Madaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada uga dhimatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen ciidamadiisa

Tebinta Tooska ah Wararka BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Dagaal dib uga qarxay Khartuum kaddib markii ay dhamaatay muddadii xabad joojinta

    Dagaalka Suudaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dagaalka Suudaan

    Dadka ku sugan caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ayaa soo weriyay dagaallo dib uga qarxay dhawr goobood oo magaalada ku yaala maanta oo Axada, kaddib markii ay dhamaatay waqtigii xabad joojinta ee dhinacyada is haya ku heshiiyeen, taasoo ay garwadeen ka ahaayeen dawladdaha Maraykanka iyo Sucuudiga.

    Dad goobjoog ah ayaa sidoo kale soo weriyay dhicitaanka diyaarad milatari oo ku dul burburtay Omdurman oo kamid ah sedexda magaalo ee ay ka kooban tahay caasimadda weyn ee Khartuum. Ma jiro waxa warra oo ka soo baxay milatariga oo aalaaba adeegsanayay diyaaraddaha dagaalka tan iyo markii ay bilaabatay dirirta Suudaan si uu u bartilmaameedsado saldhigyada ciidamada sida milatariga u tababaran ee RSF.

    Sucuudiga iyo Maraykanka ayaa sheegay inay isku dayayaan inay ku qanciyaan ergooyinka Milatariga iyo RSF ee jooga Jeddah in waqti dheeraada lagu daro xabad joojinta waloow atintaasi ay istaagtay todobaadkii hore.

    “wadaxajoodyadaasi waxa diiradda lagu saarayay si loo fududeeyo gargaarka bini’aadanimo iyo sidii heshiis xiliga gaaban ah loo gaari lahaa kahor inta aanay dib u bilaaban wadahadallada Jeddah,” ayaa lagu yiri war wadajira oo ay saareen labada wadan.

    Heshiiska xabad joojinta ayaa soo bilowday 22 May, wuxuuna ku ekaa xalay fiidnimadii.

    Heshiiskaasi waxa uu xoogaa yareeyay dirirtii socotay, isagoo gacan ka geystay in la fududeeyo gurmadka gargaarka, laakiin sidii horey u dhici jirtayba, dhawr jeer ayaa lagu xadgudbay xabad joojinta.

    Meelaha dagaallada cusub laga soo weriyay maanta oo Axada waxa kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta Khartuum, iyo Bahri oo ku teedsan naylka buluugga ah illaa waqooyiga.

    Dagaalka todobada todobaad galay ayaa barakiciyay 1.2 milyan oo qof dalka gudihiisa, iyo 400,000 oo qof oo u qaxay wadamada dariska ah.

  2. Shiinaha: “Dagaal lala galo Mareykanka waa musiibo aan loo adkeysan karin”

    Wasiirka Difaaca ee Shiinaha Li Shangfu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Difaaca ee Shiinaha Li Shangfu

    Wasiirka Difaaca ee Shiinaha Li Shangfu oo ka hadlayay shirka sare ee amniga ee Asia ayaa sheegay in khilaafka kala dhaxeeya Maraykanka uu noqon karo “Musiibo aan loo dulqaadan karin” laakiin dalkiisu uu door bidayo wadaxaajood intii la iska hor imaan lahaa.

    Li Shangfu oo ka hadlayay Singapore ayaa sheegay in dunida ay ku filan tahay Maraykanka iyo Shiinaha oo si wadajira u kora. Hadalkan ayuu wasiirku jeediyay maalin uun kaddib markii uu diiday inuu la kulmo dhigiisa Maraykanka si ay u yeeshaan wadahadallo toosa.

    “Shiinaha iyo Maraykanku waxay leeyihiin habbab kala duwan, dhinacyo kalena way ku kala duwan yihiin,” ayuu ku yiri hadalkiisii ugu horreeyay ee uu meel fagaare caalami ah ka jeediyo tan iyo markii loo magacaabay wasiirka difaaca qaranka Shiinaha bishii Maarso.

    “Si kastoo ay ahaato, tani kama joojinayso labada dhinac inay raadiyaan dano ay wadaagaan si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac iyo wadashaqayn qoto dheer,” ayuu yiri. “Waa mid aan la dafiri karin khilaafka oo aad u xumaada ama iska hor’imaad dhexmara Shiinaha iyo Maraykanka inuu noqon doono musiibo aanay dunidu u dulqaadan karin.”

    Xiriirka u dhaxeeya Washington iyo Beijing ayaa waxa aad u xumeeyay dhawr arimood, oo ay kamid tahay arinta Taiwan iyo muranka xuduudda ee badda Koonfurta Shiinaha.

  3. Maydadka dad lagu laayay Mudug oo la aasay

    Khariidadda Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Khariidadda Soomaaliya

    Maydadka lix qof oo ku dhintay dagaal beeleed shalay ka dhacay Gobolka Mudug ayaa maanta lagu aasay deegaanno hoostaga magaalada Afbarwaaqo.

    Dagaalka dadkan ay ku dhinteen oo ka dhacay miyiga tuulada Qoryo Weyn oo qiyaastii 10 km galbeed ka xigta Afbarwaaqo ayaa dhexmaray xoolo dhaqato aaggaasi ku wada nool, sida ay BBC-du u sheegeen dad goobjoog ah.

    Dagaalka waxa kaloo ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya toban qof.

    Dirirta dhexmartay xoolo dhaqatada ayaa loo tiriniyaa aano hore oo dhexmartay reerraha halkaasi wada dagan oo dhawr jeer oo hore dad isaga laayay.

    Ciidamada isku dhafka ah ee amniga Gaalkacyo ayaa la geeyay meelaha ay rabshaduhu ka dhaceen, waxana lagu soo waramayaa in hadda xaaladdu dagan tahay.

  4. Xaalada Daarfur ee dalka Suudan oo laga deyrinayo

    sudan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Guud ahaan tuulooyin ka tirsan gobolka Daafuur ee galbeedka dalka Suudaan ayaa dabley hubaysan ay gubeen.

    Sida ay sheegeen hay'adaha gargaarka digaya gobolka waxa uu qarka u saaran yahay "musiibo bini'aadantinimo".

    Bililiqo baahsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah ayaa dad badan ka dhigtay inay waayaan cunto, biyo nadiif ah iyo dawo.

  5. Maxaad ka ogtahay gaaska qoslka ee naftaada halis gelin kara?

    Gaaska qosolka oo haddii aad jiiddo ama nuugto kaa qoslinaya ayaa loo adeegsadaa siyaabo kala duwan, waxaa ka mid ah dhanka caafimaadka oo ay dhaqaatiirtu u adeegsadaan inay ku suuxiyaan bukaanka, warashada cuntada oo u isticmaala waxyaabo ay ka mid yihiin kareemka cuntada iyo kuwa kale.

    Balse gaaskan fudud oo aan lagu ogeyn halis hore ayey dadku u adeegsadaan siyaabo kale oo ay ka mid yihiin meelaha xafladaha ah iyaga oo nuugaya ka dibna qosol la dhacaya, waana taas sababta keentay in la ogaado inuu leeyahay halis caafimaad oo xataa dhimasho ah.Sii akhri

  6. Shirweynaha Xakameynta faafinta wararka been abuurka oo Muqdisho ka socda

    MUQDISHO

    Shirweynaha xakameynta faafinta wararka been Abuurka iyo saameynta bulshada ay ku leeyihiin oo ayaa Muqdisho ka socda maalinkii labaad.

    Shirkaan ayaa shalay waxaa daahfuray Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre,iyadoo diirada lagu saarayo sidii loo xakameyn lahaa wararka been abuurka oo sameeyn ku leh Bulshada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

    Waxaa maanta lagu wadaa in shirkaa looga doodo arrimo ay kamid yihiin saamaynta wararka been abuurka ahi bulshada ku leeyihiin iyo siday khatarta ugu yihiin deganaanshiiyaha dalka Soomaaliya.

    Sida warbaahinta qaranka sheegtay shirka ayaan lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo,oo war murtiyeed laga soo saaro

  7. Tirada dadka ilaa hadda ka baxay Ruushka

    russia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dad u dhashay dalka Ruushka oo gaaraya boqolaal kun ayaa la asheegay in ay dalkooda isaga tageen tan iyo markii uu bilowday duulaanka ballaaran ee lagu qaaday dalka Ukraine.

    Muwaadiniinta Ruushka u dhashay ayaa dalka ka baxayay xitaa ka hor dagaalkii Ukraine, oo ay ku jiraan kuwii khilaafay qabsashadii Moscow ee Crimea 2014 iyo sharciyo cusub oo fududeeyay in la ciqaabo mucaaradka.

    Qaar badan oo ka mid ah waxay degeen gobollada Baltic, dalalka kale ee midowga Yurub, iyo sidoo kale Georgia.

    Madaxweyne Putin waxa uu bilaabay abaabul ciidan bishii Sebtembar 2022 kaas oo ah in " qof walbo uu u diyaar garoobo in uu qayb ka noqdo ciidanka" waxayna la macno tahay in ragga intooda badan ay halis ugu jiraan in laga qoro ciidanka.

    Afhayeenka madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov ayaa beeniyay in dadka Ruushka ay ka baxayaan Ruushka si ay uga badbaadaan in la ciidanka laqoro.

  8. Qorshaha UK ee soogalootiga sharci darrada ah oo ay lacago badan kubaxayaan

    uk

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Kharashka lagu haynayo iyo masaafurinta dadka sharci darada ku imaanaya UK doomaha yar yar ee hoos imanaya sharciga cusub ee la qorsheeyay ayaa noqon kara lacag dhan £6bn labada sano ee soo socota. Sida ay saadaasha dawladda UK saadlisay.

    Sharciga ka dhanka ah dadka muhaajiriinta sharci darrada ah ayaa hadda maraya baarlamaanka.

    BBC-du waxay fahansan tahay in Home Office-ku uu qiyaasayo in xarumaha dadka lagu hayo, hoygooda iyo dib ucelintooda joogto ah ay ku qarash gareyn doonto inta u dhaxaysa £3bn iyo £6bn.

    Waxay awood u siinaysaa wasiirada inay dib uceliyaan qof kasta oo si sharci darro ah ku yimaada UK.

    Muhaajiriintan waa laga mamnuuci doonaa inay magangalyo ka dalbadaan UK.

  9. Madaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada uga dhimatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen ciidamadiisa

    uganda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

    Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

    Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkasi dhacay 26-kii May ay ku dileen 137 askari.

    Museveni ayaa sidookale sheegay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markaas ay saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

  10. Raysul wasaaraha Hindiya oo si kulul uga hadlay shilkii tareen ee Hindiya

    HINDIYA

    Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in"ciqaab adag" la marsiin doonaa dadka lagu helo ina sabab u ahaayen shilka tareen oo dadka badan ku dhinteen oo ka dhacay bariga Hindiya

    Ugu yaraan 288 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 800 oo kalena way ku dhaawacmeen shil Jimcihii ka dhacay gobolka Odisha, kadib markii laba tareen oo rakaab ah iyo tareen alaab sida oo ay isku dhaceen.