Shil gaari oo aad u murugo badan oo ka dhacay Gobolka
Gwombe ee dalka Nigeria ayaa sababay dhimashada toddoba wariye.
Shilka ayaa dhacay xilli gaari bas ah oo ay leeyihiin
Ururka Wariyeyaasha Nigeria ee (NUJ) oo ku sii jeeday arooska xubin ka tirsan
ururka, oo ka dhacayay Degmada Kaltungo
ee isla gobolkaas.
Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in taayir ka mid ah
baska uu ku qarxay deegaanka Kumo ee Degmada Akko, taas oo keentay in baska uu
ka baxo waddada kuna rogmado bar bannaan ah.
Taliyaha Ciidanka Badbaadada Waddooyinka Federaalka (FRSC)
ee Gobolka Gwombe, Samson Kaura, iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Dowladda Gobolka
Gwombe, Ismaila Misilli, ayaa sheegay in toddoba wariye ay ku dhinteen shilka,
halka afar kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Meydadka dadkii dhintay ayaa loo qaaday goob meydadka la
dhigo ee Gwombe, halka kuwa dhaawacmayna ay hadda ku jiraan isbitaalka iyagoo
helaya daaweyn.
Wariyeyaasha ku dhintay masiibadan waxaa ka mid ah: Madaxii
Shaqaalaha iyo Kaaliyaha Gaarka ah ee ee guddoomiyaha, kana tirsanaa Xafiiska
Marwada Guddoomiyaha, Zara Umar; Agaasimaha Hawlgallada ee NTA, Haruna Kwami;
Agaasimiihii Sawir-qaadista ee NTA, Isa Lawan; iyo Agaasimihii waraiyaasha hawlgabka
ahaa, Musa Tabra.
Guddoomiyaha Gobolka Gwombe, Inuwa Yahaya, ayaa diray
farriin tacsi ah oo uu ugu diray qoysaska dadkii geeriyooday, wuxuuna u
rajeeyay kuwa dhaawacmay caafimaad degdeg ah.