Muslimiinta Caalamka oo u dabaaldagaya munaasabadda Ciidul-Adxa

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Paul Kagame oo sheegay in uu ka fikirayo in xilka uu sii hayo 20 sano oo kale

    Paul Kagame

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Paul Kagame

    Hoggaamiyaha Rwanda Paul Kagame—oo xilka hayay in kabadan 20 sano ayaa sheegay inuu ka fikirayo in uu xafiiska sii joogo 20 sano oo kale.

    Waxaa uu u sheegay teleefishin kasoo baxa Faransiiska in uu u tartamayo xilka madaxweynaha doorashada nagu soo aadan ee ka dhaceysa Rwanda.

    Ninkan 64-ka ah ayaa sanadkii 2015-kii baddalay dastuurka dalkaas si uu u helo fursad uu xilka kusii hayo tan iyo 2034-ka.

    Doorashadii madaxtinimo ee ugu dambeysay ee Rwanda waxay natiijada muujineysay in Kagame uu helay boqolkiiba 99 codadkii la dhiibtay.

    Madaxweyne Kagame ayaa si weyn u difaacay kaalinta dalkiisa uu ka qaatay ilaalinta xuquuqda aadanaha kadib shirkii dalalka ka tirsan ururka barwaaqo sooranka ee ka dhacay caasimadda magaalada caasimadda ah ee Kigali.

  2. Guriga Ra'iisul Wasaaraha Sri Lanka oo dab la qabadsiiyay

    Waxaa dab la qabadsiiyay guriga Ra’iisul Wasaaraha Sri Lanka, Ranil Wickremesinghe.

    Waxaa saacaddii lasoo dhaafay cirka isku shareeray rabshado u dhexeeya dibadbaxyaasha iyo booliska.

    Kumanaan qof oo dibadbaxyo ka dhigaya caasimadda Sri Lanka ee Colombo, ayaa xoog ku galay guriga madaxweyne dalkaas Gotabaya Rajapaksa iyo xarumaha dowladda ee ku dhow. Wararka ayaa sheegay in madaxweynahay mar hore loo raray goob ammaan ah.

    Dadweyne aad u fara badan oo ka careysan sida uu madaxweynuha u maareeyay dhibaatadii dhaqaale ee ugu xumayd ee saameysay Sri Lanka muddo tobanaan sano ah ayaa lagu arkayay waddooyinka xilli ciidamada ammaankaaykukala eryayeen dadka suntan dadka ka ilimeysiisa.

    Dibadbaxyaasha waxay codsanayeen inuu is casilo madaxweynaha.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Shiinaha oo sheegay in uu halis ku jiro xiriirka kala dhexeeyo Mareykanka

    Xiriirka Mareyanka iyo Shiinaha

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xiriirka Mareyanka iyo Shiinaha

    Shiinaha ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda , Wang Li uu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, in xiriirka labada dal uu halis ku jiro kadib waxa uu ku tilmaamay aragtida marin habaabinta ee Xukuumadda Washington ee ku aadan Shiinaha.

    Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo kulan shan saacadood qaatay uu labada mas’uul uu ku dhexmaray dalka Indonesia halkaas uu ka socday shirka ay lahaayeen dalalka G20.

    Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha wuxuu intaa ku daray in Mareyanka iyo iyaga ay ku heshiiyeen xoojinta xiriirka labada dalka balse uu hordhigay cabashooyin dhowr ah oo ay kamid tahay arrinta Taiwan.

    Dhanka kale, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay saaxibtinimada Shiinaha ee Ruushka, ka dib wadahadal uu dhiggiisa Shiinaha kula yeeshay Indonesia.

    Mr Blinken ayaa sheegay in Shiinaha in dhexdhexaadnimo uu ka muujiyay duullaanka Ukraine, balse wuxuu sheegay in dhexdhexaadnimada aysan suurtagal ahayn marka la eego gardarrada cad ee uu wado Ruushka.

  4. Xasan Sheekh Maxamuud oo u safray Eritrea oo ay ku sugan yihiin ciidamo loo tababaray Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, VILLA Somalia

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray dalka Eritrea halkaas uu ku sugnaan doono muddo afar cisho ah.

    Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida ay shaacisay madaxtooyada.

    Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la kulmi doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ay ka wadahadli doonaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

    Maalintii xilka lagu wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ballan qaaday in dalka dib ugu soo celin doono ciidamo Soomaali ah oo tababar ku qaadanayay dalka Eritrea.

    Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea. Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.

    Hase yeeshee, wuxuu ballan-qaaday in arrinta dhallinyaradaas ay noqon doonto howlaha muhiimadda koowaad u leh maalinta uu xafiiska tago.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta ciidanka tababarka loo geeyay dalka Eritrea markii uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh Maxamuud.

    Wuxuu sheegay in ciidankaas oo tiradooda ay gaarayso 5,000 oo askari ay isugu jiraan qeybaha ciidanka. Wuxuu xusay in ay tababarka dhameysteen bartamihii sanadkii 2021. "Iyadoo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababtoo ah xaaladda siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay in ay isa saameyso," ayuu yiri Farmaajo.

  5. Dibadbaxayaasha Siri Lanka oo hadda gudaha ugalay guriga Ra’iisul Wasaaraha

    Dibad-baxayaasha Siri Lanka ayaa hadda galay guriga rasmiga ah ee uu degan yahay Ra’iisul Wasaare Ranil Wickremesinghe, kaasoo hadda aqbalay inuu iscasilo.

    Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya dad mudaaharaadaya oo sariiro dul saaran oo iska qaadaya sawirro Selfie ah oo ay ku fadhiyaan alaabta guriga, halka boqolaal ay ku dhawaaqayeen "waxaan leenahay hadda tag" oo calanka Sri Lanka lulaya afaafka hore ee guriga.

    Raysul wasaaraha ayaa la sheegay in uu doonayo in uu iscasilo si dadka loo badbaadiyo.

    Dibadbaxayaasha Siri Lanka oo hadda gudaha ugalay guriga Ra’iisul Wasaaraha

    Xigashada Sawirka, epa

  6. DAAWO: Dibad baxayaal gudaha u galay madaxtooyada dalka Sri Lanka

    Daawo muqaal muujinaya dhibadbaxayaasha oo gudaha u galay madaxtooyada dalka Sri Lanka

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Dadka ayaa kacabanaya sicirbarar aad weyn oo halkaasi kajira

  7. Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaadda ciidda ku oogay Masaajidka Cali Jimcaale

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kumannaan dadweyne ah kala qaybgalay oogida Salaadda Ciida Masjid cusub oo saaka laga furay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

    Masjidkan oo ay ku baxday dhismihiisa lacag dhan labo iyo toban milyan oo doolar ayaa waxa dhisay ganacsadaha weyn ee la yiraahdo Axmed Nuur Cali Jimcaale, wuxuna u waqfay aabihii Cali Jimcaale.

    BBC
  8. Madaxweynaha Galmudug oo maanta salaadda Ciidda la tukaday Shacabka Baxdo

    Magaalada Baxdo ayaa maantay si weyn looga ciiday maalinta Koowad ee ciiddul Adxa,waxaana maantay salaadda Ciidd shacabka reer Baxdo kula tukaday Masaajidka weyn madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi-kaariye ‘Qoorqoor” oo shalay safar ku tagay Baxdo.

    Salaadda Ciidda kadib ayuu madaxweynuhu la hadlay dadka Baxdo, wuxuuna ku baraarujiyay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab ka maamul ahaanna uu garab taagan yahay.

    SONNA SOMALIA

    Xigashada Sawirka, SONNA SOMALIA

  9. Ra’iisal wasaare Xamse oo boqolaal dadweyne ah kala qeyb galay salaadda ciidul Adxa

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kala qeyb galay boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciidul Adxaa oo lagu oogay Masjidka Cali Jimcaale oo dhowaan uu dhisay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.

    Ra’iisal wasaare Xamse ayaa munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeey guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin.

    Ra’iisal wasaare Xamse oo boqolaal dadweyne ah kala qeyb galay salaadda ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, Warbaahinta qaranka Soomaliya

  10. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku guul darraystay in gargaar la gaarsiiyo deegaannada ay fallaagada gacanta ku hayaan ee waqooyiga-gaolbeed ee Suuriya.

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku guul darraystay inuu heshiis ka gaaro arrinta la xiriirta sii wadidda gurmad bani’aadannimo oo kasoo gudba xadka Turkiga, kaasoo la gaarsiiyo deegaannada ay fallaagada gacanta ku hayaan ee waqooyiga-gaolbeed ee Suuriya.

    Gudbinta gargaarkan oo raashin iyo dawo muhiim ah siinayay malaayiin qof oo reer Suuriya ah ayaa la joojinayaa maalinta Axadda ah.

    SAWIR KALE
  11. Shiinaha iyo Mareykanka oo wadaxaajood uga furmay Indonesia

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, iyo dhiggiisa Shiinaha, Wang Yi, ayaa rajo ka muujiyay in ay wadashaqeyn dhex marto xilli uu wadaxaajood dhif ah uga furmay waddanka Indonesia.

    Mr Wang ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono ilaalinta xiriirka ka dhaxeeya labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka.

    BBC CHINA
  12. Maxay tahay sababta ay shirkada Twitter maxkamad ula tiiigsaneyso ninka dunida ugu hantida badan?

    Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in ay maxkamad la tiigsanayso ninka dunida ugu hantida badan, Elon Musk, si loogu khasbo inuu dhammastiro heshiis 44 bilyan oo doolar ah oo uu kula wareegayo shirkadda.

    Mr Musk, oo ah madaxa shirkadda gawaarida korontada ku shaqeeya ee Tesla, ayaa dhawaan shaaciyay in uu ka laabtay heshiiskaas – tallaabadaas oo saamiyada Twitter-ka hoos u dhigtay in ka badan 6%.

    SAWIR HORE

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  13. Guud ahaan umadda Islaamka oo maanta u dabaal degaysa maalinta Ciida

    Guud ahaan Ummadda Muslimiinta ee ku kala sugan daafaha caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

    Dadyowga Islaamka ayaa subaxa hore ee maanta isugu imaanaya Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Salaada Ciidul Adxaa.

    Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay gudanayaan mid kamid ah munaasabada Islaamka.

    SAWIR HORE
  14. Donald Trump muxuu ka yiri dilka Shinzo Abe

    Waxaa iska soo daba dhacaya fariimaha tacsida ee ka imaanaya caalamka. Waxaa ka mid ah dadka ka hadlay geerida Shinzo, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

    "Wuxuu ahaa mideeye aad u jeclaa dalkiisa weyn ee Japan."

    "Shinzo Abe aad ayaa loo tabi doonaa."

    Trump ayaa intaasi ku daray inuu rajeynaya in ninka dilka gaystay loola dhaqmi doona si deg deg ah oo bilaa naxariis ah.

    Sanaddii 2017-kii ayuu Trump ku soo dhaweeeyay Aqalka Cad Abe, waxayna mar kale ku kulmeen Japan May 2019-kii.

    getty

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump iyo Shinzo Abe
  15. Sawirro hor leh oo ku saabsan ninka loo haysta dilka Shinzo oo soo baxay

    s

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daabacday sawirkan oo muujinaya wax yar ka hor inta aan la qabanin ninka lagu tuhunsan yahay dilk Shinzo Abe. Waxaa markaasi ahwada hareeyay qiiq , wuxuuna gacantiisa bidix ku wataa wax u muuqdo qori.

    Booliska wali ma ogo sababta ku qaaday ninkani inuu weeraro Abe, balse booliska ayuu u sheegay inuu qabay nacayb ka dhan urur gaar ah.

  16. Shinzo Aabe: R/wasaarihii ay waddaniyadda madax qaaday

    v

    Xigashada Sawirka, bbc

    Shinzo Abe, oo ahaa Raysul wasaarihii wakhtigii ugu dheeraa soo hoggaamiyey dalka Japan waxaa lagu yaqaannaa siyaasadaha arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha oo sababay in loogu magacdaro ‘Abenomics’.

    Abe oo 67 jir ahaa in laba jeer xilka Raysul wasaaranimada loo doorto waxaa u horseeday xisbiga uu ka tirsan yahay ee LDP.

    Muddo xileedkiisii ugu horreeyey ee Raysul Wasaaranimadiisa oo billaawday 2006-dii sanadkii ugu horreeyeyba waxaa hareeyey muran siyaasadeed oo ka dhashay caafimaadkiisa iyo siyaasaddiisa.

  17. Obama oo ka naxay dilka saaxiibkiis

    Getty

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ka naxay islamarkaana ay murugo badan ku abuurtay geeerida saaxibkii Shinzo Abe.

    Wuxuu sheegay inuu si dhaw ula shaqeeyay markii uu madaxweyne ahaa si loo xoojiyo isbaheysiga Japan iyo Mareykanka.

  18. Qaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay Shinzo Abe

    getty Images

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay Shinzo Abe

    • Abe ayaa olole doorasho ka waday magaalada Nara oo qiyaastii 300 km u jirta caasimadda Tokyo.
    • Wuxuu jeedinayay khudbad uu ku taagerayay murashax u taagan baarlamaanka deegaanka oo lagu magacaabo Kei Sato oo hadda ah xubin ka tirsan Aqalk sare.
    • Saacaddu markay ahayd 11:30 am ayaa waxaa la maqlay rasaas iyadoo Abe laba jeer laga toogtay qoorta.
    • Markiiba dhulka ayuu ku dhacay waxaana loola cararay isbitaalka ugu dhawaa goobta
    • Booliska ku sugnaa goobta ayaa qabtay ninka toogashada gaystay, waxaana lagu hayaa hadda saldhig boolis oo ku yaalla magaalada.
    • Qori dhulka yaalla ayaa la arkayay. Waxaa jira warar sheegaya in ninka uu adeegsaday qori macmal ah oo guri ku sameys ah balse wali lama xaqiijinin.
    • Ka dib sacaado lagu daweynayay isbitaalka, Abe waxaa la sheegay inuu dhintay 05:03 pm wakhtiga dalkaasi.
  19. Maxaa lagu arkay guriga ninka dilay Shinzo Abe?

    gett

    Xigashada Sawirka, g

    Raysal wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa laba jeer qoorta laga toogtay mar uu khudbad ka jeedinyay magaalada Nara maanta oo Jimce ah. Dhaawicii ka soo gaaray weerarkaasi uu u geeriyooday.

    Masuuliyiinta ammaanka oo ku sugnaa goobta ayaa markiiba qabtay ninka dilka gaystay oo lagu sheegay inuu yahay 41 sano jir.

    Booliska ayaa baaray guriga ninka waxyna ka soo heleen waxyaabaha qarxa, sida ay ku warrantay warbaahinta dalka Japan.

    Booliska ayaa qarxiyay walxahaasi laga helay guriga.

    Raysal wasaaraha ee hadda xilka haya Fumio Kishida ayaa cambaareeyay weerarka oo ku tilmaamay mid waxashnimo ah

  20. Daawo Sida loo toogtay R/wasaarihii hore ee Japan oo maanta la khaarajiyay

    Raysal wasaarihii hore eeJapan, Shinzo Abe, ayaa maanta toogasho lagu dilay isagoo jeedinaya khudbad.

    Wuxuu ka qeybgalayay olole siyaasadeed markii qof ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta uu rasaas ku ekeeyay Abe oo masraxa saarnaa. Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Nara.

    Muuqaalkan hoose waxa uu muujinayaa wax yar ka hor inta aan la tooganin Shinzo Abe. Muuqaalka ayaa sidoo kale tusaya ninka toogashada lagu tuhunsan yahay oo la qabtay.