Daawo: Gabadha ku dhawaaqaysa "Allahu Akbar" ee qabsatay baraha bulshada

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Ninkii hindisay adeegga 'fadlan isoo wac' ee teleefoonada oo magdhow culus heley

    vODA

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, vODA

    Nin u dhashay dalka Koofur Afrika ayaa ku guuleystay kiis horyaalay maxkamad oo uu ku dacweeyey shirkadda isgaarsiinta Vodacom arrintan oo u oggolaaneysa in ka badan 3 milyan oo doolar oo ah magdhow ay siineyso shirkafddaas oo ah kuwa ugu waaweyn

    shirkadaha isgaarsiinta Nkosana Makate,oo iqtiraacay ama hindisay adeegga qoraalka ee shirkaddaas ee ‘’ fadlan I soo wac’’, kaas oo uu diro qofka aysan lacagta ku-hadalka ugu jirin, balse doonaya in qof kale uu la xiriiro. ”Go’aanka maxkamadda waa mid sax ah

    .’’ waqti dheer ayaa ka soo wareegtay inta aan sugayey . waxaan ogahay in laga yaabo in rafcaan ka qaataan go’aankaa laakiin go’aankan aniga aad buu iiga qaaday culeys aan dareemayey wuxuuna ii yahay dhiirigalin ‘’ayuu u sheegay BBC-da

    Weli lama oga inta uu ka heli karo lacagtaa uu ku kasbaday hindisahaas u oggolaanaya Vodacom dadka isticmaala in ay u diraan farriimo lacag la’aan ah qof kale si ay uga codsadaan in uu dib u soo Waco .

    Qaaliga maxkamad Sare Wendy Hughes ayaa siisay Vodacom muddo bil ah si ay lacagtaas isaga bixiso. Waxay sheegtay in ninkaas la siiyey 5% lacagta ka timaada codka oo ay sameeyeen adeegga farriimaha muddo toban sano ah balse aan shan sano ahaayen sidii markii hore loo sheegay in magdhowga lagu bixinayo – waxaana jira qodobo ka mid ah go’aankeeda. Arrintu waxay aheyd dagaal sharciyeed muddo dheer qaatay wuxuuna ninkani tagay oo ka dacwooday dhowr maxkamadood oo ku yaalla koofur Afrika

    Markii hore Vodacom waxay beenisay in ninkani uu iyaga u shaqeynayey mar kalena waxay sheegeen in aanu kulaheyn wax faa’ido dhaqaale ah .

  2. Ciyaartoy Masaari ah oo ka 'raaligelin' ka bixiyay rigoorihii uu gafay ciyaartii Senegala

    ciyaartoy

    Xigashada Sawirka, kingFut

    Qoraalka sawirka, ciyaartoy

    Mohanad Laashin oo qeyb ka ahaa xulka Masar kana ciyaara qadka dhexe ee ku guuleystay billadda qalinka sanaadkii 2021 tartankii Qaaramada Afrika ayaa cudurdaar iyo raaligelin qoraal ah u soo diray taageerayaasha ka dib markii ay ku guuldareysteen xulka dalkiisa ciyaar kama dabeysta oo kaga hortageen Senegal .

    Mohanad Lashin ayaa waxaa uu gafay kubbad rigoore ah (gool-ku-laad) , wuxuu ka cudurdaartay in kooxdiisu guul darro ay ku timaado .

    Wuxuu sheegay in aanu isagu ku jirin shanta ciyaartooy ee loosoo xuley in ay rigooraha laadaan laakiin uu ka qaaday booska ciyaartooy kale .

    ‘’ Mararka qaar ciyaartooyga wuxuu garan karaa in aanay maalintu u wanaagsaneyn markaas oo kale waxaa u wanaagsan in aanu laad rigoore ah laadin ‘’ ayuu yiri

    ‘’ ciyaartooygii aan bedelay ayaa igu yiri maanta nasiibkeyga ma wanagsana ayaan filayaa ee adiga iga bedel ´

  3. Dunida oo ku jahwareersan tallaabada uu qaadi doono Putin

    Putin
    Qoraalka sawirka, Putin

    Maanta su'aashu waxay isu bedeshay: "Muxuu Mr Putin qorsheynayaa?"

    Tobanaan kun oo ciidamada Ruushka ah ayaa la geeyay meel u dhow xudduudda Ukraine; iyadoo ay sii kordhayaan hadallada lidka ku ah reer galbeedka ee Moscow, miyaa loo fasiran karaa in trallaabadani ay tahay horudhac dagaal.

    Si la mid ah inta badan saxafiyiinta ajnabiga ah ee ku sugan Moscow, waxaan haystaa taleefoon lambarka xafiiska warbaahinta ee Aqalka Kremlin-ka balse waxa aan haysan ayaa ah khad toos ah oo ku xiran maskaxda Vladimir Putin oo aan ka ogaan kara qorshahiisa dhabta ah.

    Malaha isaga oo kaliya ayaa garanaya waxa qorshihiisu yahay. Haatan gudaha iyo dibaddaba, qof kastaaba waa uu qiyaasayaa qorshihiisa, balse waxyaabaha qaar waa ay cad yihiin.

  4. lacag ka badan 87 kun oo Doollar iyo dhulal la siiyey Xulka Senegaal

    Senegal
    Qoraalka sawirka, Senegal

    Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa ciyaaryahan kasta waxaa la gudoonsiiyay abaal-marin lacageed oo dhan in ka badan 87,000 oo dollar .

    Waxaa sidoo kale ciyaartooyda dhul laga siiyay caasimadda Dakar iyo deegaanka Dianiyadiyo oo daris la ah caasimadda.

    Madaxweyne Mackie Sal waxa uu kooxdaasi guddoonsiiyey abaal-marintii ugu sarraysay ee uu dalku bixiyo.

    Madaxweynaha ayaa mar sii horeysay uga mahadceliyey kooxda sharafta ay dalka u soo hoyiyeen iyo in ay noqdeen horyaalka Afrika.

  5. dad ku dhintay madaafiic lagu garaacay Baraawe xilli doorasho ka socotay

    Doorasho
    Qoraalka sawirka, Doorasho

    Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen hoobiyayaasha ku soo dhacay gudaha Baraawe, 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay maamulka magaalada.

    Ilaa 7 xildhibaan ayaa maanta lagu doortay Baraawe, inkastoo madaafiicdaasi ay ku dhaceen.

  6. Khilaaf hareeray xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Xisbiga talada haya ee dowlad deegaanka Soomaalida ee waddanka Itoobiya ayaa wajahaya khilaaf hor leh kaddib markii xubno ka tirsan siyaasiyiintooda ay ku dhawaaqeen garab magac cusub la baxay.

    BBC-da ayaa labada dhinacba la hadashay.

  7. Maxay ka dhigan tahay tallaabada uu shaaciyay Maraykanka ee ka dhanka ah siyaasiyiin Soomaali ah?

    Maraykanka ayaa shaaciyay inuu xayiraad dhanka dal ku galka ah saari doono mas'uuliyiin hore iyo kuwo hadda ka taliya Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inay wiiqayaan dimuqraadiyadda dalka.

    Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in tallaabadan ay ku beegsan doonaan kuwa dhibaateeya dibedbaxayaasha, sida sharciga ka baxsan u beegsada weriyayaasha iyo xubnaha mucaaradka, iyo dadka dhabaha ka leexiya hannaanka doorashada.

    Hadaba waxa ay ka dhigan tahay tallaabadan uu shaaciyay Maraykanka ayaa waxaan ka waraysannay Axmed Ciise Cawad, wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya. Xasan Cali Geelle ayuu u warramay.

    Qoraalka Codka, .
  8. Shiinaha oo ka jawaabay booqashada wefdiga Somaliland ee Taiwan

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian, ayaa ka jawaabay "booqashada" wefdi ka socda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ay maalintii labaad ku jooganTaiwan, halkaas oo la filayo inay ku kala saxiixdeen heshiisyo horleh.

    Zhao Lijian ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yirahdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Zhao Lijian waxa uu sheegay in Taiwan ay "isku dayday in ay raadiso gooni-u-goosad balse ay sidoo kale hurinayso olol si ay u wiiqdo madaxbannaanida iyo midnimada dalalka kale mabda'a in hal dal oo shiinaha ah uu jiro, waa xeer ka mid ah xiriirka caalamiga ah."

    Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin, .

    Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn.

    Taiwan ayaa dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka iyadoo Shiinuhuna uu ugaarsanayo xulafadeeda dublamaasiyadeed.

    Labadan dal ayaa isku doortay hadafkooda inay noqdaan dalal madax bannaan.

    Sannadkii 2020-kii ayay samaysteen xiriir xooggan oo horseeday inay safaaro is dhaafsadaan taas oo ay Shiinaha iyo Soomaaliyaba ka caroodeen.

    Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa waxa uu maanta xiriirka Taiwan ku tilmaamay “xiriir gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya”

  9. Maxaad kala socota dheymanka 'hawada sare ka soo dhacay' ee qaaliga ah lagu iibinayo?

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dheemman madow oo bilyan sano jira, oo la rumeysan yahay inuu yahay dheemanka ugu weyn caalamka , ayaa waxaa socda qorsho lagu xaraashayo. Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku saabsan asalka halka uu ka yimid dhagaxa, oo lagu magacaabo The Enigma.

    Dhagaxan ayaa loo arkaa inuu aad ugu culus yahay dheemanka, oo miisaankiisu la mid yahay mooska.

    Dhagaxa ayaa la wadaa in lagu iibiyo qiimo dhan $6 milyan oo doolar islamarkana waxaa lagu xaraashayaan suuqa xaraashka ee Sotheby ee London marka la soo xiro dalabka online-ka todobaadka soo socda.

    Dhagaxu waa nooca loo yaqaano carbonado, mid ka mid ah noocyada ugu adag ee dheemanka dabiiciga ah.

    Dheemanka madow inta badan waxa uu jiraa ilaa 2.6 ilaa 3.2 bilyan sano. Dhulkaqudhiisa waxa uu jiraa ilaa 4.65 bilyan oo sano, sidaa awgeed aad ugama da'weyna dheemanka madow.

    Dheymanka nooca Carbonados ayaa aad bey naadir tahay waxaana kaliya laga helay Brazil iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

    Wuxuu dheymanka noocan ah ka kooban yihiin noocyada osbornite, macdanta meteors, waxaa la aaminsan yahay inay ka ay ka yimaadeen hawada sare, balse asalkooda saxda ah waa mid qarsoon.

    Aragtida kala duwan ayaa ah in laga yaabo in dheemanka madow uu ku sameysmay hawada sare ka hor inta uusan dhulka ku soo dhicin.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  10. Xiisad xijaabka la xirriirta oo ka taagan dalka Hindiya

    .

    Xigashada Sawirka, UMESH MARPALLY

    Xiisad ayaa wali ka taagan dalka Hindiya gaar ahaan gobalka Karnataka halkaa oo laga cabsi qabo in rabshaduhu ku faafaan.

    Haweenka Muslimiinta ah ayaa sheeegay in aan loo oggaleyn inay tagaan fasallada sababo la xiriira xijaabka ay xiranyihiin Waxay sheegeen in xirashada xijaabku uu yahay wax ay farayso diintooda islaamka.

    Dowladdu waxay dhankeeda ku adkaysanysaa in la raaco xeeerarka xirashada dharka ee iskuullada dalkaa u yaalla.

    Maxkamadda sare ayaa ka baaraan dagaysa dalabyo uga uga imaanaya aradayada ee ah caqabadaha ay kala kulmayaan xirashada xijaabka.

    Xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku andacoonaya in siyaasadaha Xisbiga haya talada dalkaas ee BJP ay yihiin kuwo takooraysa dadka laga tirada badan yahay gaarahaanna dhanka diimaha arrintaa oo muaqata mid siii kala fogeyn karta buslahada Dowladda ayaase diidaday eedaha loo soo jeediayay ee ah in Muslimiinta ay ku hayso cabburin.

    Dadka arrimahaan dhaleeceya ayaa sheegaya in hadallada Muslim naceybka ah ay caadi ka noqdeen dalka Hindiya isla markaana aysan muuqaan tallaabooyin dowladdu ay arrimahaa hadda iyo musqabalkaba waxa uga qabanayso

  11. Madaafiic lagu weeraray Baraawe xilli ay halkaas ka socoto doorasho,

    Warrarka laga helayo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in tiro hoobiyayaal ah lagu weeraray xaafado ka tirsan magaalada, xili ay halkaasi ka bilaabatay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka sida laga soo xigtay dad ku sugan Baraawe.

    Hoobbiyayaasha oo ku dhacay xaafaddo u dhaw halka doorashadu ka dhacayso, ayaa la soo weriyay inay dhaliyeen dhimashada ugu yaraantii labo qof iyo dhaawaca lix kale, sida uu BBC-da u sheegay qof goobjooge ah.

    Isgaarsiinta magaalada ayaa la damiyay taasoo adkeysay in xog faahfaahsan laga helo weerarka hoobiyayaasha ah ee maanta lagu qaaday magaalada Baraawe.

    Illaa shan xildhibaan ayaa illaa hadda la doortay iyadoo qorshuhu ahaa in maanta la doorto todobo xildhibaan.

    Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka Baraawe ka dhacay, sidoo kale nooma suurtagalin inaan helno maamulka magaalada si aan xog badan uga helno kahsaaraha magaaladaas ka dhacay sababo la xiriira taleefanadda magaalada oo aan shaqaynaynin.

  12. Daawo: Gabadha ku dhawaaqaysa takbiirta ee uu muuqaalkeeda qabsaday baraha bulshada

    .

    Xigashada Sawirka, social media

    Dooda ku saabsan xirashada xijaabka ayaa dalka Hindiya ka sii xoogeysanaysa kadib markii muuqaalka gabadh ardayad ah oo ku dhawaaqaysa Takbiirta uu ku baahay baraha bulshada.

    Muqaalka, ardayad xijaaban oo u socotay fasalkii ay ka dhiganeysay kulliyadda waxbarashada ee degmada Mandya ayaa waxa hor istaagay dad badan oo halkaas ku sugnaa oo ay u badnaayeen rag loo malaynayay inay ka falcelinayeen Xijaabkii ay xirnayd.

    Ardayadaan ayaa isku dayday inay jawaab falcelin ah siiso dadkii isugu soo baxay halkaas iyada ku dhawaaqaysa Allaahu Akbar.

    Dood ku saabsan xijaabka ayaa kala qaybisay kulliyad haweenka ee gobolka Karnataka ee koonfurta Hindiya iyo gabdho Muslimiin ah wax ka barta.

    Lix gabdhood oo dhallinyaro ah oo wax ka baranayay kulliyad ay dowladdu maamusho oo u dhiganta dugsi sare ayaa ku eedeeyay in toddobaadyo laga joojiyay fasallada, sababtoo ah waxay ku adkaysteen inay xirtaan xijaabka.

    Ka bood YouTube boggan
    Oggolow Google YouTube macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan YouTube Waxaa laga yaabaa inay ku jirta xayasiis

    Dhammaadka YouTube boggan

    Ka bood X boggan, 1
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 1

    Ka bood X boggan, 2
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 2

  13. Dariiqooyinka fudud ee ay Budhacada internetka ku jabsadaan ciwaanada

    Wax ka ogow dariiqooyinka fudud ee ay Budhacada internetka ee Hackersku u jabsadaan bogaga iyo ciwaanada dadka iyo sida looga hortagi karo.

    Khadar Haji Abdilahi ayaa inoosoo koobaya.

  14. Halka dalab ee ku saabsan shidaalka ee ay Somaliland hordhigtay madaxweynaha Taiwan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    "Somaliland waxay leedahay "maal-gashi weyn" oo ay ku samaynayso kaydka shidaalka iyo gaaska aan weli laga faa'iidaysan," wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sidaasi u sheegay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, isagoo soo bandhigay fursado maalgashi oo booqasho heer sare ah ku timid, sida lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters

    "Dhinaca macdanta Somaliland waxa ay leedahay maalgashi aad u weyn oo ay ka mid yihiin kaydka, Saliida iyo Gaaska iyo sidoo kale dhuxusha oo si fudud loo sahamin karo,” ayuu yiri.

    "Booqashadan taariikhiga ah waxay astaan ​​muhiim ah u tahay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labadeena dal," ayuu yiri mar uu la kulmayay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

    Taiwan ayaa dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka iyadoo Shiinuhuna uu ugaarsanayo xulafadeeda dublamaasiyadeed.

    Taiwan ayaa roog cas u fidisay Somaliland oo ah saaxiib cusub oo ay isku mowqif yihiin, .

    Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn.

    Labadan dal ayaa isku doortay hadafkooda inay noqdaan dalal madax bannaan.

    Sannadkii 2020-kii ayay samaysteen xiriir xooggan oo horseeday inay safaaro is dhaafsadaan taas oo ay Shiinaha iyo Soomaaliyaba ka caroodeen.

    Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa waxa uu maanta xiriirka Taiwan ku tilmaamay “xiriir gaar ah oo taariikhi ah oo u dhexeeya labada waddan ee dimuqraadiyadda Afrika iyo Aasiya”

    Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya ka dib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii. In kasta oo tallabadaasi ay tahay mid aan beesha caalamku aqoonsanayn, haddana waxa ay sameeyeen hormar la taaban karo oo dhanka dimuqraadiyadda iyo xasiloonida ah gaar ahaan marka loo barbardhigo Soomaaliya.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  15. Baraawe oo maanta lagu wado inay ka bilaabato doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka

    .

    Magaalada Baraawe halkaas oo maanta ay ka bilaaban doonto doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaankaas loo asteeyay, iyadoo magaaladaasna ay noqonayso deegaan doorashada labaad ee ugu horraysay ee xildhibaanno lagu doorto.

    Hore waxaa u jiray walaac laga qabay suuragalnimada in doorashada Golaha Shacabka ay ka dhacdo laba deegaan doorasho ee maamul goboleedkasta uu u asteeyay, haataanse taasi waxa ay muuqataa in laga gudbay.

  16. Door intee la'eg ayuu nabadoonkii la dilay ku lahaa heshiiskii shalay lala galay Guudlaawe ee Beledweyne?

    Waxaa lagu wadaa in goordhaw magaalada Baledweyne lagu aaso Allaha u naxariistee nabadoon Cabdi Xuseen Colow oo ka mid ahaa odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, kaas oo xalay fiidkii ay dablay hubaysan ku dileen magaaladaasi.

    Ma jirto cid loo soo qabtay dilka nabadoonkaasi ku jiray odayaashii madaxweynaha Hirshabelle shalay heeshiiska la gaaray.

    Heshiiskaas oo ka koobnaa afar qodob oo ay la yimaadeen odayaasha, madaxweynaha Hirshabeellana uu sidooda ku aqbalay.

    Haddaba nabadoon Cilmi Hagar Guure, waxa uu ka mid yahay nabadoonnada ugu waa wayn Hiiraan, waxa ay muddo saddex sanadood ah si dhaw u wadashaqayn jireen nabadoon Cabdi Xuseen-ka xalay lagu dilay magaalada Baledweyne.

    Qoraalka Codka, .
  17. Assalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali maanta oo Arbaca ah. Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada Soomaalida iyo calaamka intiisa kalaba.

    Tebinta tooska ahayd ee shalay halkan kaga bogo Heshiis laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Gobolka Hiiraan