Xoogagga Taageerada Degdega ah ee Sudan, ayaa Isniintii ku
dhawaaqay xabbad joojin bini'aadantinimo oo saddex bilood ah, maalin ka dib
markii taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan uu diiday hindise
xabbad-joojin caalami ah o la soo bandhigay.
Taliyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah, Maxamed Xamdaan
Dagalo, oo loo yaqaan "Hemedti," ayaa muuqaal la duubay ayaa yiri: "Iyada
oo ku saleysan mas'uuliyadda qaran ee naga saaran iyo ka jawaabista dadaallada
caalamiga ah, oo ay ugu horreeyaan hindisaha madaxweynaha Mareykanka Donald
Trump iyo dadaallada dalalka afarta ah ... waxaan ku dhawaaqeynaa xabbad joojin
bini'aadannimo oo ay ku jiraan joojinta colaadaha muddo saddex bilood ah"
waxaana ku heshiinnay sameynta habka kormeerka caalamiga ah.
Dagalo ayaa shaaca ka qaaday in xabad joojintan
bini’aadantinimo ay ka mid tahay, joojinta colaada, loogana gol leeyahay in
lagu difaaco dadka rayidka ah iyo in la xaqiijiyo in gargaar bini’aadantinimo
la gaarsiiyo deegaanada ay colaaduhu saameeyeen.
Hadal uu jeediyay oo lagu daabacay baraha bulshada ee
Ciidamada Taageerada Degdegga ah, ayuu ku sheegay in tallaabadani ay jawaab u
tahay wax uu ku tilmaamay "dadaal caalami ah oo loogu talagalay dadka
Suudaan",
Waxaa uu xaqiijiyay in ciidamadiisa ay ka go’an tahay
fududeynta howlaha bini’aadantinimo, iyadoo la xaqiijinayo dhaq-dhaqaaqa
shaqaalaha gargaarka, hubinta in si aan caqabad lahayn loo gaaro gargaarka,
ilaalinta xarumaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaranka, iyo awood la
siinayo kooxaha caafimaadka si ay u gutaan waajibaadkooda.
12-kii bishii Sebtembar, heshiiska afar geesoodka oo ka
kooban Mareykanka, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa soo
bandhigay qorsheyaal lagu soo afjarayo colaadda Suudaan, taasoo qeexaysa xabbad
joojin bani'aadamnimo iyo hannaan siyaasadeed oo horseedaya xukun rayid ah.
Dhanka kale, shalay, taliyaha ciidamada Sudan ayaa soo
jeedintii ugu dambeysay ee ay soo bandhigeen Mareykanka iyo
dhexdhexaadiyeyaasha gobolka si loo soo afjaro dagaalka sokeeye, ku tilmaamay
in ay tahay tii ugu xumeyd ee abid la soo bandhigo.
Muqaal laga duubay Janaraal Abdel Fattah al-Burhan, ayuu ku
sheegay in qorshaha xabad joojinta ah ee lala galayo ciidamada taageerada
degdegga ah ee RSF, uu baabi'in doono doorka Ciidamada Qalabka Sida, isla
markaana u ogolaan doono maleeshiyada inay ku sii sugnaadaan goobahooda.
Taliyaha ciidamada ayaa ku eedeeyay ergayga Mareykanka,
Massad Boulos, inuu ku hadlayo afka Imaaraadka Carabta, oo ah mid ka mid ah
dhexdhexaadiyeyaasha kale, kaasoo uu ku eedeeyay inay taageeraan RSF.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: