Heshiis laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Gobolka Hiiraan

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Sadio Mane "Waa maalintii noolasheyda iigu wanaagsaneyd iyo koobki noolasheyda ugu wacnaa,"

    Senegal

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Qoraalka sawirka, Senegal

    Sadio Mane wuxuu sheegay dalkiisa hooyo ee Senegal inuu marki ugu horreysay uu hanto Koobka kubadda cagta ee Qaramada Afrika ay uga dhigan tahay inti uu kubadda ciyaarayey howshi ugu muhiimsaneed ee u qabsoontay

    .

    Xiddiggan wuxuu shabaqa uu ku hubsaday rigooraha guusha u horseeday dalkiisa uu ka dhaliyey Masar, isaga oo qaybti hore ee ciyaarta laga diiday rigoore iyada oo marki dambana ay ciyaarti Axadda oo wakhti dheeri ah lagu daray ay ku dhammaatay 0-0.

    Dalka Senegal ee Galbeedka Afrika ku yaalla waxay ku guul darreysteen laba koob oo kubadda cagta ah, iyada oo seddex sano ka hor ay Algeria isku soo hareen ugu dambeyntina 1-0 looga guuleystay.

    "Waa maalintii noolasheyda iigu wanaagsaneyd iyo koobki noolasheyda ugu wacnaa," ayuu yiri 29 jirkan Liverpool difaaca uga ciyaara.

  2. Nin xaaskiisa ka xanaaqay oo toddobaad socod isaga jiray

    XANAAD

    Xigashada Sawirka, ODDITYCENTRAL

    Qoraalka sawirka, XANAAQ

    Nin u dhashay dalka Talyaaniga ayaa socod u baxay si uu u soo caro burburo ka dib markii ay si aad ah u murmeen xaaskiisaayaa la helay isagoo safraya 420 kiilomitir kana fogaaday gurigiisawuxuuna socday toddobaad dhan

    Ninkan oo 48 jir ah ayaa ka soo jeeda magaalada Como eeku taalla woqooyiga Milan , waxaana la sheegay in ay aad u murmeen xaaskiisa maalin , xilli bishii hore ku began ka dbna isagoo careysan ayuu guriga isaga soo tagay si uu carada isaga bi’io oo uu in yar u soo socdo

    Caradii baa qaaday wuuna joogsan waayey sidii uuisula hadlayey wuxuuna iska socday hal toddobaad waxaana

  3. , SAN -XIR HADDII LA SOO SAARAY WEJI-XIR SIDEE LAGA YEELAYAA

    san xir

    Xigashada Sawirka, World news platform

    Qoraalka sawirka, san xir

    Nooc cusub oo af xir ah (Facemask ) ayaa laga soo saaray dalka Koofurta Kuuriya wuxuuna daboolayaa sanka oo keliya – arrintan ayaa in badan soo jiidatay dareenka saxaafadda reer Galbeedka .

    Afxirkan ama san xirkan waxaa lagu magacaaabaa KOSK oo ah laba eray oola isku daray oo afka kuuriya ku ah SAN iyo XIR oo isku noqonaya san-xir.

    Weji xirkan aan caadiga aheyn waxaa soo saaray shirkad kuuriyaan ah wuxuuna ka kooban yahay labo qeyb iyadoo kan afka la iska furi karo halka haddii la rabanna kan sanka keliiis la isticmaali karo .

    San xirka waxaa la isticmaali karaa marka cunto la cunayo si looga badbaado Covid . Hadal heynta arrintan ayaa kicisay muran ka dhashay dalalka reer galbeedka iyagoo sheegaya in san xirka uu yahay wax aan macno badan sameyneyn

    Si kastaba ha ahaatee darraasad ayaa sheegeysa in sanka uu yahay jidka keliya uu corona virus ka gali karo jirka bini’aadamka , qaar ka tirssan khubarada caafimaadkuna waxay rumeysan yihiin in sanxirkan ay ka wanaagsan yihiin weji-xiryada haatan la isticmaalo

  4. GABDHAHA INDIA EE MUSLIMKA AH OO U DAGAALAMAYA XIJAABKA IN AY XIRTAAN

    xijaab
    Qoraalka sawirka, xijaab

    Maxkamad sare oo ku taalla gobolka koofureed ee dalka Indiya ee karanataka ayaa dhageysanaysa labo codsi ooku guubaabiniya in ay tahay in gabdhaha xijaaban loo oggolaado in ay dugsiyada wax ku baran karaan.

    Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib toddobaadyo ay bannaanbaxyo socdeen oo ay lix gabdhood oo arday ah ay ka dhigayeen jaamacad ay dowladdu maamusho oo u dhiganta dugsi sare .

    Gabdhaha ayaa loo diiday in ay galaan fasalada jaamacadaas ka dib markii maamulayaasha jaamacadda ay sheegeen in fasalada aysan gabdhuhu ku qaadan karin gudaha fasalada laakiin bannanka jaamacadda ay ku qaadan karaan .

    Arrintan waxay caro ku dhalisay dadka tirade yar ee muslimiinta ah ee ku nool dalka Hindiyaoo sheegaya in dastuurka dalkaas uu dammaanad qaadayo xorriyadda in ay xirtaan waxa ay doonayaan

  5. Maxaa ka jira in Isticmaalka kiniinka ay Qatar kutahay dadka qaba dhiig karka

    pARACITAMOL
    Qoraalka sawirka, pARACITAMOL

    Isticmaalka dawadan waxay keeni kartaa qatarta cudurada wadnaha iyo faalik , sida ay caddesay daraasad lagu sameeyey 110 qof.

    Waqti dheer haddii la isticmaalo Paracetamol waxay tani kordhin kartaa qatarta cudurada wadnaha iyo faaliga marka la eego dadka qaba dhiigkarka.

    Bukaanada mudada dheer loo qorayey kaniinada xanuun dilayaasha , waa in ay inta ugu yar ka qaataan weliba waqtiga ugu yar , taas oo yareyn karta qatartiisa .

    Waxaa hore loogu heystay paracetamol in uu yahay kan ugu ammaansan noocyada dawooyinka ee xanuun dilayaasha iyo kuwa hurka iyo halcanka ka hortaga kuwaas ooh ore loogu yaqaanay in ay kordhiyaan cadaadiska dhiigga

    110 qof oo qaba dhiigkarka ayaa loo qoray Paracitamol afar mar in ay cuanaan maalintii .

    Dadkii sidaas loogu qoray ee qaatay waxaa si aad ah u kordhay cadaadiska dhiigga marka la eego kuwo kale oo aan loo qorin .

    Daraasadda ayaa lgu ogaaday in dadku markii ay joojiyeen qaadashada dawada in dhiiggooda uu sidii caadiga ahyed ku soo laabtay.

    Waxaa lagu qiyaasay dalaka Ingiriiska mid ka mid ah saddexdii qof ee qaangaar ah ay qabaan dhiigkar iyadoo da’da kordheysa ay keentay mid ka mid ah tobankii qof eek u nool Scotland ooahyed halka daraasadda lagu qabtay in dadku si caadi ah oo joogto ah u qaataan Paracitamol.

  6. Heshiis laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Gobolka Hiiraan

    .

    Xigashada Sawirka, XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

    Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar, ayaa maanta kulan ballaaran la qaatay oday dhaqameedyada iyo waxgaradka beesha xawaadle ee tabashada ka qabay maamulka Hirshabeelle, sida lagu sheegay qoraal lagu shaaciyay bogga xafiiska warfaafinta madaxtooyada Hirshabelle.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiis rasmi ah laga gaaray tabashadii ay ka qabeen maamulka, iyaga oo ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka.

    Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u mahadceliyay odayaasha uuna aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen beesha.

    .

    Xigashada Sawirka, XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

    .

    Xigashada Sawirka, XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

  7. Qaramada Midoobay oo shaacisay xog ku saabsan willka Usama Bin Laden

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Warbixintii ugu dambeysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada dowladda Islaamiga ah iyo Al-Qaacida iyo xulafadooda, oo si rasmi ah loo shaaciyay toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in Talibaan aysan sameynin wax xaddidaya dhaqdhaqaaqyada argagixisada shisheeye.

    Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in wiilka Usama Bin Ladin oo lagu magacaabo Cabdullaahu uu booqday Afgaanistaan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, si uu kulan ula yeesho Talibaan.

    Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Qaacida ay sii wadayso " istiraatiijiyaddeeda" ka dib markii ay ugu hambalyeysay Taaliban guushii ay gaartay Ogosto 31-dii ee sannadkii hore, oo sida muuqata "aanay wax u dhimin dadaallada Taaliban ee ay ku dooneyso aqoonsi iyo sharci caalami ah".

    Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in “warbixinada noocaan oo kale ah, oo aan laheyn wax cadeyn ah, aan laheyn dukumiinti iyo cinwaano, waan diidaynaa, warkaasina ma ahan mid dani ugu jirto Afgaanistaan ​​iyo Caalamka midna."

  8. Macron oo booqasho ku jooga Ukraine xilli laga cabsi qabo duulaanka Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Faransiiska ayaa maanta booqasho ku jooga dalka Ukraine, waxa uuna noqonayaa hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee reer galbeed ah oo taageero u muujiyo xukuumadda Kyiev.

    Kulanka Emmanuel Macron uu la yeelanayo dhiggiisa dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto cabsi ah in Ruushku uu qorsheynayo in uu weeraro dalka deriska la ah ee Ukraine.

    Dhanka kale, wasaaradda gaashaan-dhigga Ruushka ayaa xaqiijisay in lix markab oo kuwa ay diyaaradaha xambaara ah ay badda Black Sea ka soo galayaan dhanka badda Mediterranean-ka.

    Isniintii shalayto ahayd ayaa madaxweyne Macron waxa uu magaalada Moscow kulan muddo shan saacadood ah socday kula qaatay dhigiisa Ruushka, waxaana shir jaraa’id oo ay wada qabteen uu madaxweyne Putin ku sheegay in hindisa arrimaha amniga ee Yurub ee uu soo bandhigay Macron ay yihiin kuwa macquul ah oo mustaqbalka wax ku ool noqon karaya.

  9. Dowladda Soomaaliya oo maanta guddoontay gargaar uga yimid Imaaraadka Carabta

    .

    Xigashada Sawirka, OPM

    Diyaarad sidday gargaar raashinka ah ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiisay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

    Maxamed Alkacbi oo ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in gargaarkani uu qeyb ka yahay caawimaadda ay dowladda Imaaraadku ka geysaneyso gurmadka walaalaha Soomaaliyeed ee abaarta la ildaran, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaraaha Soomaaliya.

    Gargaarka Imaaratka ayaa imaanaya xilli Qaramada Midobay ayaa sheegtay in malaayiin qof ay cunto la’aan ku soo wajahayso dalka Soomaaliya sababo la xiriira abaaraha.

    .

    Xigashada Sawirka, OPM

  10. Qarama Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda abaarta Geeska Afrika

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in 13 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay soo food saartay gaajo daran, taasi oo ay sababta abaaraha ba'an ee ka jira deegaanka.

    In kabadan 10 milyan oo qof oo ku nool dallalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa wajahaya Gaajo daran, xili gobolka Geeska Afrika laga diiwaan galiyay roob la’aantii ugu darnayd tan 1981.

    Soomaaliya oo kaliya dad ka badan 5 milyan oo qof ayay saameeyeen abaarraha ku dhuftay, waxana laga dayrinyaa xaaladda dadka ku barakacay waxyeelada ay geysatay.

    Hay’addani Q.M ayaa dalbaneysa 327 milyan oo doolar, si gacan uga geysato ka hortagga xaalad bani’aadanimo oo ka dhacda gobolka. Gargaar degdeg ah haddii aan la helin, hay'adda WFP waxay ka digtay in dhibaato bini'aadantinimo ay lama huraan noqon doonto.

  11. Waa reer magaal, waa dumar, waana naafo, haddane kadin geel ah ayay ku dhaqataa duleedka Burco

  12. Daawo: sida uu u dhacay aaska Rayan ee ay geeridiisa gilgishay quluubta dad badan

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo: sida uu u dhacay aaska Rayan ee ay geeridiisa gilgishay quluubta dad badan

    Boqolaal qof oo reer Morocco ah ayaa isugu soo baxay si ay uga qaybgalaan aaska Rayaan oo ahaa wiilka shan jirka ah oo dhintay ka dib markii uu ku go'doonsanaa ceel muddo afar maalmood ah.

    Rayan Oram wuxuu ku dhacay ceel 32m (104ft) ah 1-dii Febraayo, taasoo keentay dadaallo dadaal badan oo lagu samata bixin lahaa.

    Dadaalka samatabbixinta ayaa soo jiidatay indhaha warbaahinta adduunka oo dhan. Boqolaal dadweyne ah ayaa ka soo qeyb galay aaskiisa oo Isniintii ka dhacay tuulada uu ka soo jeedo oo ay masiibada ka dhacday.

  13. Itoobiya: Koox fallaaga ah oo lagu eedeeyay dilka 160 qof

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay koox fallaago ah inay dileen in ka badan 160 qof oo rayid ah islamarkaana 87 meyd ay ku aaseen xabaal wadareedyo ku yaalla galbeedka gobolka.

    Ciidamada Xoraynta Oromada (OLA) oo inta badan ay dawladu ku eedayso inay ka dambeeyaan dilalka loo geysanayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka ayaan ka jawaabin eedaymahan u dambeeyay.

    Ururka ayaa horey u beeniyay inay weerareen dad rayid ah. Sida uu sheegay guddomiyaha deegaanka galbeedka Oromia, Ibsa Basha, ayaa sheegay in meydadka laga helay degmada Gidami kadib markii ciidamada dowladdu ay jabhadda ka saareen deegaannadii ay maamulayeen.

    OLA, oo sanadkii hore isbahaysi la samaysatay ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira maamulka Raysal wasaare Abiy Axmed, ayaa ka hawlgala galbeedka iyo koonfurta Gooblka Oromiiya halkaas oo dhawaanahan dhacayeen isku hor imaadyo dhexmarayay ciidamada dawladda iyo fallaagada.

    Weerarada ay dowladdu ku qaadday kooxdan ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Warbixinta dilka lagu eedeeyay kooxda ayaa dhalisay caro dadweyne oo dhanka baraha bulshada ah.

  14. Maxay ka cabanayaan darawallada gawaarida xamuulka ee dibad baxa ka wada Canada?

    Darawallada gawaarida xamuulka qaada ee magaalada Ottawa ee waddanka Canada ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dibadbaxyada, walow xaalad degdeg ah la soo rogay, xilli caro iyo niyadjab ay ka muuqato dadka rayidka ah.

    In ka badan todobaad ayaa waxaa magaalada caasimadda ah curyaamiyay dibadbaxyo loogaga soo horjeedo tallaalka qasabka ah, iyadoo dibadbaxyaduna ay horseedeen in ganacsiyadii ay xirmaan, noloshii caadiga aheydna ay socon wayso.

    Subaxii Isniinta ayaa qaar ka mid ah dadka dibadbaxayay waxa ay BBCda u sheegeen in aanay halkaasi dhaafi doonin illaa dalaabkooda laga meelmarinayo.

    Kumannaan dibadbaxayaal ah iyo boqollaal darawallada gawaarida xamuulka qaada ayaa isugu soo baxay caasimadda Canada, waxaana mulkiilayaasha gawaarida xamuulka qaada ee u kala goosha gudaha Canada, Mareykanka iyo Mexico ka mid ah Fu'aad Shire, oo u warramay weriye Duraan Xasan-yare.

    Qoraalka Codka, .
  15. Shah Rukh Khan oo loo haysto haweenay caan ahayd oo dhimatay oo uu Quran ku tufay

    .

    Xigashada Sawirka, Twitter

    Fanaanada Bollywoodka Lata Mangeshkar, ayaa aaskeeda waxa lagu qabtay beerta Shivaji ee magaalada Mumbai 6-dii Febraayo 2022.

    Aaska ayaa waxaa ka soo qeyb galay jilaayaal badan oo caan ah oo uu ku jiro jilaaga weyn ee Bollywood Shah Rukh Khan. Fanaaniinta iyo jilayaasha ka soo ka qaybgalay aaska ayaa isugu jiray Masixiiyiin, Hindu iyo Muslimiin kuwaas oo u ducaynayay haweenayda dhimatay.

    Markii la gaaray xilligii uu Shahrukh Khan u ducayn lahaa maydka Lata Mangeshkar, waxa uu ku aqriyay duco oo uu ku dul afuufay jirkeeda.

    Balse jilaaga ayaa isla markiiba ficilkiisa waxaa loo badelay inuu aflaagdaynayo ama u gafayo fanaannada geeriyootay taasi oo hadallo badan oo Islaam nacayb ah ka abuurtay baraha bulshada.

    Dadkaasi ayaa ku andacoonaya in Shahrukh Khan uu si dhab ah ugu tufay jirkeeda canduf ayna xushmad darro ku tahay Lata Mangeshkar.

    Muslimiin badan oo isticmaala baraha bulshadaah ayaa taageero weyn u muujiyay jilaaga iyagoo sheegaya in qofka lagu tufo ay tahay wax caadi ah marka la eego dhanka diinta Islaamka.

    "Islaam nacaybka sii kordhaya ayaan xitaa ka tagin jilaaga caanka ah ee Bollywoodka inuu si cad ugu dhaqmo diintiisa." ayuu yiri mid ka mid ah dadkii jilaaga taageerayay.

    Ka bood X boggan, 1
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 1

    Ka bood X boggan, 2
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 2

    Ka bood X boggan, 3
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 3

  16. Assalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali maanta oo Talaada ah. Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada Soomaalida iyo calaamka intiisa kalaba.