Siyaasiyiin go'aan kasoo saaray war murtiyeedkii golaha wadatashiga qaran

Tebinta Tooska ah ee Wararka BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Liibiya oo xukun dil ah ku ridday 35 nin oo ka tirsanaa Daacish

    Daacish

    Xigashada Sawirka, Google

    Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa lagu soo warramayaa in ay xukun dil ah ku ridday 35 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

    Saddex iyo labaatan kale ayaa lagu xiray, halka Shan qofna lagu waayay dambiga.

    Eedeysanayaasha oo dhamaantood la haystay tan iyo bishii Disembar 2016-kii waa kooxdii ugu horreysay ee in ka badan saddex boqol oo eedaysaneyaal jihaad doon ah oo maxkamad la soo taagayo laguna xukumayo.

    Kiiskan ayaa imaanaya lix sano kaddib markii in kabadan toddobo boqol oo dagaalyahanno ah oo taageersan dowladda Tripoli lagu dilay dagaal ay dib uga qabsadeen magaalada Sirta ee dalka Liibiya oo ay gacanta ku hayeen IS.

  2. Isbitaal lagu helay in carruurta ku dhalata lagu rido kartoomo

    South Africa

    Xigashada Sawirka, Google

    Cisbitaalka SA ayaa laga baarayaa in dhallaanka cusub la geliyo kartoomo

    Maamulka Koonfur Afrika ayaa baaraya dhacdo ku saabsan in dhallaanka dhawaan dhashay lagu riday kartoonada, halkii lagu xanaaneyn lahaa sariiro.

    dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Waqooyi Galbeed ee dalka Koonfur Africa.

    Dhacdadan oo ka dhacday isbitaalka gobolka Mahikeng qaybta dhallaanka ayaa soo shaac baxday Sabtidii kadib markii warbixin la soo dhigay barta Facebook ay muujisay carruur ku duuduuban bustayaal isla markaana ay ku xiranyihiin tuubooyinka sanka, oo la geliyay kartoomo bunni ah, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

    Madaxa caafimaadka ee Waqooyi Galbeed Madoda Sambatha ayaa sheegay in ay baarayaan arrintan si loo ogaado inta ay caruurtu ku jireen kartoomada.

    Mr Sambatha ayaa raaligelin ka bixiyay wuxuuna ku baaqay in la is dejiyo inta arrinta la baarayo.

    Wuxuu sheegay in si deg deg ah loo diyaariyay in sariiro dheeri ah oo isbitaalka loo diro.

    Maamulaha kalkaalisooyinka isbitaalka ayaa la sheegay in shaqada laga joojiyay.

    Wasiirka caafimaadka Joe Phaahla ayaa Isniintii ku tilmaamay dhacdadan mid liidata oo maamul xumo ah isla markaana ay sameeyeen kuwa gacanta ku haya xarunta.

  3. Dagaal culus oo dib uga qarxay Suudaan kadib Muddadii xabbad joojinta ee idlaatay

    Sudan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dalka Sudan waxaa ka dhacay iska horimaadyo culus, saacado ka hor dhamaadkii xabad joojin toddoba maalmood ahayd oo marar badan la jebiyay.

    Dadka deggan koonfurta iyo galbeedka Cumdurman, oo ku dhow caasimadda Khartoum ayaa sheegaya in ciidamada iyo xoogagga taageerada degdegga ah ee ka soo horjeeda uu midba midka kale duqeymo u geysanayeen si ay dhul u helaan.

    Maraykanka iyo Sucuudiga oo dhexdhexaadinayey xabbad joojinta ayaa ku booriyey labada dhinac inay saxiixaan muddo kordhin.

    Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka ayaa sheegay in ay ku dhibtoonayeen in ay helaan oggolaansho xafiiseed iyo dammaanad qaad amni si ay u daabulaan gargaarka aadka loogu baahan yahay dalka oo dhan.

    Ku dhawaad ​​hal dhibic afar milyan oo qof ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda tan iyo markii uu dagaalku qarxay lix toddobaad ka hor.

  4. Biden iyo madaxweyne yaal kale oo qadka taleefanka kula xiriiray Erdogan kaddib guushiisi

    Biden

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka Madaxtooyada Ibrahim Kalın ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu caawa fiidkii wada hadal la yeelan doono Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

    Isagoo la hadlayay A Haber, Kalın ayaa yiri, "Waxaa jira taleefoon uu la yeeshay Biden fiidnimadii, waxaa jiri doona kulan aan kaliya la yeelan doonin Biden, laakiin sidoo kale waxaa la yeelan doona hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Spain iyo dalal badan."

    Isagoo xasuusiyay in Erdogan lagu doortay 52.56 boqolkiiba codadka 2018, Kalin ayaa yiri, "Waxay u muuqataa inuu ku dhawaad ​​​​10 cod ku helay doorashadan Markaad eegto natiijooyinkan, tirada guud ee codadka uu helay waa ku dhawaad ​​27 milyan 645 kun.

    Marka la eego taariikhda siyaasadeed ee Turkiga, “Waa wax u baahan in laga baaro cilmiga siyaasadda. Waxaa noo qabsoomay hannaan doorasho oo mar kale xaqiijinaysa in madaxweynaheenu yahay garaad siyaasadeed."

    Ka dib markii uu ku guuleystay doorashada, Biden waxa uu u hambalyeeyay Erdogan, waxaana dhambaalkiisa uu ku yiri, "Anigoo ah xulafada NATO, waxaan rajeynayaa inaan sii wadno iskaashiga ka dhexeeya arrimaha laba geesoodka ah iyo caqabadaha caalamiga ah ee guud."

  5. Muxuu madaxweyne Xasan Sheikh ka yiri Go'aankii siyaasiyiinta qaar ay ku diideen war murtiyeedkii dhowaan kasoo baxay golaha wadatashiga qaran?

    Xasan Sheikh

    Xigashada Sawirka, Villa Soomaaliya

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hor hadlayay xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horreysay ka hadlay walaaca qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanku ka qabaan go’aannadii dhawaan ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku aadanaa wax ka badalka qaab dhismeedka dawladdu ku dhisan tahay iyo muddo xileedka hay’adaha dowladda.

    Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Golaha Wadashaigu gaaray heshiis siyaasadeed, heshiis kastana uu u baahan yahay in la marsiiyo sharciga iyo dastuurka si dalka loogu dhaqo.

    Madaxweynaha ayaa yiri “waxa aan rabaa in aan halkaan ku xaqiijiyo, baarlamaanka iyo shacabka soomaaliyeed walwalka iyo waxyaabaha badan ee la dhex geliyay ee la xiriira talada golaha wadashiga qaran, walaalayaal sida aan horay idinkugu sheegay wax kasta oo lasoo gaaray oo golahaas ay soo gareen waa heshiis siyaasadeed, laakiin heshiis siyaasadeed dalka laguma dhaqee dastuur ayaa lagu dhaqaa, sharci ayaa lagu dhaqaa, qaanuun ayaa lagu dhaqaa, intaasina Meesha ay kasoo baxaan waa halkaan golaha shacabka, sharci aan halkaan soo marin dalka lagumana xukumi karo lagumana xukumi doono haddii alle yiraa”

    Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya iyada oo siyaasiyiin horay xilal ugasoo kala qabtay Soomaaliya ay hadal kasoo sareen war murtiyeedkii dhowaan kasoo baxay golaha wadatashiga qaran iyagoo u muuqday mid ay diiddanyihin

  6. Muxuu macallin Mauricio Pochettino ka beddeli karaa kooxda ay musiibadu ku dhacday ee chelsea

    Mauricio Pochettino

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda Chelsea ayaa u magacawday macallinkooda cusub tababarihii hore ee kooxaha Tottenham iyo Paris St-Germain ee Mauricio Pochettino.

    Xiddiga reer Argentine, oo 51 jir ah, ayaa shaqadiisa cusub ay bilaabaneysaa 1da July ee sanadkan 2023 isaga oo qalinka ku duugay heshiis laba sano ah, sanad dheeraad ahna uu dookh u yahay.

    Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea Frank Lampard ayaa kooxda soo dhigay kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka premier League taas oo ahayd tii ugu hoosaysay muddo ka badan 25 sano.

    “Mauricio waa tababare heer caalami ah oo leh rikoor fiican, dhamaanteen waxaan rajeyneynaa inaan isaga fursad u siinno garoonka,” ayay kooxdu ku tiri warbixin ay soo saartay.

    Chelsea ayaa sheegtay in Pochettino uu ahaa dooqa koowaad iyo tababaraha kaliya ee kooxda loo keenay wadahadal.

    Wuxuu la shaqeyn doonaa agaasimayaasha isboortiga Paul Winstanley iyo Lawrence Stewart.

    "Waa tababare guuleysta, kaasoo ka soo shaqeeyay heerarka ugu sarreeya, horyaalo iyo luqado badan. Hab-dhaqankiisa, habka taatikada iyo sida ay uga go'an tahay horumarinta ayaa dhammaantood ka dhigay musharaxa gaarka ah." Winstanley iyo Stewart ayaa ku yiri hadal ay soo saareen.

    Pochettino waa tababarihii lixaad ee joogtada ah ee Chelsea muddo shan sano ah ka dib markii la ceyriyay Thomas Tuchel iyo Graham Potter horaantii xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in Lampard uu si ku meel gaar ah u qabto.

    Chelsea ayaa soo bandhigtay xilli ciyaareed aad u liita, waxaana ay guuldaro kala kulantay Manchester City wareega seddexaad ee labada koob ee FA Cup iyo League Cup.

    Waxa ay sidoo kale guuldarro kala kulantay kooxda Real Madrid wareega 8-aad ee tartanka champions League taas oo soo afjartay rajadii laga qabay in ay xilli ciyaareedka dambe u soo baxdo yurub.

  7. malleeshiyaad dab qabadsiiyay tuulo dhan oo ay dad daganaayeen

    Guud ahaan tuulooyin ka tirsan gobolka Daafuur ee galbeedka Suudaan ayaa waxaa gubtay kooxo maleeshiyaad ah, iyadoo hay'adaha gargaarka ay hadda ka digayaan in gobolka uu qarka u saaran yahay "masiibo bini'aadannimo".

    Bililiqo baahsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah ayaa dad badan ka dhigtay inay waayaan cunto, biyo nadiif ah iyo dawo.

    Xabbad joojin dhexmartay ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah ee RSF ayaa horseeday inay qaboojiyaan rabshadihii ka dhacayay agagaarka caasimadda Suudaan ee Khartoum, Balse dagaalka ayaa weli ka socda Daarfuur, iyadoo colaadda halkaas ka taagan ay gashay asbuucii toddobaad, gobolkaas ayaa u muuqda inuu galay fowdo.

    darfuur

    Xigashada Sawirka, Reuters

  8. Musharraxiin iyo mas'uuliyiin hore oo go'aan kasoo saaray war murtiyeedkii golaha wadatashiga qaran

    Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore, xidhibaano iyo sidoo kale siyaasiyiin horey xilal usoo qabtay ayaa ka soo horjeestay go’aannadii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashada, iyagoo ku tilmaamay kuwa baalmarsan shuruucda dalka iyo awood qeybsiga.

    Shakhsiyaadkan ayaa bayaan ay soo saareen waxay soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadoodu kasoo bilowdaan hey’addaha u asteysan lagana tala geliyo bulsha Soomaaliyeed.

    Dowladda Soomaaliya ayey ugu baaqeen in marka hore mudnaanta lasiiyo in dalka laga xoreeyo Alshabaab, si degaanada la xoreeyo loo gaarsiiyo dowladnimada.

    halkan hoose ka akhriso bayaanka oo dhameystiran.

    Muqdisho

    Xigashada Sawirka, Mas'uuliyiin

    Muqdisho

    Xigashada Sawirka, Mas'uuliyiin

  9. Madxaweyn Farmajo oo kahadlay heshiiskii lagu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka

    farmajo

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kahadlay waxyaabihii ka soobaxay shirkiigollaha wadatashiga qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Madaxweyne Farmajo ayaa sida tan bartiisa Faceeboogiisa ku soo qoray,'Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan.'Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah.

    Shirkan oo looga hadlayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayaa waxaa madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay oo garbihiisa taagnaa dhammaan madaxda maamul-goboleedyada, marka laga reebo Puntland.

  10. Tuulo dhan oo ay ku qaadatay 30 ilbiriqsi inay dhamaan codeeyaan

    spain

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tuulo kutaalla dhan dalka Spain ayaa ku codeeyay in ka yar 30 ilbiriqsi doorashadii deegaanka ee isbuucaan halkaas ka dhacday.

    Toddobada codbixiye ah ee iska diiwaangaliyay doorashada ka dhaceysay tulada Villaroya, oo ah tuulo yar oo ku taal gobolka La Rioja ee Spain, ayaa jabiyay rikoorkoodii hore ee oo ahaa in doorashadii hore ay ku codeeyeeen 32 ilbiriqsi.

    Salvador Perez, duqa xilka kuguuleysatay , ayaa xilkan hayay tan iyo 1973-kii.

    “Ma garanayo in aan heli doono dhamaan todobada cod, laakiin waxa hubaal ah in aan heli doono”ayuu u sheegay warbaahinta Spain.

    Mr Perez ayaa sheegay in dadka degan Villaroya ay aad u tababaran yihiin ayna diyaar u yihiin inay codkooda dhiibtaan isla marka ay furmeen goobaha cod bixinta.

  11. Madaxweynaha la doortay ee Nigeria oo maanta la dhaarinayo

    Bola Tinubu, oo 71 jir ah, ayaa ku guuleystay doorashadii Febraayo isagoo ballan qaaday inuu dib u cusbooneysiin doono rajada dadka Nageeriya - laakiin wuxuu wajahayaa caqabado adag oo dhaqaale iyo kuwo amni.

    Waxa uu xilka kala wareegayaa madaxweyne Muhammadu Buhari oo xilka hayay labo xilli iyadoo uu jiro sicir barar aad udaran, heerarka deynta lagu leeyahay Nigeeriya oo aad u sareeya iyo kiisaska sii kordhaya ee afduubka madax-furashada.

    Guusha Mr Tinubu ayaa waxaa diidaan oo maxkamada geeyay labadii nin ee tartanka kulajiray.

    Waxay sheegeen in natiijadii ka soo baxday doorashada la maroorsaday.

    Nigeeriya

    Xigashada Sawirka, Reuters

  12. DAAWO: Sida loo soo badbaadiyay Bisad ku xayirneyd tubooyinka biyaha roobka qaada

    Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Sida loo soo badbaadiyay Bisad ku xayirneyd tubooyinka biyaha roobka qaada

    Bisad ku nool Beirut ee dalka Lubnaan ayaa la soo badbaadiyay ka dib markii ay ku xayirantay tuubooyin qaada biyaha roobka muddo saddex maalmood ah.

    Mutadawiciin ka tirsan hay'adda samafalka ee Animals Lubnaan ayaa isticmaalay kamarado yaryar si ay u aqoonsadaan goobta saxda ah ee bisada kujirto , ka hor inta aysan soo bixin.

    Dadka ayaa aad farxay oo u sacab tumay kooxda howlagalka waday ka dib markii la soo badbaadiyay bisada, qof kamida ah dadka goobta joogay ayaa yiri, "Waxaan qabaa in bisadan aan ugu yeerno Beirut!"

  13. DAAWO: Tuug xaday baabuur kuwa casriga ah ee furaha laheyn oo ay kamaradu qabatay

    Hooyo lagu magaacabo Sarah Baxter oo kunool Oxfordshire ee dalka Britain ayaa ka hadashay "xilligii naxdinta badnaa" ee tuug u soo dhacay ay suuragashay inuu xado gaadhigeeda aan furaha lahayn.

    Sarah Baxter ayaa quudineysay ilmaheeda yar markii laxadayay baabuurkeed oo nooca Mercedes Benz ah.

    Dahacdadan ayaa dhacday bishan May ee sanadkan 2023.

    Tuuggu waxa uu isticmaalay farsamo casri ah , halkaas oo qalab loo adeegsanayo in lagu kordhiyo signalka furaha guriga kujira si baaburka uu kaco isagoo aan furaha kujirin.

    Waxay la macno tahay dembiilayaasha uma baahna inay furaha baabuurka xadaan ama jabiyaan , taa beddelkeed waxay isticmaali karaan wareegga fiilada ee albaabbada iyo daaqadaha guriga u dhow si ay u helaan signalka furaha baaburka ee kujira gudaha guriga.

  14. Waa kumaa masuulka sare ee ka socda Ruushka oo safarka aan lasii shaacin kuyimid Kenya?

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa safar aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Kenya.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Moscow ayaa ku dhawaaqday in Mr Lavrov uu soo gaaray Nairobi subaxnimadii Isniinta, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin socdaalka.

    Safaaradda Ruushka ee Nairobi ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay in booqashadan ay noqon doonto "toddobaad miro dhal u ah xiriirka laba geesoodka ah ee Ruushka iyo Kenya".

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka baaqsaday xafladda caleema saarka Bola Tinubu ee Nigeria oo lagu waday maanta oo Isniin ah.

    Booqashada Mr Lavrov ayaa ku soo beegantay maalmo un ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba uu socdaal ku tagay wadamada badan kuyaalla Afrika todobaadkii hore.

    Kenya

    Xigashada Sawirka, MFA Russia/Twitter

  15. DAAWO:Madaxweynaha la doortay Erdogan oo baabuur dushiisa ka dul heesaya guushiisa kadib

    Qoraalka Muuqaalka, Erdogan oo baabuur dushiisa ka dul heesaya
  16. Muxuu sheegay ninkii looga guuleysatay doorashada Turkiga?

    TURKIGA

    Kemal Kilicdaroglu ayaa jeediyay khudbad kulul isagoo ku cambaareeyay dowladda Madaxweyne Erdogan inay tahay keligii talis.

    Hadalka Kemal ayaa kusoo aadaya kadib markii Erdogan sheegay in uu isaga ku guuleystay doorashada madaxweynaha Turkiga.

    Guddiga doorashada dalka Turkiga ayaa markii dambe xaqiijiyay in madaxweynaha xilka haya uu ku guuleystay markale in uu dalka hogaamiyo..

  17. Muxuu Erdogan sheegay guushiisa kadib?

    turkey

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa taageerayaashiisa kula hadlay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Ankara.

    Khudbadiisa ayuu kaga hadlay sida "qofna aan looga guuleysan" iyo in "85 milyan oo qof ayguud ahaan guuleysteen ". Edogan waxa uu intaa ku daray in hadda la joogo wakhtigii aan “midoobayn lahayn oo aan meel uga soo wada jeedsan lahayn himilooyinka iyo riyooyinka qarankeena”.

  18. Maxay Turkiga uga dhigan tahay in mar kale uu Erdogan majaraha u qabto?

    Recep Tayyip Erdogan, oo ah hoggaamiyaha Turkiga, kadib labaatan sano oo uu xukunka hayay, kana qayb galay in ka badan 12 doorasho, ayaa wuxuu yaqaanaa sida loo kiciyo dadka. Shirkii tagsiilayaasha magaalada Istanbul, dadku kama dhergin khudbadiisa.Sheekada oo dhameystiran