Kooxaha isku haya Sudaan oo mar kale dagaal ka dhex qarxay

Tebinta tooska ah wararka BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Xidigga Real Madrid ee Vinicius Junior oo si weyn uga carooday cunsuriyad lagula kacay

    Vinicius Junior

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Kooxda kubadda cagta Spain ee Real Madrid, ayaa dacwad naceyb ah gudbisay, kaddib markii weeraryahankooda Vinicius Junior uu aflagaado cunsuriyad ah kala kulmay taageerayaasha mucaaradka.

    Ciyaartii Axaddii dhexmartay Real iyo Valencia ayaa muddo kooban la hakiyay ka dib markii uu xiddiga reer Brazil oo madow ah uu ugu baaqay garsooraha inuu soo dhex galo.

    Horyaalka Spain ayaa sheegay in ay baari doonaan dhacdada, laakiin waxa ay sheegeen in Vinicius uu ku guuldareystay in uu ka qeyb galo laba kulan oo hore, oo loo dejiyay in looga hadlo arrintan.

    Ciyaarta ka dib, madaxweynaha Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin in ilaa qarnigii labaatanaad ay u muuqato inay cunsuriyadda ku sii xoogaysanayso garoomada kubadda cagta Yurub.

  2. Mucaaradka Turkiga "Erdogan iyo ninka taageerayba waxa ay iibinayaan dalkeenna quruxda badan"

    Kemal Kılıçdaroğlu

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kılıçdaroğlu: Way cadahay cidda u janjeerta inay iibiso dalkan quruxda badan iyo cidda doonaysa inay iibiso.

    Musharaxa Madaxweynaha ee Isbaheysiga Qaranka Kemal Kılıçdaroğlu ayaa yiri “Waa iska cadahay cidda u taagan iibinta dalkan quruxda badan iyo cidda ku jirta iibinta dalkeenna” kadib markii Sinan Oğan uu shaaca ka qaaday inuu taageersan yahay Recep Tayyip Erdoğan, wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha.

    Isagoo qoraal ku soo qoray bartiisa bulshada, Kılıçdaroğlu ayaa qoray, "Waxaan u nimid inaan ka badbaadino dalkan argagixisada iyo qaxootiga."

    Kılıçdaroğlu oo ku celceliyay hadal uu ku sheegay in doorashadu ay ahayd afti dadweyne ayaa yiri, "Ma jirto cid mar dambe qof khiyaameyn karta, waxaan ugu baaqayaa 8 milyan oo muwaadiniinteena ah iyo dhammaan dhallinyaradeena iney soo xaadiraan sanduuqa codbixinta."

  3. Musharrixii saddexaad ee Turkiga oo si rasmi ah u taageeray Erdogan

    Sinan Ogan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Musharaxa Madaxweyne ee Isbaheysiga ATA Sinan Ogan ayaa ku dhawaaqay in uu taageeri doono Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga AKP Recep Tayyip Erdogan wareega labaad ee doorashada Madaxtinimada.

    “Waxaan ka dalbanayaa codbixiyeyaashii noo codeeyay inay sidoo kale taageeraan Mudane Recep Tayyip Erdogan,” ayuu yiri Ogan.

    Sinan Ogan oo hadal ka jeediyay magaalada Ankara ayaa sheegay in door wax ku ool ah ay ka qaateen doorashada iyagoo helay 5.2 boqolkiiba codadka wareegii koowaad.

    "Waxaan jabinay xaaladdii muhiimka ahayd ee lagu abuuray xisbiga HDP, waxaan ka dhignay wadaniyiinta Turkiga, waxaan ka qayb qaadanay in ay muuqato doorasho xoogan oo wadani ah oo ka dhacda Turkiga, waxaan ka dhignay musharaxiintii u soo baxday wareega labaad inay ku dheganaadaan hadalkeena."

    Waxaan abuurnay wacyigelin ku saabsan mabaadi'da aan la bedeli karin ee Dastuurka iyo fikradaha Turkiga."

    “Arrinta magangelyo doonka ee Turkiga waa arrin laga yaabo inay mustaqbalka dalkeenna ku yeelato kharashyo amni, dhaqaale iyo mid bulsho.

    “Arrinta dhul-gariirku waa arrin deg-deg ah oo ku saabsan amniga qaranka, qoraalkayaga Wasaaradda Masiibooyinka oo aanu muddo dheer soo jeedinay, weli waa mid cusub.

    "Siyaasadaha danta ku jihaysan ee dhaqaalaheena waa in dib loo eego."

  4. Hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah oo muddo kadib kasoo muuqday muuqaal dhowaan la baahiyay

    Abu Cubeyda

    Xigashada Sawirka, AFP

    Hoggaamiyaha sare ee Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday muuqaal u uu duubay garabka warbaahinta ee xarrakada, kaasoo la soo dhigay baraha internet ka ee taageera kooxda.

    Sheekh Axmed Cumar oo loo yaqaano Abu Cubeyda ayaa muuqaalka wajigiisa la saaray humaag si aan loo aqoonsan, wuxuna wareysi siinayay nin isna uu wajigu u xirnyahay.

    Haddaba sidee lagu xaqqijin karaa inuu hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabab ee Abu Cebeyd yahay qofka muuqaalka duubay maxayse tahay farrinta ay direyso shirka iyo muuqalka uu soo duubayba? waxaan su'aalahaas weydiinnay Ibraahim Aadan Ibraahim oo aqoon dheer u leh Abu Cubeyda haatanna la shaqeeyo dowladda.

    wareysiga iyo warbixinta oo dhameystiran dhowaan kala soco halkan

  5. Shirkadda Meta oo lagu eedeeyay in xogta Yurub ay u gudbisay Mareykanka

    Meta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shirkadda teknolojiyadda, Meta ayaa lagu ganaaxay in ka badan hal bilyan oo doollar kaddib markii ay si sharci darro ah xog uga soo gudbisay Yurub una gudbisay Mareykanka.

    Shirkadan oo leh Facebook iyo Instagram ayaa lagu helay inay jabisay sharciyada Midowga Yurub ee ilaalinta xogta.

    waxaa laga cabsi qabaa in macluumaadka isticmaalayaasha ay galaan hay'adaha sirdoonka Mareykanka.

    Meta ayaa horay ugu hanjabtay inay xireyso adeegyada Facebook ee Yurub haddii aysan helin heshiis lagu qanco oo ku saabsan qulqulka xogta.

    Afhayeen u hadlay shirkadda Global Affairs, laguna magacaabo Nick Clegg ayaa sheegay in ay "ka xun yihiin" ganaaxa lagu soo rogay.

  6. Lataliyaha Madaxweynaha ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah oo ka hadashay xakameynta hubka caasimadda

    Mako Maxamuud Muuse

    Xigashada Sawirka, Warbaahinta Dowladda

    Mako Maxamuud Muuse oo dhowaan loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xakameynta hubka ee caasimadda.

    Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa bogadisay howlgallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.

    Qoraal lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay howlgalka ciidamada hay’addaNabad Sugidda ay ku qabteen Laba Konteenar oo Khawaarijta kusoo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.”

    “Dowladda waxey waddaa baaritaanno la xariirashaqsiyaadka makriga u maleegayay Umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri usoo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda” ayey tiri Lataliye Mako Maxamuud Muuse .

  7. Hogaamiyaha sare ee Al-Shabaab oo markii ugu horeysay muqaal kasoo muuqday

    Hogaamiyaha sare ee Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday muuqaal uu duubay garabka warbaahinta ee xarakada, kaasoo la soo dhigay baraha internet ka ee taageera kooxda. Sheekh Axmed Cumar oo loo yaqaano Abu Cubeyda ayaa muuqaalka wajigiisa la saaray humaag si aan loo aqoonsan, wuxuna wareysi siinayay nin isna uu wajigu u xirnyahay. Abu Cubeyda iyo hogaamiyayaasha kale ee kooxda ayaa ka qaybgalayay shir ay ugu magac dareen, wadatashiga waxa ay ugu yeereen jihaadka Bariga Afrika. Amiirka ayaa fadhiyay safka hore ee shirka, isaga oo garabka ku haya afhayeenka kooxda Sheekh Cali Dheere. Waa muuqaalkii ugu horeeyay oo kooxdu baahiso oo uu ka dhex muuqanayo amiirkooda Abu Cubeyda, illaa haddase ma cadda in qofka wajigiisa la qariyay, hayeeshee codkiisa la maqlayo uu yahay Abu Cubeyda. Dhawr jeer oo hore ayay warbaahinta dawladdu sheegtay in Abu Cubeyda uu yahay xanuun la yaal sariir saaran, balse muuqalkan cusub haddii uu yahay ninka ka soo muuqday Abu Cubeyda, taasi waxay meesha ka saaraysaa warrarkii horey looga fidiyay. Shirka oo aan la sheegin goobta uu ka dhacay ayaa muuqaalka la baahiyay waxa lagu dhex arkyaa, culimada kooxda taageerta, hogaamiyaal dhaqan oo ku nool dhulka kooxdu xukunto, waxayna ka soo saareen war murtiyeed ay kaga hadalayaan wajiga labaad ee hawgalka dawladda ku doonayso in dhulka ay gacanta ku hayaan looga saaro.

    Hogaamiyaha sare ee Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday muuqaal uu duubay garabka warbaahinta ee xarakada, kaasoo la soo dhigay baraha internet ka ee taageera kooxda.

    Sheekh Axmed Cumar oo loo yaqaano Abu Cubeyda ayaa muuqaalka wajigiisa la saaray humaag si aan loo aqoonsan, wuxuna wareysi siinayay nin isna uu wajigu u xirnyahay.

    Abu Cubeyda iyo hogaamiyayaasha kale ee kooxda ayaa ka qaybgalayay shir ay ugu magac dareen, wadatashiga waxa ay ugu yeereen jihaadka Bariga Afrika.

    Amiirka ayaa fadhiyay safka hore ee shirka, isaga oo garabka ku haya afhayeenka kooxda Sheekh Cali Dheere.

    Waa muuqaalkii ugu horeeyay oo kooxdu baahiso oo uu ka dhex muuqanayo amiirkooda Abu Cubeyda, illaa haddase ma cadda in qofka wajigiisa la qariyay, hayeeshee codkiisa la maqlayo uu yahay Abu Cubeyda.

    Dhawr jeer oo hore ayay warbaahinta dawladdu sheegtay in Abu Cubeyda uu yahay xanuun la yaal sariir saaran, balse muuqalkan cusub haddii uu yahay ninka ka soo muuqday Abu Cubeyda, taasi waxay meesha ka saaraysaa warrarkii horey looga fidiyay.

    Shirka oo aan la sheegin goobta uu ka dhacay ayaa muuqaalka la baahiyay waxa lagu dhex arkyaa, culimada kooxda taageerta, hogaamiyaal dhaqan oo ku nool dhulka kooxdu xukunto, waxayna ka soo saareen war murtiyeed ay kaga hadalayaan wajiga labaad ee hawgalka dawladda ku doonayso in dhulka ay gacanta ku hayaan looga saaro.

  8. Mucaaradka KoonfurAfrika oo dowlada ku eedeeyay musuqmaasuq baahasan

    Xisbiga ugu weyn mucaaradka Koonfur Afrika ayaa sheegay in uu ka codsanayo hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa in ay baaritaan ku sameyaan waxa ay ku sheegeen in ay yihiin qandaraasyo la kordhiyay oo lagu dayactirayo guryaha qaaliga ah ee wasiirada.

    Arrintan ayaa timid ka dib markii dowladda ANC ay shaaca ka qaaday in intii u dhaxeysay 2019 iyo 2022 ay ku bixisay ku dhawaad ​​$5m (£4m) dayactirka daraasiin guryaha ay degan yihiin shaqaalaha dowlada.

    Mucaraadka ayaa sheegay in biilka nalalka uu ahaa ku dhawaad ​​$1,000 mid ka mid ah gurayahaya wasiirada oo ku yaalla Pretoria.

    Kudhawaad $70,000 ayaa loo adeegsaday dayactiray jikada iyo $2.5m oo lagu kharash gareeyey matoorada korontada-dhaliyeya guryaha wasiirada - halka dadka intooda badan oo kunool koonfur afrika ay la halgamayeen korontadii yaridii ugu xumeyd ee Koonfur Afrika kajirta.

    Mucaaradka KoonfurAfrika oo dowlada ku eedeeyay musuqmaasuq baahasan

    Xigashada Sawirka, AFP

  9. Itoobiya oo mamnuucday TV xiriir la leh Ortodokska

    Hay’adda Warbaahinta Itoobiya (EMA) ayaa mamnuucday TV-ga xiriir la leh Kaniisadda Ortodokska ee dalkaasi ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu baahiyo warar kicin ah. Maamulaha warbaahinta ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u mamnuuceen TV-ga Mahibere Kidusan ka dib markii uu Axadii baahiyay fariin dhalin karta rabshado, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Itoobiya ee ENA. Kaniisadda Ortodokska ayaa bishii February soo wajahday kala qaybsanaan kadib markii saddex wadaad oo sare ay ku dhawaaqeen samaynta synod cusub oo ay magacaabeen in ka badan 20 kiniisadood oo laga soo kala xulay Gobolka Oromiya iyo Shucuubta Koonfureed.

    Xigashada Sawirka, AFP

    Hay’adda Warbaahinta Itoobiya (EMA) ayaa mamnuucday TV-ga xiriirka la leh Kaniisadda Ortodokska ee dalkaasi ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu baahiyo warar kicin ah.

    Maamulaha warbaahinta ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u mamnuuceen TV-ga Mahibere Kidusan ka dib markii uu Axadii baahiyay fariin dhalin karta rabshado, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Itoobiya ee ENA.

    Kaniisadda Ortodokska ayaa bishii February soo wajahday kala qaybsanaan kadib markii saddex wadaad oo sare ay ku dhawaaqeen samaynta synod cusub oo ay magacaabeen in ka badan 20 kiniisadood oo laga soo kala xulay Gobolka Oromiya iyo Shucuubta Koonfureed.

  10. Ninkii ugu horeeyay oo isaga oo naafo ah fuulo Buurta Everest

    Hari Buddha Magar

    Xigashada Sawirka, Hari Buddha Magar

    Hari Buddha Magar, oo dhawaan ka fariistay Ciidanka Ingiriiska, ayaa sameeyay rikoor cusub.

    Waxa uu fuulay Buurta Everest inkastoo uu waayay labadiisa lugood.

    Ninkan ayaa labadiisa lugood lumiyay markii la geeyay Afgaanistaan oo uu kujoogsday miino dhulka lagu aasay.

    Waxa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee fuula Everest isaga oo aan lahayn labadiisa lugood.

    Hari Buddha Magar oo 43 jir ah ayaa ku nool Canterbury, UK. Waxa uu talaabadan u qaaday si uu u dhiirrigeliyo dadka kale una badelo aragtida ay dadka ka qabaan kuwa naafada ah.

    "Waxay ahayd wax aad uga adag sidii aan filayay," ayuu ku yiri taleefoonka dayax-gacmeedka oo kula xiriirayay kooxdiisa.

    Magar ayaa aabo u ah saddex carruur ah.

  11. 10 qof oo daacuun ugu dhimatay Koonfur Afrika

    Waaxda Caafimaadka ee Gauteng/Twitter

    Xigashada Sawirka, Waaxda Caafimaadka ee Gauteng/Twitter

    Gobolka Gauteng ee ugu dadka badan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dilaacay cudurka daacuun caloolaha, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

    Ugu yaraan 95 qof ayaa tan iyo Isniintii la soo dhaafay booqday cisbitaall kuyaallaa magalada Hammanskraal, oo kutaalla waqooyi caasimadda Pretoria ayaa muujinaya calaamado daacuun caloolaha ah.

    Sida ay sheegeen waaxda caafimaadka ee Gauteng tijaabada shaybaarka ee Axadii la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay ugu yaraan 19 xaaladood oo daacuun ah.

    Waxay intaa ku dareen in 37 qof la dhigay xaalad halis ah. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray ilmo saddex jir ah iyo sagaal qof oo waaweyn.

    ilaa 10 qof ayaa u dhimatay cudurka.

  12. Sidee Soomaaliya loogu yeeshay shan bilyan oo doolar oo deyn ah?

    Mid ka mid ah shaqada ugu weyn ee arrimaha dibeda ee horyaala dowladda sanad jirka ah ee Soomaaliya waxaa ka mid ah deyn cafinta Soomaaliya. Howshaas ayaa soo bilaabatay 2014kii intii lagu guddo jiray muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.

    Qoraalka Muuqaalka, Yaa ku leh deynta Soomaaliya?
  13. Maxaa sababa af urka, sidee ayaadna uga hortagi kartaa?

    Nadaafadda afka waa dhibaato ay khubarrada ku sheegeen inay saameyso ku dhowaad 25 boqolkiiba bulshada caalamka. Waxaa jiro waxyaabo badan oo dhibaatadan sabab u ah, balse intooda badan waxay la xiriiraan nadaafadda afka.Halkan ka akhriso sheekada oo dhameystiran

  14. Muxuu wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya ku soo arkay Laascanood?

    Laascanood

    Wasiirka boostada iyo Isgaadhsiinta dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa booqday magaalada Laascaanood iyo magalaooyin kale oo ka tirsan deegaannada SSC.

    Wasiir Jaamac Xasan Khaliif, ayaa sheegay inuu ku soo arkay Laascaanood burbur ba’an oo dagaalladu sababeen iyo adeegyadii bulshada oo meesha ka baxay. Soomaliland ayuu ku eedeyay mas’uuliyadda dagaalka isagoo ku tilmaamay waxa halkaa ka dhacay xasuuq iyo isir-sifeen dad gaar ah, waxaana uu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qorshe cad ka leedahay waxa laga yeelayo Laasacaanood oo muddo ay ku dagaallamayaan ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah.

    Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay qaadaneyso mas’uuliyeeda isla markaana haddii ay horey uga gaabisay xaaladda Laascaanood ay hadda diyaar u tahay in ay saxdo. Horey waxa amagaaladaas u tagay wefdi xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka.

    Xildhibaannadan oo uu kamid ahaa guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullahi Cali Timacade ayaa sheegay xilligaas inay Laasacaanood u tageen u kuurgalidda xaaladda ka taagan halkaas, Waxeyna kulamo la qaateen isimada gacanta ku haya magalaada.

  15. Suudaan oo markale dagaal ka qarxay

    Ciidamada Sudan ayaa ka hortagaya isku dayo ay maleegayeen kooxo dabley ah oo ku doonayey in ay ugu dhaqaaqaan saldhigooda ugu weyn ee ku dhow caasimada Khartoum, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Garoonkan ayaa ah mid ay ciidamadu u adeegsadaan weerarada dhanka cirka ah ee lagu qaado ciidamada RSF-ta, waxaana sidoo kale ay adeegsan jireen dowlado shisheeye si ay muwaadiniintooda uga soo daad gureeyaan xilli hore oo colaada.

    Ciidamada Sudan ayaa ka hortagaya isku dayo ay maleegayeen kooxo dabley ah oo doonaya in ay u dhaqaaqaan saldhigooda ugu weyn ee ku dhow caasimada Khartoum, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

    Garoonkan ayaa ah mid ay ciidamadu u adeegsadaan weerarada dhanka cirka ah ee lagu qaado ciidamada RSF-ta, waxaana sidoo kale ay adeegsan jireen dowlado shisheeye si ay muwaadiniintooda uga soo daad gureeyaan dadkooda.

  16. Ku soo dhawaada tebinteena tooska ah wararaka BBC Somali