Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya muxuu ka doonay Laascanood?

Tebinta tooska ah wararka BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Raysal wasaare Xamsa: “Dhalinyaradu waa inay ka qeyb qaataan cirribtirka amni xumada”

    Muqdisho

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada.

    Shirkan oo ah kii 9-aad kana furmay magaalada Muqdisho ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqollaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha.

    Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay “in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan yahay in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.”

  2. Muxuu yahay kitaabkan lagu xaraashay malaayiinta doollar?

    Bible

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kitaabkii Bible-ka ee ugu qadiimsanaa uguna dhammeystirnaa, ahna kan Hebrew ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa lagu kala iibsaday $38.1m (£30.6m), wuxuuna noqday kitaabkii ugu qiimaha badnaa ee xaraash lagu iibiyo.

    Kitaabkan Codex Sassoon ayaa loo maleynayaa in la qoray 1,100 sano kahor.

    Waa tusaalihii ugu qadiimsanaa ee ilaa iyo maanta yaalla, wuuxuna ka kooban yahay dhammaanba 24-ka buug ee Hebrew Bible.

    Qareen u dhashay Mareykanka ahna safiir hore Alfred Moses ayaa u iibiyay Matxafka ANU ee ku yaalla magaalada Tel Aviv, Israel.

    "Hebrew Bible-ka waa kan ugu saameynta badan taariikhda wuuxuna ka tarjumayaa ilbaxnimada Galbeedka," ayuu yiri Mr Moses.

    Tartankii lagu kala iibsan lahaa ayaa wuxuu ka batay $30.8m oo uu aasaasihii Microsoft Bill Gates uu bixiyay sanadkii 1994 isagoo markaas ka bixiyay Codex Leicester, oo ahaa buug sayniseed.

  3. Gobol kamid ah Mareykanka oo mamnuucay ilmo iskasoorididda

    Gobol kamid ah Mareykanka oo mamnuucay ilmo iskasoorididda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nebraska ayaa ku biirtay liiska dawladaha xaddidaya xuquuqda ilmo iska soo rididda ee Maraykanka, inkasta oo mudaaharaadyo waaweyn ay sameeyeen mucaaradka.

    Sharci dejinta gobolka Nebraska ayaa ansixiyay mamnuucida ilmo iska soo rididda 12 toddobaad oo uur ah ka dib.

    Go'aankan masameynayo haweenka ay noloshoodu halis kujirto , iyo xaaladaha uurka ka dib kufsiga.

  4. Zelensky oo eedeyn u jeediyay hogaamiyayaasha carabta

    Zelensky oo eedeyn u jeediyay hogaamiyayaasha carabta

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Volodymyr Zelensky ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Carabta inay “iska indho tireen” duulaanka Ruushka ee Ukraine, ka hor safarkiisa G7 ee Japan.

    Madaxweynaha Ukraine ayaa hadalkan jeediyay mar uu ka qeyb galayay shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo Jimcihii ka dhacay dalka Sacuudiga.

    Suuriya ayaa ah wadaanka ilaa hadda si cad u taageeray duulaanka Ruushka, halkan Kuwo kalena ay doonayaan inay xiriir wanaagsan la yeeshaan Moscow.

    Mr Zelensky ayaa sidoo kale u sheegay hogaamiyayaashii isugu yimid magaalada Jeddah in dalkiisu uu iska difaacayo gumayste ku soo duulay dalkiisa.

  5. Ruushka oo hanjabaad u diray reer galbeedka

    Wadamada reer galbeedka ayaa la kulmi doona "khatar weyn" haddii ay siiyaan Ukraine diyaaradaha dagaalka F-16, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Alexander Grushko, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS.

    Aarrintan ayaa daba socotaa ku dhawaaqistii Maraykanka ee ah in uu u ogolaan doono xulafada reer galbeedka inay diyaarado siiyaan Ukraine, iyo sidoo kale fududaynta barnaamijyada tababarida ciidamada Ukraine.

    Ruushka oo hanjabaad u diray ree galbeedka

    Xigashada Sawirka, Reuters

  6. Japan:Zelensky iyo Rishi Sunak oo kulmay

    Zelensky iyo Rishi Sunak oo kulmay

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Dhowrkii daqiiqo ee ugu dambeeyay, Ra'iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa la kulmay Volodymyr Zelensky ayaa kulkulmay Hiroshima isagoo isku duubay.

    Magaaalada Hiroshima waxaa ka socda shirkaG7 .

    Sunak ayaa Zelensky ku yiri: "Waa timid."

    Labada hogaamiye ayaa kulmay todobaadkii hore, halkaas oo lagu shaaciyay in UK ay u diri doonto boqolaal gantaalada difaaca cirka ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan 'Drones-ka' oo dusha sare ka saaran yihiin gantaalada Storm Shadow cruises ..

  7. Doon laga leeyahay dalka Masar iyo mid Falastiiniyiin ay leeyihiin oo isku dhacay

    Doon laga leeyahay dalka Masar iyo mid Falastiiniyiin ay leeyihiin ah oo isku dhacay

    Xigashada Sawirka, Maan

    Sida uu qoray website-ka Ma’an News, kalluumaysato falastiini ah ayaa ku dhaawacmay mid kalena waa lagu waayay badda Rafah ee koonfurta marinka Qaza, kadib markii ay isku dhaceen doon ay leeyihiin ciidamada Masar iyo doontooda.

    Kabtanka Kalluumeysatada Gaza ayaa xaqiijiyay khasaaraha soo gaaray Kalluumeysatadan.

    Dhaawaca ayaa loo qaaday isbitaalka, waxaana wali socda baadi goobka qofka labaad.

  8. Sudan:Taliyaha cidamada oo shaqada ka ceyriyay kuxigeenkiisa

    Sudan:Taliyaha cidamada oo shaqada ka ceyriyay kuxigeenkiisa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Taliyaha ciidamada Sudan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisa iyo taliyaha ciidamada degdega ah ee RSF Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti.

    Gen Burhaan iyo Hemedti labaduba waxay soo ahaayeen guddoomiye iyo ku-xigeenka Golaha Sare ee talada haya, siday u kala horreeyaan, tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii ee afgambigii militariga.

    Wareegto soo baxday Jimcihii, Gen Burhaan ayaa ku xigeenkiisa ugu magacaabay hoggaamiyihii hore ee fallaagada Malik Agar. Mr Agar sidoo kale waa xubin kamid ah Golaha Sare.

    Waxa uu faray xoghaynta Golaha Sare iyo hay’adaha ay khusayso in si deg deg ah loo dhaqan geliyo wareegtada.

  9. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo booqasho lama filaan ah ku tegay Japan

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo booqasho lama filaan ah ku tegay Japan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Ukraine ayaa booqashadiisa lama filaanka ku yimid Hiroshima oo uu ka socdo shirka G7.

    Zelensky ayaa tagi doona Hiroshima maalinta Axada, inkastoo uusan xafiiskiisu xaqiijin booqashada.

    Wararka ku saabsan booqashadiisa suurtagalka ah ayaa soo baxay Jimcihii .

    Jimciha maanta ah, Mr Zelensky wuxuu u duulay Sacuudi Carabiya si uu ula kulmo madaxda Carabta.

    Shirka G7 ayaa bilowday Jimcihii iyadoo lagu cambaareeyey Ruushka, laguna dhawaaqay cunaqabatayn dheeraad ah.

    Kooxdan oo ka kooban todobo wadan oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Kanada iyo Japan, waxay matalaan wadamada ugu qanisan adduunka.

    Sannadkan, siddeed waddan oo kale oo ay ku jiraan Australia iyo India ayaa sidoo kale lagu martiqaaday.

    Mr Zelensky ayaa lagu waday in uu kulanka kaga soo qeyb galo muuqaal ahaan, balse waxaa la isla dhex marayay in isaga ama xaaskiisa ay si shaqsi ah uga qeyb gali doonaan.

    Safarkan ayaa noqonaya kii ugu dheeraa ee uu kaga soo socdaalo Kyiv tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii February 2022, waxaana safarada kale ee ka baxsan Ukraine ay khatar gelin karaan ammaankiisa.

    Laakiin aragtidiisu waxay noqon kartaa in booqashadu ay la macno tahay inuu taageero dheeraad ah ka helo dagaalka uu kula jiro Ruushka.

  10. Geeduhu ma xasuusan karaan waxa hareerahooda ka dhacaya?

    Geeduhu ma xasuusan karaan waxa hareerahooda ka dhacaya?

    Cilmi-baadhayaal ka tirsan jaamacadda Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa wada cilmi-baadhis ay ku eegayaan awoodda ay geeduhu u leeyihiin inay xasuusan karaan waxa hareerahooda ka dhacaya.

    Cilmi-baarayaashu waxay sameynayaan cilmi-baaristooda si ay uga jawaabaan su'aalahahan.

    Geeduhu ma xasuusan karaan waqtiyadii ugu foosha xumaa ee geedaha, gaar ahaan xilliga abaarta?

    Waa maxay xaqiiqada dhabta ah xasuustan ugu sii gudbin karaan jiilka soo socda?

    Kooxdan ayaa baareysa noocyada kala duduwan ee geedaha.

    Wali majirto jawaab rasmi ah oo muujineysa in geedaha xasuusan karan waxa hareerahooda ka dhacaya.

  11. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya muxuu ka doonay Laascanood?

    Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil. Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda federaalka oo dhinac ah ay dagaalka hurinayaan.

    Xigashada Sawirka, Social

    Wararka ka imaanaya Laascanood ayaa sheegay in wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowl Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif uu tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in uu kulamo la yeeshay gudiga 33 ee SSC.

    Waa wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee tago magalada Laascaanood.

    Lama oga in uu weli magaalada joogo iyo inkale.

    Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil.

    Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda federaalka oo dhinac ah ay dagaalka hurinayaan.

  12. Laascaanood waddadee ku socotaa 5 bilood oo dagaal ah ka dib?

    Muddo iminka laga joogo ku dhawaad shan bilood waxaa uu dagaal ka qarxay magaalada Laascaanood. Dagaalka wuxuu u dhaxeeyey miliishiyo hubaysan oo deegaanka ka soo jeedda iyo milateriga Somaliland.HALKAN KA AKHRISO SHEEKADA OO DHAMEYSTIRAN

  13. DAAWO Muqaal dhawaan la sii dayay oo mujinaya saqafka hore ka fuulay baabuurka si uu u soo xiro tuhumane.

    Qoraalka Muuqaalka, Officer clings to roof in wild Iowa car chase

    Sarkaal ka tirsan booliiska Iowa ee dalka Mareykaka oo lagu magacaabo Patrick McCarty ayaa doonayay in uu soo xiro tuhumane loo jaray warqadda lagu soo xirayo.

    Ninkan laga shakisanyahay ayaa isku dayay inuu ka baxsado goobta.

    Askariga ayaa ugu dambeyntii ka soo dhacay Saqafka hore ee baabuurka wuuxuuna kajabay dhabarka.

    Arrintan ayaa dhacday 2021, laakiin muuqaalka ayaa dhawaan la sii daayay.

    Darawalka ayaa maxkamada ka hor qirtay dambiga lagu soo oogay waxaana lagu xukumay ilaa shan sano.

  14. Turkiga:Doorashada wareega labaad oo bilaabaneysa

    Codbixinta wareega labaad ee doorashada madaxweynaha ayaa maalinta sabtida ah ka bilaabmi doonta xarumaha wakiilada iyo kastamka dalka dibadiisa.

    Codbixintu waxay socon doontaa ilaa 24ka May.

    Sida uu sheegay guddiga sare ee doorashada (YSK), sanaadiiqda cod bixinta waxaa la dhigi doonaa ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan.

    Ka dib marka ay dhamaato habka cod bixinta ee dibadda, codadka waxaa la geyn doonaa Turkiga , iyadoo si weyn loo sugayo amniga sanaadiqda.

    Ka dib marka ay dhamaato habka cod bixinta ee dibadda, codadka waxaa la geyn doonaa Turkiga oo ay wataan diyaarado dublamaasiyadeed, iyadoo si weyn loo sugayo, iyadoo hababka ay go'aamiyaan YSK, sida doorashada 14 May.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  15. Mareykanka oo ogolaaday in Ukraine la siiy diyaaradaha F-16

    Mareykanka ayaa sheegay in uu u ogolaan doono xulafadiisa reer galbeedka in ay siiyaan Ukraine diyaarado dagaal oo casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha Mareykanka ee F-16, taas oo xoojin doonto Kyiv.

    Lataliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden ayaa go'aankan "ku wargeliyay dhiggiisa G7" shirkii Midowga Yurub ee Japan.

    Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale tababari doona ciidanka cirka ah ee Ukrainesi ay u adeegsadaan diyaaradaha, ayuu yiri Mr Sullivan.

    Ukraine ayaa muddo dheer raadineysay diyaarado casri ah, waxaana madaxweyne Volodymyr Zelensky uu tallaabadaas ku tilmaamay "go'aan taariikhi ah".

    WAXAAD SIDOOKALE AKHRISAN KARTAA

    Mareykanka oo ogolaaday in Ukraine la siiy diyaaradaha F-16