You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Bixi madax furasho haddii kale waa lagu tooganayaa: Sheekooyin 'naxdin leh' oo ay ka warrameen qaraabada dadka ay RSF ku xirtay El Fasher
Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee fallaagada ah, ayaa la sheegay inay xidheen tobanaan qof oo deggen magaalada El Fasher ee Waqooyiga Darfur, Suudaan, tan iyo markii ay la wareegeen magaaladaas, sida ay soo ururisay BBC-da iyadoo caddayn ka heshay, qoysas ka cabsi ka qaba weerarro ay ciidamadaasi geystaan.
Nin dhalinyaro ah oo aan rabin in magaciisa dhabta ah la sheego ayaa la hadlay BBC-da.
Maxamed Axmed (magaciisa dhabta ah ma aha) ayaa daryeelayay qoyskiisa tan iyo markii dagaalku ka qarxay Suudaan, inkastoo uu markaas ku noolaa dibadda.
Wuxuu sheegay inuu si dhow ula socday wararka iyo muuqaallada baraha bulshada lagu faafinayay, tan iyo markii dagaalyahannada RSF ay qabsadeen magaalada El Fasher, isagoo raadinayay cid kasta oo qoyskiisa ka mid ah oo lagu xanibay magaalada muddo ka badan 16 bilood.
"Laba maalmood hurdo iguma imaan, waxaan daawanayay muuqaallada anigoo rejeynaya inaan aqoonsado midkood, ilaa aan arkay adeerkay iyo deriskay oo fadhiya dhulka oo lagu wareysanayo mid ka mid ah muuqaallada ay RSF duubtay," ayuu yiri.
"Waxaan u maleynayay in la dilay, gaar ahaan kadib markii la arkay xasuuqyo badan oo lagu faafiyay muuqaallo baraha bulshada ku baahay," ayuu yidhi.
Laakiin Caali wuu fajacay markii uu laba maalmood kadib helay wicitaan uu ku soo diray adeerkiis barnaamijka Messenger, kaddib markii la baahiyay muuqaalladaas.
Adeerkiis ayaa u sheegay inuu weli nool yahay balse ay hayaan askarta RSF oo dalbanayay madax-furasho gaaraysa 10 milyan oo lacagta Suudaan ah, taas oo u dhiganta ku dhawaad 3,000 doollar Maraykan ah. "Mid ka mid ah askarta RSF ayaa ila hadlay, wuxuuna igu yiri hal saac gudihiis lacagta dir, haddii kale adeerkaa waa la dili doonaa. Waxaan qasbanaaday inaan lacagta amaahdo oo degdeg u bixiyo cabsi awgeed in la dilo adeerkay," ayuu yidhi Maxamed.
Ugu dambayn adeerkiis waa la sii daayay kadib markii madax-furashadii la bixiyay, wuxuuna ku guuleystay inuu gaaro magaalada Tawila oo qiyaastii lix kiiloomitir galbeed kaga beegan El
Ma jirto dammaanad ah in la sii daayo xitaa haddii madax-furasho la bixiyo.
Xaaladdu waxay u ahayd mid aad ugu adag Ibraahim Qaasim (magaciisa dhabta ah ma aha). Ciidamada RSF ayaa haystay shan xubnood oo qoyskiisa ka mid ah.
Wuxuu sheegay inuu ku guuleystay inuu xoreeyo walaalkiis kadib markii uu bixiyay madax-furasho gaaraysa toban milyan oo gini Suudaane ah, balse kooxdu waxay dalbatay isla qadarka lacagtaas si loo sii daayo labo ilmo adeeradiis ah, iyo 25 milyan oo gini oo dheeraad ah si loo sii daayo walaalaha hooyadiis.
Ibraahim wuxuu yidhi: "Wicitaankii ugu horreeyay waxay i siiyeen kaliya toban daqiiqo si aan lacagta ugu diro adeegga (Bankak), waxayna igu hanjabeen inay dili doonaan walaalkay. Sidoo kale waxay i siiyeen hal saac si aan u bixiyo magdhowga adeerkay oo dhaawacmay intii lagu jiray dagaalkii Al-Fasher.
"Illaa hadda ma aanan awoodin inaan soo ururiyo lacagtii lagu sii deyn lahaa walaalahay kale," ayuu raaciyay.
Qaraabo ka mid ah dadka la haysto ayaa u sheegay BBC-da inaan wax dammaanad dhab ah ayna jirin in la sii daayo qaraabadooda xitaa kadib marka madax-furashada la bixiyo, isagoo xusay in qaar ka mid ah dadka la sii daayay mar kale la qabtay markay isku dayeen inay magaalada ka baxaan, wuxuuna ku tilmaamay waxa socda "taxane afduubyo ah."
Qoysas badan oo ay xubnahooda la haystaan ayaa dhammeeyay wixii dhaqaale ah ee ay kaydsanaayeen kadib go'doon dheer. Kuwa dibadda jooga waxay u soo dirayeen lacag ehelkooda si ay cunto u iibsadaan, taas oo qiimaheedu si aad ah u kacay. Hadda, lacagta madax-furashada waxaa lagu ururiyaa deeqo, amaah, ama kaalmo ay bixiyaan hay'adaha gargaarka iyo samafalka.
Xaaladda oo ka sii daraysa
Bayaan ay soo saareen ururka Doctors Without Borders (Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn) Axaddii, 4-tii Noofambar 2025, ayaa lagu sheegay in ciidamada RSF ay magaalada El Fasher ku hayaan kumannaan rayid ah, iyagoo ka hor istaagay inay baxaan kadib markii ay la wareegeen dhammaan gaadiidkii loo adeegsanayay daadgureynta dadka barakacay.
Bayaanku wuxuu intaas ku daray in qaar ka mid ah dadka ka cararay magaalada si khasab ah dib loogu soo celiyay, kuwaas oo ay ku jireen dad lagu rasaaseeyay intay isku dayayeen inay baxsadaan iyo kuwo ka cabanaya nafaqo-darro.
Sidoo kale, bayaanku wuxuu uga digay in haynta tiro badan oo rayid ah, xaalado aad u adag oo ay daawo yari ku jirto iyo adeegyo caafimaad oo aad u liita ay sii xoojinayso musiibada bini'aadantinimo ee horeyba u sii xumaatay.
Bayaanku wuxuu kaloo sheegay in meydadka dadka la dilay ee daadsan hareeraha magaalada ay khatar weyn ku yihiin deegaanka.
Shabakadda ayaa ugu baaqday in si degdeg ah loo sii daayo dadka rayidka ah, in la furo waddooyin ammaan ah oo u suurtagelinaya dadka ku xaniban inay baxaan, in hay'adaha gargaarka loo oggolaado inay gaaraan goobaha ay dhibaatadu saameysay, iyo in meydadka yaalla waddooyinka la ururiyo si looga hortago musiibo deegaan oo kale.
Ghaada Cabdiraxmaan, oo ah garyaqaan iyo u doode xuquuqda aadanaha, ayaa ku tilmaantay xaaladda hadda ee dadka rayidka ah ee lagu hayo magaalada El Fasher mid murugo iyo naxdin leh, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay tahay "ku xadgudub weyn" oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah iyo kan bini'aadantinimo.
Waxay intaas ku dartay in haynta dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha dagaalka si loo adeegsado sidii la-haystayaal sida ay hadda sameynayaan dagaalyahannada RSF ay si cad uga hor imanayso sharciga caalamiga ah iyo kan bini'aadantinimada.
Waxay xustay in si muuqata xuquuqda dadka rayidka ah ee El Fasher loo jebinayo, iyadoo sheegtay in ciidamada RSF ay ku kacayaan dambiyo dhaqaale ah, maadaama ay dadka rayidka ah xiraan kadibna ay qoysaskooda ka dalbadaan madax-furasho si loo sii daayo.