad celiyay booliska kahortagga
deg dega ah ee ay sameeyeen.
Gaadiidka qaar ee caasimadda ayaa la hakiyay
waxaana la xiray waddooyin badan.
Eritrea oo dib ugu biirtay urur goboleedka IGAD kadib markii ay ka baxday 16 sano ka hor
Xigashada Sawirka, Igad Secretariat/Twitter
Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaa bartiisa
Twitter-ka ku soo qoray Isniintii in Eritrea “ay dib u bilowday
dhaqdhaqaaqeeda” oo ay fariisatay shir madaxeedka Igad ee ka socda dalka jaarka
ah ee Djibouti.
Xoghayaha fulinta ee kooxda gobolka, Workneh Gebeyehu, ayaa
sheegay "in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo dhoweeyo wasiirka arrimaha
dibadda ee Eritrea Cismaan Saalax" markii uu ku soo biiray shirka.
Eritrea ayaa sannadkii 2007-dii joojisay xubinimadii ururkaas, iyadoo ka cabanaysa faragelinta milateri ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya iyo burburinta ururkaas oo ay ku eedeeyeen ciidamada dibadda ah.
Igad waxay ka kooban tahay Djibouti, Eritrea, Ethiopia,
Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda.
Maxkamadda degmada Iringa ayaa 29 sano oo xarig ah ku
xukuntay haweeney ka soo jeeda tuulada Lumuli, Desderia Mbwelwa kaddib markii
ay kufsatay wiil 8 jir ah isla markaana ay qaadsiisay cudurrada galmada lagu
kala qaado.
Sida laga soo xigtay wargeyska Mwananchi, maalintii uu
falkani dhacay, haweenaydu waxay heshay ilmaha dhibbanaha ah ee dhacdadan ku
dhacay, isaga oo xoojinaya, ka dibna waxay waydiisay halka ay saaxiibbadiis
joogeen, markii loo sheegay in saaxiibbadiis aanay joogin, waxay ku kufsatay geed
hoostiis.
Kiiskan oo uu akhriyay guddoomiyaha maxkamadda sare, Said
Mkasiwa, ayaa shan markhaatiyaal ah oo uu ku jiro dhakhtar baaray ilmahan oo
xaqiijiyey in ilmaha yar uu nabarro ka soo gaaray kufsiga, isla markaana uu ku
dhacay xanuunnada galmada lagu kala qaado.
Maxkamaddu waxay siisay fursad ay isku difaacdo, Desderia
ayaa sheegtay in ay tahay qof weyn oo ay leedahay carruur iyo kuwo ay ayeeyo u
tahay oo iyada ku tiirsan, ka dibna
maxkamaddu waxay ku xukuntay 29 sano oo xarig ah oo ku saabsan dambiga
xadgudubka galmada ee ka dhanka ah 8-sano jirkan ilmaha ah iyo sidoo kale xanuunka
ay qaadsiisay.
Si kastaba ha ahaatee, qareenkeeda, Frank Mwela ayaa sheegay
inuu rajaynayo inuu racfaan ka qaato sababtoo ah lama baarin si loo go'aamiyo
in ay dhab ahaantii qabto cudurradan galmada lagu kala qaado.
"Qofka aan u doodayey lagama baarin cudurradaas oo iyada
iyo markhaatigiisii ay xaqiijiyeen in aanay qabin cudurradaas, waayo markhaat
yaasha waxaa ka mid ah ninkeeda," ayuu yiri.
In ka badan 600 oo tahriibayaal ah ayaa Axaddii ka tallaabay
kanaalka Ingiriiska, tiradaas oo ah tiradii ugu badnayd ee hal maalin ah ilaa
hadda sanadkan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.
Ilaa 616 qof ayaa la arkay iyaga oo ka soo safraya dalka
Faransiiska waxa ayna wateen 12 doonyood oo yar yar.
Tirada guud ee dadka tahriibayaasha ah ee sanadkan waxa ay
ka badan yihiin 8,000 oo qof, kuwaas oo ilaa 2,000 ka yar intii ay sannadkii
hore ahaayeen.
Isagoo ka hadlayay Dover usbuucii hore, Reysal wasaare Rishi
Sunak ayaa sheegay in qorshihiisa lagu dhimayo tirada muhaajiriinta uga gudbaya
Channel-ka ee doomaha uu shaqeynayo tiradana ay hoos u dhacday markii ugu
horeysay.
Mr Sunak ayaa u sheegay tifaftiraha siyaasada ee BBC Chris
Mason in isgoysyada ay hoos u dhaceen shan meelood meel, iyo tirooyinka dadka
Albania ee ku sii jeeda Britain 90%.
Tim Loughton, oo ah xildhibaanka East Worthing &
Shoreham, ahna xubin ka tirsan guddiga arrimaha gudaha, ayaa yiri "waa
inaan waxba ka ogaanin arrintan tiradan ugu dambeysay "marka laga reebo in
aan wali dhibaato ku qabno".
Waxa uu sheegay in Faransiisku uu u baahan yahay in uu dadka
ku xiro xeebaha, oo aanu kaliya la wareegin doomaha.
Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan u baahanahay in si sax
ah loo qoondeeyo waddooyin ammaan ah oo sharci ah, si magangalyo-doonka sharciga
ah ay uga soo codsadaan dibadda."
Maleeshiyaad in ka badan 40 qof ku dilay bariga DR Congo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maleeshiyo ka tirsan koox loo yaqaan Codeco ayaa lagu eedeeyay weerar ka dhacay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof.
Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in kooxdu ay soo weerareen xerada Lala subaxnimadii hore ee Isniintii; waxay toogteen sidookalena garaaceen dadka deegaanka ka hor inta aysan dab qabadsiin guryaha ay dad ku noolaayeen.
Qaar ka mid ah dadkii gudaha ku jiray ayaa nolosha lagu gubay.
Waa weerarkii ugu dambeeyay ee kooxdan oo sheegatay inay difaacdo danaha beeralayda Lendu ay geysteen.
Benin oo qoraneysa askar badan si ay ula dagaalamaan kooxaha mintidiintu
Dowladda Benin ayaa qoreysa 5,000 oo askari oo dheeraad ah, ka dib markii ay kordheen weerarada ay mintidiintu ka geysanayaan soohdinta waqooyiga ay la wadaagto Burkina Faso.
Ciidamada cusub ee la qaadanayo ayaa looga baahan yahay inay yaqaanaan ugu yaraan mid ka mid ah luqadaha looga hadlo gobolka, waxaana la siin doonaa tababar lix bilood ah.
Kooxaha Jihaadiyiintu waxay joogaan Park W, oo ah aag la ilaaliyo oo kayn ah oo ku fidsan xudduudaha Benin, Burkina Faso iyo Niger.
Dhaqtar Suudaani:Cidamada RSF oo dad ka qaafaashay qeybaha caasimada ee ay katilayaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhaqtar Suudaani ah ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada RSF-ta ay xaalad argagax leh ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah caasimadda ay maamulaan.
Mohammed Gibbril ayaa sheegay in ay guryaha u dhacayeen, isla markaana ay dad qafaasheen , sidokalena ay gaaf wareegayeen waddooyinka magaalada Khartoum.
Qaar ka mid ah dadka RSF-ta u qoreen dagaalka ay kula jiraan ciidamada Suudaan waxay ahaayeen caruur.
Kenya oo kariixeysa wada hadal toos ah oo ay la gasho dhinacyada isku haya Suudaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa muujiyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in uu kulan fool-ka-fool ah la yeesho jeneraalada isku haya Suudaan si loo xalliyo dhibaatada halkaas ka taagan.
Waxa uu sheegay in Kenya – iyada oo ah guddoomiyaha “quartet-ka” ee dalalka gobolka ee ku saabsan Suudaan oo ay sidoo kale ku jiraan Itoobiya, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan - “ay ka go’an tahay inay si fool ka fool ah ula kulmaan labada dhinac si loo helo xal waara”.
Dagaalka ayaa Sudan ka socday tan iyo 15-kii April u dhexeeya ciidamada, oo uu horkacayo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenkii hore ee militariga Mohamed Hamdan Dagalo, oo sidoo kale loo yaqaan Hemedti.
Hoggaamiyeyaasha Kenya, Itoobiya, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya ayaa tobanka maalmood ee soo socda si fool-ka-fool ah ula kulmi doona dhinacyada isku haya Suudaan, si ay xal nabadeed ugu helaan colaadda taagan, ayuu Madaxweyne William Ruto ka sheegay Isniintii Golaha caadiga ah ee 14-aad ee Golaha madaxda IGAD
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka falcelinayay gantaalada Ruushka ee habeenimadii xalay ay ku garaaceen dhismayaal ay degan yihiin dad rayid ah oo ku yaala Kryvyi Rih.
" Ruushku waxay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah dhismayaasha la dego, magaalooyinka caadiga ah iyo dadka," ayuu madaxweynaha Ukraine ku qoray bartiisa telegramka ee fariimaha
Waxa uu tacsi u diray “dhammaan kuwii eheladooda ku waayey” wuxuuna yiri “argagixisada weligood lama cafin doono”.
Ghana oo dib ula soo noqotay kaalinta koowaad ee wax soo saarka dahabka ee Afrika
Xigashada Sawirka, AFP
Ghana ayaa dib u heshay maqaamkeeda ahaa in ay hormuud ka tahay wax soo saarka dahabka ee Afrika ka dib markii 32% sare u kac ku yimid wax soo saarka dahabka sanadkii hore.
Rugta Macdanta ee Ghana ayaa u sababaeysay horumarkan kororka wax soo saarka ee macdanta yaryar iyo kuwa waaweyn labadaba.
Inta badan kaymaha dalka, webiyada iyo biyaha kale, ayaa waxaa waxyeello u geystay qodista dahabka ee sharci darrada ah, taasoo keentay walaac caafimaad darro ah oo soo food saartay bulshooyinka macdan qodista.
Caan ka ah magaca galamsey, macdanta yar yar ayaa isha nololeed u ahayd dhalinyaro badan oo shaqo la'aan ah koonfurta Ghana.
Ma run baa in haweenku ay ka been sheegaan qanaacada gogosha?
Gabar magaceeda lagu sheegay Maariya, laakiin aan ahayn midkeeda rasmiga ah, oo da'deedu ay tahay 30 jir, ayaa sheegtay inay jirto arrin inta badan haweenka sir u ah, laakiin ay tahay lagama maarmaan in laga wada hadlo.
Sirtaasi waxey haweeneydani ku tilmaantay qanaacadda gogosha.
"Waxa ku dhacaya hooyada, ayaa ah xanuun nafsi ah oo ku yimaada sababo heerka qanaacadda gogosha,“ ayey tiri Maariya.
"Dumarka qaarkood aad bay u dheereeyaan."
Mariya ayaa waxay ka sheekaynaysaa sida arrimaha gogosha ay dareen gaar ah ugu leeyihiin nolosheeda, ee ay la wadaagayso afar sano saygeeda.Sii akhri
DAAWO:Maxaa Keenay in kumanaan kun oo Kalluun ah ay xeebta Texas ku soo caariyaan?
Contains some upsetting scenes.
Qoraalka Muuqaalka, Thousands of fish wash up on Texas coast
Dhinaca Xeebta Gacanka ee Texas, kumannaan kalluun dhintay
ayaa ku soo caariyay xeebta.
Khubarada gobolka ayaa sheegay in ay arrintan ay sabab u
tahay Ogsajiinta oo yaraatay, taas oo ay ugu wacan tahay heerkulka biyaha oo
sarreeya.
Assalamu Caleikum, Kusoo dhawaada Tebinta tooska ah wararka BBC Somali