You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Maxay yihiin shuruudaha uu Trump u bandhigay Iran si uusan u weerarin?

Ku soo dhawaada tebinteena tooska

Tebin toos ah

  1. Gabadh lagu eedeeyay inay sameysay "fal ka baxsans Shareeca Islaamka" oo ciqaab adag la mariyay

    Lammaane ku nool dalka Indonesia ayaa lagu dhuftay 140 jeedal kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira galmo ka baxsan guurka iyo cabbid khamri, kuwaas oo lagu sheegay inay jebinayaan shareecada Islaamka.

    Haweeneyda oo 21 jir ah ayaa miyir beeshay kaddib markii la garaacay oo ay mas’uuliyiintu sheegeen inay tahay tiro ay tahay in lagu dhufto.

    Saddex askari oo dumar ah ayaa si is-daba-joog ah ugu garaacay ul ka samaysan qoryo jilicsan, iyadoo aad u qaaylinaysa.

    in shaabug lagu garaaco qofka waa ciqaab caadi ah oo lagu fuliyo dadka jebiya shareecada Islaamka ee gobolka Aceh oo ah mid diimeed, inkastoo habkan muddo dheer uu dhaleeceyn kala kulmay ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ku tilmaama mid arxan-daran.

  2. Trump oo mar kale u hanjabay dalka Canada

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Truth Social ku yiri:“Canada si khaldan, sharci-darro ah, isla markaana si joogto ah ayay u diidday inay ansixiso diyaaradaha Gulfstream 500, 600, 700, iyo 800.

    Trump ayaa sidoo kale yiri: "Diyaaradahan waxay ka mid yihiin kuwa ugu casrisan uguna horumarsan dhinaca tiknoolajiyadda ee abid la dhiso, Sidaas darteed, waxaan ka laabanaynaa ansixinta diyaaradaha Bombardier Global Express iyo dhammaan diyaaradaha lagu sameeyo Kanada.”

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:“Tani way sii socon doontaa ilaa Gulfstream, oo ah shirkad Mareykan ah oo weyn, si buuxda loo ansixiyo. Arrintan waa in la dhammeeyay sannado ka hor. Intaa waxaa dheer, Canada si wax ku ool ah ayay u mamnuucaysaa iibinta diyaaradaha Gulfstream ee dalkaas iyadoo adeegsanaysa isla nidaamka ansixinta.”

    Trump oo u digaya Iran ayaa yiri:“Haddii sabab kasta ha ahaatee aan xaaladdan si degdeg ah loo saxin, waxaan ku soo rogi doonaa canshuur dhan 50 boqolkiiba dhammaan diyaaradaha Kanada laga keeno ee lagu iibiyo Mareykanka.”

  3. Maxay tahay farriinta uu Turkiga u gudbiyay Iran?

    Dowladda Turkiga, oo si cad u sheegtay in aysan doonayn kor u qaadista xiisad milatari ama in dagaal ka dhex qarxo Iiraan iyo Mareykanka, ayaa kordhisay xiriirrada ay la leedahay labada dhinac si si diblomaasiyadeed loogu xalliyo khilaafka ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, uu ku yimid Istanbul 30-ka Janaayo, ayaa sidoo kale loo arkay mid muhiim ah marka laga eego aragtidan.

    Sida ay sheegayaan warbixinno, Ankara ayaa wada-hadallo heer sare ah oo ay la yeelatay Mareykanka ku gudbisay aragtida ah in xalka milatari uu keeni karo khataro heer gobol iyo heer caalami ah.

    Ankara ayaa sidoo kale muujisay inay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyin lagu bilaabayo wadahadallo toos ah oo u dhexeeya labada dhinac.

    Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ayaa sii kordheysay tan iyo horraantii Janaayo, kaddib tallaabooyinkii xoogga lahaa ee lagA qaaday mudaharaadayaasha Iiraan, iyo amarka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu diray ciidamo badan oo awood leh gobolka, iyo sidoo kale hanjabaaddiisa ah inuu bixin doono amar lagu weerarayo Iiraan haddii Tehran diido wadaxaajood.

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa 22-kii Janaayo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezzekian.

  4. Wiilka madaxwaynaha Uganda iyo Mareykanka oo goradda isla galay

    Wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni ahna hoggaamiyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda (UPDF), Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa habeenkii xalay dhalisay dood ballaaran oo baraha bulshada ka dhacday kaddib markii uu soo dhigay fariimo taxane ah oo ku saabsan safaaradda Mareykanka ee Uganda, isagoo ku eedeeyay in ay hoy u noqotay hoggaamiyaha mucaaradka, Robert Kyagulanyi Ssentamu, ooloo u yaqaano Bobi Wine.

    Kyagulanyi ayaa kaalinta labaad ka galay doorashadii guud ee January 15, ka dib markii Madaxweyne Museveni, oo ah aabbaha janaraal Muhoozi, lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay cod aqlabiyad ah.

    General Muhoozi, oo sidoo kale ah lataliyaha ugu sareeya ee Madaxweynaha Museveni ee howlgalada gaarka ah ee milatari, ayaa ku eedeeyay in hoggaanka hadda ee safaaradda Mareykanka ee Uganda uu ku lug lahaa caawinta Kyagulanyi inuu ka baxo gurigiisa ku yaalla Magere, Degmada Wakiso, xilligii howlgallo milatari ka dhacay habeenkii January 16, 2026.

    Fariin uu soo dhigay X (hore ayuu Janaraal Muhoozi ku yiri:“Shacabka Ugandaow, iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta oo hoggaamiyaha mucaaradka uu isaga tagay oo meesha ka maqan yahay, iyo iyadoo la raacayo xogtayada sirdoonka ugu wanaagsan, falalkan waxaa lala sameeyay hoggaanka hadda ee Safaaradda Mareykanka ee dalkeena. Sidaas awgeed, UPDF waxay joojisay dhammaan iskaashiga hoggaanka hadda ee Safaaradda Mareykanka ee Kampala, Iskaashigii amni ee qiimaha lahaa ee u dhexeeyay Uganda iyo Mareykanka ayaa si weyn u dhaawacmay tan iyo 2015 sababtuna waa shaqooyinka aan hal-abuurka lahayn ee safaaradda.”

    Markii dambe, General Muhoozi wuxuu tirtiray fariintii oo raalli gelin ka bixiyay hadaladiisa.

    Sidoo kale, wuxuu ka digay in wax dowlado shisheeye ah oo isku dayda inay Kyagulanyi ka saaraan dalka ay sababi doonto khilaaf diblomaasiyadeed oo weyn oo u dhexeeya Uganda iyo dalalkaas.

  5. Mareykanka oo soo saaray digniin ka dhan ah madaxda sarsare ee Iran

    Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Qunsuliyadaha, Mora Namdar, ayaa sheegtay in dalkeedu uusan oggolaan doonin in “xubnaha nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo qoysaskooda ku dhow” ay ku takri-falaan “nidaamyada socdaalka iyo fiisooyinka Mareykanka.”

    Akoonka Af-Faarisiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee barta X (Twitter) ayaa soo xigtay hadalka Ms. Namdar oo tiri:“Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka geesiyaasha ah ee Iiraan. Ma oggolaan doonno in xubnaha nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo xubnaha qoyskooda ku dhow ay ku takri-falaan nidaamyada socdaalka iyo fiisooyinka Mareykanka, iyagoo isla markaasna si arxan darro ah u cabburinaya dadkooda dalabanaya xuquuqda aasaasiga ah.

    .”

  6. Dhacdo naadir ah oo aan soo noqon doonin ilaa 2040 ka oo cirka ka dhacaysa

    Cirbixiyeenada ayaa xiiso gooni ah qaba todobaadkaan maadaama ay dhawaan todobada meere ee kala ah Mars, Jupiter, Uranus, Venus, Neptune, Mercury, iyo Saturn ay samada ka soo muuqan doonaan muddo kooban xilliga fiidka.

    Ku dhufo lifaaqa hoose si aad u akhriso

  7. Dowladda Azerbaijan oo shaacisay war farxad galiyay Iraan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Jeyhun Bayramov. Sida ay sheegayaan warbixinno la daabacay, Baku ayaa ku dhawaaqday in “dhulka ama hawada dalkaas marnaba loo oggolaan doonin in loo adeegsado wax ka dhan ah Iiraan.”

    Sida ay werisay Wakaaladda Wararka Tasnim, wicitaanka taleefanka ayaa dhacay xalay, waxaana Mr. Bayramov uu si adag u caddeeyay mar kale in Azerbaijan aysan waligeed oggolaan doonin in hawadeeda ama dhulkeeda ay dal kale u adeegsadaan fulinta howlgallo milatari oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ama deriskeeda kale.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan horumarradii ugu dambeeyay ee gobolka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, kana fogaadaan falal iyo hadallo keeni kara xiisad.

    Dhankiisa, Mr. Araqchi ayaa ka hadlay “halista ka dhalata faragelinta wax burburisa ee Mareykanka” iyo Israa’iil, isagoo adkeeyay “mas’uuliyadda wadajirka ah ee dalalka gobolka saaran si looga hortago khataraha ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka, loogana hortago in dhulkooda si khaldan ay u adeegsadaan dhinacyo saddexaad.”

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in wicitaanka taleefanka uu sidoo kale xoojiyay “go’aanka wadajirka ah ee labada dal ee lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo kordhinta iskaashiga arrimaha heer gobol iyo kuwa caalami ah.”

  8. Madaxwaynihii hore ee somaliland Muuse Biixi, iyo sidii uu uga falceliyay aqoonsiga Israa'iil

    Tan iyo maalintii shalay waxaa iskasoo dabadhacayey wararka ku aaddan aqoonsiga Isreal ay siisay Soomaalilaan. Falcelinno ka yimi dalal, urur goboleed iyo shakhsiyaad saamayn leh ayaa illa shalay socotay.

    Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Muuse Biixi Cabdi ayaa ka mid ah dadka ka falceliyey xaalka aqoonsiga Soomaalilaan. Isaga oo ka sheekeeyey halkii u ku sugnaa markii uu soo gaadhayey warka ku saabsan aqoonsigu.

    Faahfaahinta ak akhriso qeybta faalada

  9. Qaar ka mid ah dadka caasimada Iran ee Tehraan oo quus muujiyay

    Frederick Pleitjen, oo ah wariyaha sare ee CNN, una safaray Iiraan, ayaa warbixin ka diyaariyay Suq weyn ee Tehran (Grand Bazaar) taasi oo ku saabsan xaaladda ka dhalatay mudaharaadyada iyo kororka joogtada ah ee qiimaha nolosha ee caasimadda Tehran, isagoo la hadlay dhowr muwaadin.

    Mid ka mid ah muwaadiniintaas waa haweeney, oo u muuqata in aysan rabin in wajigeeda la aqoonsado, balse u sheegtay shabakadda Mareykanka in aysan filayn in dhaqaalaha uu hagaagi doono iyo in wax walba ay noqon doonaan kuwo qaali ah. Waxay CNN u sheegtay:“Tani waa dhammaadkii,” iyadoo qireysa in hadalkan laga yaabo inuu halis ku noqdo.

    Haweeney kale oo la hadashay wariyaha CNN ayaa tiri:“Haddii aan waddooyinka u baxno, waa nalagu tooganayaa, haddii aan guriga joogno, waa inaan gaajo ku dhinta.”

    Si kastaba ha ahaatee, milkiilaha ganacsi ee ku sugan Suuqa Weyn ee Tehran, oo ka duwan labada haween ee la waraystay, wuxuuna ogolaaday in wajigiisa la muujiyo, ayaa warbixintan ku sheegay in aragtidiisa ay tahay in dowladda ay awood u yeelatay in ay xakameyso 99 boqolkiiba dhibaatada ka dhalatay mudaharaadyada.

  10. Muxuu yahay walaaca Netanyahu ka muujiyay isu soo dhawaanshaha Sucuudiga iyo Turkiga?

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu indhaha ku hayo isku soo dhowaanshaha sii kordhaya ee Sacuudi Carabiya Turkiga iyo Qatar.

    Iyadoo uu ka jawaabayo su’aal uu waydiiyay t wargeyska the Times of Israe, Netanyahu ayaa yiri:“Waxaan filaynaa in kuwa doonaya inay xiriir la sameeyaan nala joogaan aanay ka qayb qaadan dadaallada ka dhanka ah nabadda.”

    Bishii 7-dii Oktoobar 2023, Xamaas ayaa weerartay koonfurta Israa’iil. Weerarkan ka dib, Israa’iil waxay ku bilowday dagaal ka dhacay Qasa. Dadaalladii Israa’iil ee ku aaddanaa inay xiriir la sameyso Sacuudi Carabiya ayaa markii dambe hakad galay.

    Sacuudi Carabiya ayaa tan iyo bilowgii sheegtay inay xiriir la samayn doonto Israa’iil kaliya marka Falastiin noqoto dal madax-bannaan oo leh xuduudihii 1967.

    Laakiin sannadkii 2020, Madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa ku qanciyay Imaaraadka, Morooko, Suudaan, iyo Baxrayn inay xiriir caadi ah la yeeshaan Israa’iil, taasoo sare u qaaday rajada in Sacuudi Carabiya sidoo kale raaci doonto. Hase yeeshee, kadib Oktoobar 2023, xaaladdu aad bay u adkaatay.

    Bilihii u dambeeyay, Sacuudi Carabiya waxay u muuqataa inay si weyn ugu socoto xisaab cusub oo ka dhalanaysa Bariga Dhexe.

    loolanka kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta ayaa sii xoogeysanaya, halka xiriirkeeda Turkiga uu sii xoogeysanayo. Dhinaca kale, xiriirka Imaaraadka Carabta ee Israa’iil waa mid caadi ah, halka xiriirkooda kala dhaxeeya Turkiga uu yahay mid xasaasi ah oo xiisad leh.

    Shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay, Netanyahu ayaa yiri:“Waxba macno ma laha in xiriir diblomaasiyadeed la sameeyo kuwa diida sharcinimada Israa’iil oo taageera dhammaan xoogagga ka soo horjeeda Israa’iil. Haddii Sacuudi Carabiya ay rabto inay xiriir caadi ah la sameyso Israa’iil oo nabad iyo xoog leh, markaas way farxi doonaan.”

  11. Iiraan oo dhoolatus militari ka sameynaysa gacan biyoodka Hormuz

    Warbaahinta Press TV, oo ah telefishinka fka Ingiriisiga ku baxa oo ay Iiraan, ayaa sheegtay in Ciidanka Badda ee ilaalada kacaanka Iran uu qaban doono dhoolatus iyaga oo isticmaalaya rasaas, wxaana dhoolatuska lagu qaban doonaa gacan biyoodka Hormuz maalmaha soo socda.

    Kanaalka Al Jazeera, isagoo soo xiganaya ilo aan magac la sheegin oo Iiraani ah, ayaa sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay qeyb ka yihiin tababarkan.

    Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan weli kama jawaabin joogitaanka labadaas dal ee tababarka.

    Associated Press ayaa sidoo kale warisay in Iiraan ay Khamiistii ku dhawaaqday, iyada oo ogeysiis u dirtay shirkadaha maraakiibta, in dhoola-tus badda ay ka dhici doonaan Marinka Hormuz.

    Marinkan waa wadada ugu muhiimsan ee dhoofinta shidaalka adduunka, isagoo isku xira soo-saareyaasha ugu waa weyn ee shidaalka ku leh Gacanka Faaris, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Iiraan, iyo Ciraaq.

  12. Wasiirka gaashaandhiga: Milatarigu wuxuu diyaar u yahay inuu fuliyo go'aan kasta oo Trump uu ka qaato Iran

    Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in militariga dalka uu diyaar u yahay inuu fuliyo go’aan kasta oo uu Donald Trump ka gaaro Iiraan, si looga hortago in ay hesho hub nukliyeer ah.

    Kulanka Golaha Wasiirada, Mr. Trump wuxuu Pete Hegsett ka codsaday in uu bixiyo ra’yigiisa ku saabsan geynta ciidamada Mareykanka ee Gacanka Faaris.

    Mr. Hegsett ayaa yiri:“Iiraan waa inaysan raadin karin awood nukliyeer ah. Waxaan diyaar u nahay inaan qabanno wixii Madaxweynaha uu ka filayo Waaxda Dagaalka.”

    Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in Mr. Trump uu qiimeynayo xulashooyinka, balse weli aanu gaarin go’aan ku saabsan weerar Iiraan.

    Xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa korodhay todobaadihii la soo dhaafay kaddib markii ay Iiraan si xooggan u xakameysay mudaharaadyada rabshadaha watay.

    Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu tallaabo qaadi doono haddii Tehran dib u bilowdo barnaamijkeeda nukliyeerka kaddib duqeymihii cirka ee Israa’iil iyo Mareykanka lagu bartilmaameedsaday xarumaha muhiimka ah ee nukliyeerka.

  13. Maxay yihiin shuruudaha uu Trump u bandhigay Iran si uusan u weerarin?

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay wariyeyaasha in uu la xiriiray hoggaamiyeyaasha dowladda Iiraan, isla markaana uu u gudbiyay laba shuruudood: inaysan yeelan barnaamij hub nukliyeer ah, isla markaana ay joojiyaan dilka mudaharaadayaasha.

    Sida ay weriyay telefishinka CNN fiidnimadii Khamiista, Trump ma caddeyn sida uu ula xiriiray Iiraan, in uu isagu si toos ah ula hadlay ama xubin ka tirsan golihiisa wasiirrada ay xiriir la sameeyeen, iyo cidda rasmiga ah ee dowladda Iiraan ah ee lala xiriiray.

    Isla waqtigaas, Trump wuxuu mar kale ka hadlay suurtagalnimada in ciidan milatari oo aad u weyn loo diro Iiraan, wuxuuna mar kale muujiyay rajadiisa ah in aan loo baahnayn in awooddaas la adeegsado.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:“Waxaan u sheegay laba arrimood: marka hore, hub nukliyeer ah ma jiri karo. Marka labaad, joojiya dilka mudaharaadayaasha. Waxay dilayaan mudaharaadayaal kumannaan ah; laba toddobaad ka hor waxay gacmahooda ku lahaayeen 837 oo dil ku xukunnaa, balse waa inay joojiyaan.”