You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Buulo Mareer: Waa kuma korneelkii Uganda ee riyadiisii ay soo afjareen al-Shabaab?
- Author, Fatuma Maalim Abukar
- Role, BBC News Somali
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Sabtidii sheegay in ugu yaraan 54 meydadka saraakiil ka tirsanaa ciidamada Uganda laga soo saaray xerada milatari ee toddobaad kahor ay weerarka ku soo qaadeen al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa xildhibaannada xisbiga talada haya ka hor sheegay in ciidamada Uganda ay dib ula wareegen deegaanka Buulo Mareer.
Museveni ayaa sheegay in taliyaha saldhiggaas, Gaashaanle Dhexe Korneel Edward Nyororo, uu ka mid ahaa saraakiishii ku dhintay weerarka.
Toddobaadkii la soo dhaafayna, madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiishiisa aysan waajibaadkooda u gudan sidii laga filayay isla markaana qalqal ku yimid uu al-Shabaab u suurtogeliyay inay la wareegaan xerada ayna burburiyaan qaar ka mid ah qalabka ciidamada Uganda.
Baaritaan ku aaddan dhacdadaas oo ay wadaan saraakiisha ciidamada ayaa labilaabay.
Laakiin kooxda al-Shabaab oo lagu yaqaan inay kordhiyaan oo ay wax ku daraan tirada waxyeelada ay ku geystaan weeraradooda waxay sheegatay inay dishay tiro ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta, islamarkaasna gubtay gawaari dagaal. Ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijin jira sheekada kooxda.
Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkaas.
Muxuu ka dhigan yahay hadalka Museveni?
Axmed Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha ay ka muuqatay qirasho ah in ciidamo badan ay ku waayeen guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna weerarkii ugu dambeeyay ee Buulo Mareer.
"Madaxweynaha waxaa kale oo ka muuqatay inuusan ku qanacsaneyn qaabka howlgallada ay uga socdaan Soomaaliya. Wuxuu ka dhawaajiyay in la musuqmaasuqay oo shaqaalihii u shaqeynayay madaxda Uganda ee dhanka militariga in la askareeyay oo Soomaaliya loo diray, annaga marka meesha ay naga quseyso waxay tahay in ciidamada Midowga Afrika ay ka dhigteen il dhaqaale," ayuu yiri.
Kaboole ayaa sheegay in badanaa aan la qarin ciidanka ka dhinta Midowga Afrika, maaddaama dhaqaalahooda ay bixiso beesha caalamka.
Wuxuu dhanka kale sheegay in tiradan ay al-Shabaab sheegteen ee 100-ka ah ay ka badbadiyeen.
"Waana qaab dacaayad ah oo ay rabaan inay ku ku niyad jebiyaan oo ay ku tusaan inay weerarro khatar ah ka geysteen, taageerayaashooda ayayna arrintaas u sheegayaan," ayuu intaa raaciyay.
Wuxuu sheegay in hadalka ka soo baxay Uganda uu yahay kan ugu dhow dhanka sax ahaanshaha.
Muxuu saldhigga muhiim ku yahay?
Waa mid ka mid ah saldhigyada ugu waa weyn ee howlgalka Midowga Afrika ku leeyahay gobolka Shabeelada Hoose. Waxaa Al-Shabaab laga la wareegay 2014kii.
Waxa uu muhiim u yahay isu-socodka iyo saadka ciidamada Uganda ee gobolkaas jooga, kuwaas oo saldhigyo kale oo waa weyn ku leh Marka, Janaale, Baraawe, Qoryooley, Golweyn iyo Balidoogle.
Horey Kooxda al-Shabaab ayaa u weerartay saldhiga degmada Janaale 2015kii markaas ay kooxdu sheegatay inay askar nool oo Atmis ka tirsan ay weerarkaas ku qabteen.
Al-Shabaab gacanta kuma hayaan degmooyinka waa weyn ee gobolkaas, marka laga reebo Sablaale, laakiin waxaa la sheegaa in lagu arko dhulka miyiga iyo beeraha ba.
Kumuu ahaa korneel Edward Nyororo?
Gaashaanle Dhexe Edward Nyororo, markii uu weerarku dhacayay wuxuu ahaa taliyihii saldhigga, isagoo sarkaalkii uu ku xigeenka u ahaa ee Sarreeye Guuto Gaetano Peter Omola uu ku maqnaa Muqdisho.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Uganda, Korneel Nyororo oo da'diisa lagu sheegay 46, wuxuu ahaa nin nabadda jecel.
Wuxuu qorsheynayay inuu bisha August ee sanadka howlgab ka noqdo ciidanka, isla markaana uu hooyadiis guri uga dhiso Uganda.
Balse riyadiisa waxaa soo afjaray al-Shabaab. Waxaa weerarkan lagu tilmaamay kii ugu ba'naa ee soo gaara ciidankan.
"Wiilkeyga wuxuu u oggolaaday inuu aado Soomaaliya, inuu ahaa nin nabadda jecel, wuxuuna doonayay in dadku ay nabad u noolaadaan," ayaa laga soo xigtay hooyadiis.
Waxay intaas ku dartay inuu ahaa nin geesi ah mar walbana war ka maqli jiray madaxdiisa.
Bishii Febraayo ee sanadkan ayuu ku laabtay Uganda, sida ay qoyskiisu sheegeen, isagoo halkaasi loogu sameeyay duco, kaddibna shaqadiisii Soomaaliya ayuu dib ugu laabtay.
Wuxuu ciidamada ku biiray isagoo carrur ah, kadibna wuxuu usii gudbay darajooyin sare.
Dadka yaqaanna sarkaalkan, ayaa sidoo kale ku sheegay inuu ahaa nin aan cabsan.
Ciidamada Uganda, ayaa ka howl galayay Soomaaliya muddo 20 sano ku dhow, iyagoo qeyb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.