Cabdul ayaa
waxa uu haystaa qori AK-47 ah oo cusub, wuxuuna u suran yahay garabka bidix,
halka gacanta midigna uu ku haysto ul weyn, taasoo uu isku dheellitirayo, isaga
oo si adag ugu garaacaya cirifyada geedaha maandooriya Poppy-ga.
Cawska geedka
Poppy-ga, oo ay dabaysha ka keeneyso caano, ayna la socoto urta Opium-ka oo aan
bislaan, ayaa hawada u soo baxaya.
Daqiiqado
gudahood Abdul iyo toban nin oo kale oo la shaqaynayey, ayaa waxay xididdada u
siibeen dalaggii Poppy-ga oo dhan ee beerta yar ku beernaa.
Dabadeed
nimankii hubaysnaa oo dhamaantood ku labisan Shalwar Qamiis oo u badan rag gar
dheer, halka qaarkood indhaha ay u xiran yihiin, ayaa mid mid uguu raraya
gadaasha danbe ee gaari maandooriyahan, oo haddana u sii gudbaya beertani beerta
ku xigta.
Nimankan
ayaa ka tirsan qaybta la dagaalanka maandooriyaha ee Talibanka, ee ku sugan
bariga dalka Afgaanistaan ee gobolka Nangarhar.
Waxayna ku
dadaalayaan raggani dagaalka Maandooriyaha, iyagoo lasiiyey fursad naadir ah oo
ay ugu biiraan roondooyinka, si ay u cirib tiraan beerashada Poppy-ga.
Wax
ka yar laba sano, raggani, ayaa waxay ahaayeen dagaalyahanno fallaago ah, oo
qayb ka ahaa guluf lagu doonayo in dalka Afghanistan lagu qabsado. Haatan way guulaysteen oo waxay la joogaan madaxda, waxayna fulinayaan
awaamiirta hoggaamiyahooda.