Donald Trump oo noqday madaxweynaha 45 ee Mareykanka

Donald Trump ayaa maanta la caleema saaray. Halkan kala eeg sida ay u dhacday dhaarinta Donald Trump.

Tebin toos ah

  1. Intaas ayaan ku joojinay tebintii tooska ahayd!

    Waadna ku mahadsantihiin la socoshadiina meel kastoo aad dunida ka joogtaan.

  2. Taageerayaal Trump oo "ku dhintay" Nigeria

    Booliska Nigeria ayaa gaas u adeegsaday dibad baxayaal si ay u kala ceyriyaan.

    Dibad baxayaasha ayaa taageeraayay Donald Trump, sida wararka ay sheegayaan.

    Koox ka mid ah dibad baxayaasha waxay sheegayaan in 11 qof ay rabshada ku dhinteen, balse booliska ayaa beeniyay.

    Dibad baxa waxaa qaban qaabiyay koox dooneysa in Trump uu aqoonsado madaxbannaanida Biafran ee qowmiyadda Igbo.

    Dibax baxayaasha

    Xigashada Sawirka, Nwokoleme Samue

    Qoraalka sawirka, Dibax baxayaasha
  3. Dibad baxayaal lagu xiray Washington DC

    Sarkaal ka mid ah Booliska Washington DC ayaa BBC-da u sheegay in 95 qof oo dibad baxayaal ah lagu xiray magaalada.

    Laba askeri ayaa ku dhaawacantay dibad baxyada oo ay sameynayaan dad diidan madaxtinimada Trump.

  4. Dibax baxyada oo gaaray Washington

    Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegay in magaalada Washington uu ka socdo dibad bax ka dhan ah madaxtinimada Trump. 

  5. Dibad baxyo ka dhan ah Trump

    Meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah ayaa laga soo sheegayaa dibad baxyo ka dhan ah Trump.

    Mareykanka Gudihiisa ayaa sidoo kale dibad baxyo ay ka socdaan.

  6. Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK oo u hambalyeeyay Trump

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, Boris Johnson ayaa madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ugu hambalyeeyay xilka uu la wareegay, wuxuu sheegay in Britain ay kala shaqayn doonto ammaanka iyo horumarka caalamka.

    UK

    Xigashada Sawirka, AFP

  7. Sawirada labada madaxweyne laga wada qaaday

    Trump iyo Obama

    Way kaftamayaan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Way kaftamayaan
    Trump oo isu doiyaarinaya shaqada

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump oo isu doiyaarinaya shaqada
    Heesta Qaranka oo ay qaadayaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Heesta Qaranka oo ay qaadayaan
    Obama iyo Trump iyo xaasaskooda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Obama iyo Trump iyo xaasaskooda
    Ayagoo is macsalaameynaaya

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ayagoo is macsalaameynaaya
  8. Is barbardhig xilligii Obama iyo Trump

    Xilligii la dhaarinayay Obama ee 2009-kii ayaa ka dad badneyd maanta oo Trump loo dhaariyay xilka madaxweynaha Mareykanka. 

    Isbarbardhig
    Qoraalka sawirka, Isbarbardhig
  9. DAAWO: Trump iyo reerkiisa oo aqalka cad ku damaashaadaaya

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo reerkiisa oo dhex fadhiya kuraastii ay Obama iyo reerkiisa ay ku fariishan jireen. 

  10. Obama oo u mahadceliyay taageerayaashiisa

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa yiri: "Markaan bilownay safarkan, waxaan sidaas ku sameynay isku kalsoonaan ka timi shacabka Mareykanka iyo awoodooda, si aan gacmaha isu qabsano oo dalkan aan u badalno."

    Waan ognahay "is bedelka kama yimaado kor ee hoos ayuu ka bilowdaa".

  11. Daawo: Trump oo Aqalka Cad ka macsalaameeyay Obama

  12. Obamow Macsalaama!

    Obama iyo xaaskiisa ayaa raacay diyaaarad milatari oo geysay Andrews Air Force Base.

     Diyaarad kale ayay ka sii raaci doonaan iyagoo damaashaad iyo dalxiis u aadi doono gobolka California.

    Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden iyo xaaskiisa ayaa waxay raaci doonaan tareen u soo qaadi doona gobolka ay ka soso jeedaan ee Delaware.

    Obama oo ka tagay Washington
    Qoraalka sawirka, Obama oo ka tagay Washington
  13. Malaayiin qof oo daawaneysay dhaarinta Trump

    Malaayiin qof ayaa daafaha caalamka ka daawanayay xafladda Trump uu kula wareegay xilka madaxweynaha ee Mareykanka.

    Daawadayaal Ruushka ku sugan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Daawadayaal Ruushka ku sugan
    Dad ka daawanayay Albaniya

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Dad ka daawanayay Albaniya
  14. Trump oo loo sabciyay markii uu "xagjir" isticmaalay

    Trump inuu soo qaado " argagixisada muslimka xagjirka ah" waxay noqotay mid loo sabciyay oo daawadayaasha ay soo dhaweeyeen. 

    Madaxweynaha cusub ayaa Obama ku eedeeyay inuu ka fogaaday isticmaalka ereyadaas.

    Obama ayaa diiday inuu in ka badan hal biyan oo qof oo Muslimiin ah oo daafaha caalamka ku nool uu la mid dhigo tiro yar oo "mintidiin" uu ku sheegay.

    Trump iyo ku xigeenkiisa
    Qoraalka sawirka, Trump iyo ku xigeenkiisa
  15. Sawir: Markii la dhaarinayay Trump

    Sawirka madaxweynaha cusub markii la dhaarinayay. Waxaa barbar taagan xaaskiisa Melania iyo wiilkiisa Barron.

    Trump

    Xigashada Sawirka, reuters

  16. Daawo: Dhaarinta Trump sida ay u dhacday

    Donald Trump hadda waxaa gacanta ugu jiro lambarka sirta ee hubka nukliyerka iyo go'aanka dalkaasi.

  17. Obama iyo reerkiisa oo guuray

    Madaxweynihii hore Obama iyo reerkiisa ayaa si rasmi ah uga wada guuray aqalka cad. 

    Donald Trump iyo qoyskiisa ayaa la wareegay xafiiska Mareykanka looga arrimiyo. 

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump
  18. Obama: 'Shaqo wanaagsan, shaqo wanaagsan'

    "Dhageyso ereyadan. mar dambe laguma diidi doono." ayuu yiri Trump.

    "Si wada jir ah ayaan Mareykanka mar kale uga dhigi kartaa barwaaqo".

    "Mareykan waxaan markale ka dhigi kartaa wadan isla weyn".

    "Haa, Mareykale Mareykan waxaa ka wada dhigi karnaa wada weyn".

    Obama waxaa la arkay asigoo dhahaya "Shaqo wanaagsan, shaqo wanaagsan".

  19. "Waligiin midnimada raadiya"

    "ma jiri doonto wax aad ka cabsataan," ayuu yiri ka hor inta uusan amaanin laamaha ammaanka.

    "Wax walbe waxaa ka muhiimsan Illaahay ayaa ina ilaalin doona" ayuu u sheegay dadkii xafladda joogay.