Weerarkii Alshabaab ee hotel Villa Rose oo lasoo gaba gabeeyey

Wararka deg degga ah

Tebin toos ah

  1. Hey’adda caafimaadka Adduunka oo badashey magacii cudurka Monkeypox

    Cudurka Monkeypox oo haatan lagu badalay Mpox

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cudurka Monkeypox oo haatan lagu badalay Mpox

    Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa ku dhawaaqay magac cusub oo ay door bidayaan in loo bixiyo fayraska Daanyeerka ka yimaada ee la yiraadho Monkeypox, iyadoo hey’addu ay sheegtay inay u badashay magaca cusub ee mpox.

    WHO, ayaa waxay sheegtay inay gaareen cabashooyin magaca hadda jira uu yahay "cunsurinimo iyo dhaleeceyn" iyo in, la tashiyo lala yeesho khubarada.

    Mpox, ayaa waxaa si isku mar ah looggu isticmaali doonaa cudurka Daayeerka muddo hal sano ah.

    Intaa ka dib, magacii hore waa laga guuri doonaa.

    WHO ayaa waxay ku boorisay hay'adaha kale ee caafimaadka iyo warbaahinta, inay sidoo kale qaataan magaca cusub.

  2. Fifa oo Kenya ka qaaday mamnuucista ciyaaraha caalamiga ah kadib markii ay kasoo baxeen shuruudo

    Kenya ayaa laga mamnuucay isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2023-ka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kenya ayaa laga mamnuucay isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee sanadka 2023-ka

    Kenya ayaa xayiraadii ka saarneyd ciyaaraha kubadda cagta caalamka waxaa ka qaaday xiriirka kubadda cagta adduunka ee Fifa.

    Joojintan ayaa lagu soo rogay bishii February, kadib markii wasaaradda ciyaaraha ee Kenya, ay kala dirtay xiriirka kubbadda cagta dalka Kenya, oo lagu eedeyay inay lunsadeen lacag, iyadoo la magacaabay guddi ku meel gaar ah bishii November 2021-ka.

    Cunaqabateyntan ayaa la macno ah in xulka Bariga Afrika laga mamnuucay isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika ee 2023-ka.

    Si kastaba ha ahaatee, Ababu Namwamba, oo ah wasiirka arrimaha dhalinyarada, ciyaaraha iyo fanka, ayaa gacan ka geystay xalinta arrimihii abuurmay, markii haweeneydii ka horreysay ee Amina Mohamed, ay 12 bilood kahor u magacawday guddi ku meel gaar ah oo ka kooban 27 qof, si ay u maamulaan guddiga xiriirka Kenya ee Kubadda Cagta (FKF).

    Ku xigeenka madaxa guddiga xiriirka Kenya ee Kubadda Cagta (FKF), Doris Petra, iyo xoghayaha guud ee, Barry Otieno, ayaa dib looggu celiyay boosaskoodii, iyo gacan ku haynta xafiisyada FKF, oo dib looggu celiyay guddiga - sida ay dalbatay Fifa.

    Warqad uu Otieno u diray xoghayaha guud ee Fifa, Fatma Samoura, ayaa lagu sheegay in xayiraadda ay ka hadleen xafiiska golaha Fifa Jimcihii la soo dhaafay, waxaana la xaqiijiyay in la qaaday xayiraadda.

    Wafdi wadajir ah oo ka socda Fifa iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (Caf), ayaa booqan doona magaalada Nairobi, si ay u tilmaamaan tallaabooyinka xiga ee FKF, ayna la kulmi doonaan Namwamba, iyadoo faahfaahinta la diyaarin doono waqtiga ku habboon.

    Warqadda ay soo qortay Samoura, ayaa intaa ku dartay in xayiraadda laga qaaday guddiga "iyada oo aan waxba loo dhimayn baaritaannada socda iyo dacwadaha maxkamadda ee heer qaran".

  3. Weerarkii Alshabaab ee hotel Villa Rose oo lasoo gaba gabeeyey

    Dagaal yahanada Alshabaab

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dagaal yahanada Alshabaab

    Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen hotel Villa Rose ee magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa lasoo gaba gabeeyey.

    Weerarkani ayaa sida wararku ay sheegayaan waxaa ku dhintay sideed qof oo rayid ah, hal askari oo kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo sideed dagaal yahan oo katirsan Alshabaab, oo ah kuwii ku qaadey weerarka hotelka.

    Alshabaab, ayaa marar kala duwan hotello ku yaalla magaalada Muqdisho ku qaadey weerar.

    Weerarkan ayaa socday ku dhawaad 24 saacadood.

  4. Muqdisho oo uu maanta ka furmay shir caalami ahi, maxaa lagaga hadlayaa?

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya oo socon doona muddo labo maalmood ah.

    Shirka oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka socda hay’ado iyo dalal shisheeye oo qaarkood ay horey u maalgashadeen Soomaaliya qaarkoodna ay doonayaan inay hadda maalgashadaan Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa fursadaha maalgashi ee laga heli karo Soomaaliya.

    Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan oo madasha shirka joogay ayaa faahfaahinta inoo haya.

    Qoraalka Codka, .
  5. Booliska Shiinaha oo xiray weriye ka tirsan BBC

    Booliiska Shiinaha ayaa xiray weriyaha BBC ee Shanghai isagoo ka warramaya mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda oo ka dhacay dalka Shiinaha.

    Ed Lawrence ayaa la xiray isaga oo soo tabinayo mudaaharaadkii ugu weynaa ee ka dhacay magaalada.

    "Waa arrin aad looga walaaco in mid ka mid ah saxafiyiintayada sidan oo kale loo weeraray isagoo gudanaya waajibaadkiisa," ayay tiri BBC-da.

    Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in Mr Lawrence uusan soo bandhigin aqoonsigiisa saxaafadda.

    Muuqaalo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay askar dhowr ah oo Mr Lawrence inta ay gacmaha qabteen ku dhufanaya dhulka.

    BBC ayaa sheegtay in weriyaheeda ay boolisku garaaceen ka hor inta aysan katiinad gacanta uga xirin.

  6. Warrarkii ugu dambeeyay ee ee weerarka Al-Shabaab ee weli ka socda Hoteelka Muqdisho

    Waxa weli ku dagaalamaya hudheelka Villa Rose ciidamada nabadgelyada Soomaaliya iyo dagaalyahannada Alshabaab ee xalay weeraray hudheelkaas.

    Rasaas iyo qaraxyo ayaa wali la maqlayaa in ka badan 12 saacadood kadib markii ay gudaha u galeen hotelka Villa Rose ee kooxda Al-Shabaab.

    Hay’adda nabad sugidda qaranka ayaa sheegtay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen, saraakiil ka tirsan dowladdana ay ku jiraan dadka dhaawacmay.

    Halkan ka dhagayso warrarkii ugu dambeeyay ee weerarka ee uu faahfaahinayo wariyaha BBC ee magaalada Muqdisho Ibrahim Maxamed Adan.

    Qoraalka Codka, Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa Muqdisho
  7. Ciyaarta hadda bilaabatay ee Cameroon iyo Serbia

    .
    .
    .
    .
  8. Madaxweynaha Xasan Sheikh oo furay shirka Maalgashiga Caalamiga ah

    .

    Xigashada Sawirka, Somalia Investment Promotion Office

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya oo socon doona muddo labo maalmood ah. Shirka oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka socda hay’ado iyo dalal shisheeye oo qaarkood ay horey u maalgashteen Soomaaliya qaarkoodna ay doonayaan inay hadda maalgashi ku sameystaan Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa fursadaha maalgashi ee laga heli karo Soomaaliya.

    Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa khudbad ka jeediyay Shirka kana hadlay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho maalagashato Caalami ah, si sare loogu qaado wax soo saarka dalka.Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in Shirkaan uu noqon doono sannadle, si markasta loo soo bandhigo, loona dhiirigeliy omaalgashiga shisheeye.

  9. Khasaare dhimasho oo laga soo tabiyay weerarka ka socda Villa Rose

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen hoteel caan ah oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Goob joogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ay maqleen qaraxyo badan iyo rasaas xooggan oo ka dhacayay hoteelka Villa Rose oo ku dhow madaxtooyada.

    Waxaa la sheegay in qarax lagu bilaabay weerrarkaasi, kaddibna rag hubaysan intay u gudbeen hoteelka ay halkaasi ka dagaallamayaan.

    Illaa iyo haatan saraakiisha ammaanka faafaahin dheeraad ah kama aanay bixin waxa hoteelka waqtigan ka soconaya.

    Afhayeenka booliska Soomaaliya, Korneel Sadiiq Aaden Doodishe, ayaa isla xalay sheegay in ciidammada ammaanku ay howgal ka wadaan hoteelkaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jira shacab iyo mas’uulyiinba.

  10. Dibaxyada ka socda Shiinaha ma waxay ka dhigan yihiin xoriyad dheeraad ah oo ay heleen shacabku?

    Waxaa guud ahaan waddanka Shiinaha weli ka soconaya dibedbaxyo ka dhan ah xeerarka adag ee ay dowladda dalkaas ku xakameyneyso xannuunka Covid-19. Magaalada Beijing, dadka shacabka ah ayaa codsaday in la siidaayo dad dibedbaxayay oo lagu xiray magaalada Shanghai.

    Warkaas waxaa la socday oo haatan stuudiyaha ila fadhiya Axmed Mursal Xuseen oo noo faahfaahinaya, Axmedoow bal noo warran.

    Haddaba dibed-baxyadaan aan weli xoogga lagala hortagin, ma waxay astaan u yihiin shacabkii Shiinaha oo xorriyad dheeraad ah helay? Waxaannu arrimahaas wax ka weydiinnay Dr Axmed Faarax Iidle (Axmed Zaki) oo ku xeel dheer arrimaha xirriirka caalamiga barena ka ah Jaamacad ku taalla dalka Pakistaan, wariyaha BBC-da ee Faadumo Macallin Abukar ayuuna u waaramay.

  11. Ganacsata Soomaalida Islii oo ka hadlay askari Soomaali ah oo loo haysto dad uu laayey

    Gudida ganacsatada xaafadda Islii ayaa shir ay ku yeesheen isla xaafaddaas iyaga iyo xildhibaano Soomaali ah oo ku jira baarlamanka Kenya ka soo saareen baaq mahadcelin ah oo ay ugu mahadnaqayaan Madaxweyne William Ruto inuu qoomiyadooda u magacaabay xilka wasiirka gaashaan dhigga isla markaana ay xilal kale ka quud darraynayaan.

    Waxa kale oo ay sheegeen in ay mudaharaadyo dhigi doonaan hadii askari booliska ka tirsan oo haatan dacwad lagu soo oogay la ciqaabo, maadama oo waa siday u dhigeene uu tuugada kaga beegnaa.

    Hadaba arimahaas oo dhan waxa faahfaahinaya Xog-hayaha guud ee gudida ganacsatada Islii, Cumar Ibraahin Xuseen, oo u waramay Axmednagaashe waxaanu ku bilaabayaa xogta shirkaas ay shalay gelinkii dambe iskugu yimaadeen.

    Qoraalka Codka, .
  12. Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Al-Shabaab ee weli ka socda Hoteelka Muqdisho

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in weli ay rasaas goos goos ah ka dhaceyso gudaha hoteelka Villa Rose ee magaalada Muqdisho, kaas oo tan iyo xalay fiidkii uu ka socdo howlgal daba socday weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka.

    Ilaa hadda faahfaahin rasmi ah kama soo bixin laamaha amniga ee dowladda, marka laga reebo in ay xalay shaaciyeen warka ku saabsan weerarka iyo howlgalka lagu doonayo in lagu soo afjaro.

    Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Maxamed Axmed, uu dhaawacmay.

    Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadday hoteelka uu howlgalku ka socdo. Kooxdan ayaa 15-kii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya ka wadda dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dowladda.

  13. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.

  14. War deg deg ah, Qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo hoteel u dhow Madaxtooyada

    Muqdisho

    Wararka hadda naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas iyo qaraxyo laga maqlayo hoteel u dhow Madaxtooyada.

    Wararku waxay sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay hoteelka Villa Rays isla markaana uu ka dhashay khasaaro.

    Waxaa la sheegayaa in halka uu weerarku ka dhacay ay ku sugnaayeen wasiirro iyo xildhibaanno.

  15. Rag iyo dumar isku magaalo kunool luqado u kala gaarana ku kala hadla

    Magaalada Ubang

    Xigashada Sawirka, OTHER

    Qoraalka sawirka, Magaalada Ubang

    Xawsadu ayaa waxay ku maah maahaan "Hal Ilaah, iyo magaalooyinka kala duwan", iyagoo taa u sababaynaya, quruumaha kala duwan ee adduunka, iyo sida ay ugu hadlaan hal luqad oo u dhexeeya ragga iyo dumarka, taasoo maalin waliba lagu sheekeysto la iskuna dhexgalo, magaalada Ubang ee gobolka maamulka Obudu ee gobolka Kuros Riba, ee koonfurta ee Nigeria arrintaas sidaas waa ka duwan yahay.

    Dadka reer Ubang, ayaa waxay adeegsadaan laba af, oo kala ah, afka ragga oo gaar u ah, iyo afka dumarka, oo iyaga u gaar ah, wayna kala duwan yihiin.

    Beesha Ubang, sida bulshooyinka kale, ayaa waxay leedahay caadooyin iyo qiyam u gaar ah, oo ka duwan bulshooyinka kale ee dalka Nigeria.

    Balse arrinta ugu yaabka badan, ayaa ah labada luqadood ee ay sida gaarka ah u kala adeegsadaan dumarka iyo ragga.

    Chief Osang Isaiah, oo deggan magaalada Ukwerisen ee gobolka Ubang, ayaa u sheegay weriyaha BBC-da eee Abdussalam Ibrahim Ahmed, oo safar ku tagay magaalada, in labada luqadood ee laga isticmaalo magaaladooda ay yihiin Jiye-Ban-Chiye, oo ay tahay tan ay isticmaalaan. ragga, iyo Jiye-Ban Yiye, oo ah tan dumarka ay isticmaalaan.

    Amiirku waxa uu sheegay in labada af ee ay kala isticmaalayaan labadan qeyb ​​ay tahay hibo Eebbe ugu deeqay, oo lagu kala saaro ragga iyo dumarka.

    Chief Osang Isaiah ayaa yiri, "Taariikh ahaan, dadka Uban,g waxay leeyihiin farac tixan illaa iyo abuuristii aadanaha, faraca dadka Ubang waxay ka yimaadeen meel la yiraahdo Agbutan.

    Amiirka ayaa yiri, haddii aad wiilal iyo gabdho dhasho marka ay yaryar yihiin, ayaa luqadda ay ku hadli doonaan loo kala soocayaa, marka qolo waliba keeda ayey raaceysaa, marka ay korayaan wiilasha iyo gabdhaha.

  16. Aabbe gabadhiisa ku casuumay inay goobjoog ka noqoto maalinta lagu fulinayo xukunka dilkiisa

    Kevin Johnson oo la sawiran gabadhiisa Khory Ramey, iyo wiilka uu awoowaha u yahay

    Xigashada Sawirka, ACLU

    Qoraalka sawirka, Kevin Johnson oo la sawiran gabadhiisa Khory Ramey, iyo wiilka uu awoowaha u yahay

    Haweeney 19 jir ah oo u dhalatay dalka Mareykanka, ayaanan awoodi doonin inay aragto aabaheed oo dil toogasho ah lagu fulinayo, kadib markii xaakim uu taageeray sharciga Missouri, oo dhigaya in ay aad u yar tahay.

    Ninka la yiraahdo Kevin Johnson, ayaa wajahaya xukun dil ah Talaadada, isagoo lagu eedeyay inuu dilay sarkaal booliis ah sanadkii 2005-tii, xilligaasi oo uu ahaa 19 jir.

    Waxa uu codsaday in gabadhiisa, Khory Ramey, ay goob joog ka noqoto goobta lagu dilayo.

    Ururka Xorriyadda Madaniga ah ee Mareykanka, ayaa gudbiyay mooshin degdeg ah iyagoo wakiil ka ah gabadha yar, waxey ku doodayaan in sharciga gobolku uu ku xad-gudbay xuquuqdeeda dastuuriga ah.

    Waxay yiraahdeen shuruudaha da'da ee sharciga Missouri - oo ka mamnuucaya qof kasta oo ka yar da'da 21 inuu goob joog ka ahaado goob lagu fulinayo xukun dil ah - aysan laheyn ujeedo rasmi ah oo la xiriirta dhanka badqabka fayoobida.

    Johnson, oo 37 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii Ramey ay dadeedu ahayd laba sano jir.

    Labada ruux ee gabadha iyo aabaheed, ayaa xiriirkoodu wuxuu ku dhisnaa booqashooyin, telefoon, waraaqo iyo iimaylo. Waxay keentay in gabadhii yareyd inta weynaatey, ay haatan wiil ay iyadu dhawaan dhashay xabsiga geystay, si uu ula kulmo awoowgii bishii hore.

    "Aad ayaan uga xumahay inaanan aabahay la joogi karin waqtiyadii ugu dambeeyay," ayay Ramey ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay in aabaheed uu aad ugu dadaalay sidii uu xabsiga uga soo bixin lahaa, waxayna sheegtay inay codsi barya ah u gudbineyso guddoomiyaha Missouri, si uu ugu naxariisto aabaheed, oo uu cafiyo.

    Johnson ayaa lagu helay toogashadii dhimashada lahayd ee sargaal katirsan booliiska Missouri, William McEntee, oo ahaa nin dhalay saddex carruur ah.

    Qareenada Johnson, ayaa gudbiyay rafcaan ay ku doonayaan inay nafta macmiilkoodda ka badbaadiyaan dil. In kasta oo ayan u doodin dembigiisa, haddana waxay ku doodayaan in cunsuriyaddu ay door ku lahayd xukunka ciqaabta dilka ah.

  17. Ciidamada ammaanka GalMudug oo xirey labaatan ruux oo ajnabi ah

    Ciidamada GalMudug

    Xigashada Sawirka, GalMudug State House

    Qoraalka sawirka, Ciidamada GalMudug

    Wararka ka imanaya gobolka Mudug ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee Galmudug ay soo xireen 20 nin oo ajnabi ah, kuwaasoo laga qabtay meel 60km u jirta degmada xeebta ku taalla ee magaalada Hobyo.

    Maamulayaasha magaalada Hobyo, ayaa sheegaya in raggaasi haatan lagu hayo saldhiga magaalada, isla markaana ay socoto baaris dheeraada oo lagu ogaanayo xogtooda.

    Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, oo la hadlay gudoomiyaha degmada Hobyo, Cabdillaahi Axmed Cali Faat, ayaa sheegay in raggani lasoo qabtey xalay saqdii dhexe, iyagoo dhalashadoodu ay ku sheegeen Iiraan iyo Pakistan.

    Guddoomiyaha, ayaa carabka ku dhuftay in raggani ay ka yimaadeen dhanka magaalada Xaradheere, oo ah goob ay gacanta ku hayaan Alshabaab.

    Guddoomiyaha ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo raggani, wixii kasoo baxana ay dib ka shaacin doonaan.

  18. Dadweynaha Shiinaha oo ku gacan seyray awaamiirta xanibaadda Covid19

    Booliiska Shiinaha
    Qoraalka sawirka, Booliiska Shiinaha

    Mudaaharaadyada loogga soo horjeedo xannibaadaha cudurka safmarka Covid19 ee dalka Shiinaha, ayaa u muuqda inay sii kordheen, kadib markii dab kacay, ay ku dhinteen 10 qof guri dabaq ah oo ku yaalla Urumqi.

    Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Shanghai, si ay u xusaan ​​dhibanayaasha, oo ay uga soo horjeedaan xannibaadaha.

    Dad badan ayaa la maqlayey iyagoo dalbanaya madaxweyne Xi Jinping inuu iscasilo.

    BBC-da ayaa waxaa soo gaarey akhbaarta ah in ugu yaraan saddex qof ay booliiska xireen.

    In kasta oo mas'uuliyiinta Shiinaha ay beeniyeen inay tahay sababta, mas'uuliyiinta Urumq, ayaai waxay soo saareen raalli-gelin aan dabayaaqadii Jimcihii.

    Waxay ballan-qaadeen inay "soo celinayaan nidaamka" iyagoo meesha ka saaraya xannibaadaha.

  19. Soomaalida u kala socdaalaysay dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo ay caqabad ku timid

    Calamada Soomaaliya iyo Kenya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Calamada Soomaaliya iyo Kenya

    Ganacsatada iyo Shacabka Soomaalida ee u kala safra dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa bilihii u dambeeyay wajahayay caqabado dhanka safarka ah, kaddib markii uu hakad ku yimid dal-ku-galka Kenya.

    Arrintan ayaa waxaa ay si gaar ah u saameysay dadka ku safra baasaboorka Soomaaliya, ee u socdaalaya dalkan Kenya.

    Kuwani ayaa waxay isugu jiraan kuwa dalka Kenya u yimaada arrimo ganacsi, caafimaad, wax-barasho, dalxiis iyo siyaabo kale.

    Soomaaliya iyo Kenya, ayaa ah labo dal oo deris ah oo xad aad u dheerna wadaaga, dano badanna ay ka dhaxeeyaan.

  20. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.