Iran oo uga digtay dalalka Khaliijka inay Maraykanka u oggolaadaan inuu dhulkooda ka weeraro Iran

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran ayaa sheegay in haddii Maraykanku u adeegsado dhulka dalalkaas inuu weerarro ku qaado Iran, ay dalalkaasi bixin doonaan "qiime aad u culus" oo ka dhalan doonta tallaabadaas.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Muxuu Mareykanka u beegsanayaa buundooyinka Iran?

    Kaabayaasha Iran oo la weerarayo

    Xigashada Sawirka, irna

    Buundooyinku ma ahan oo kaliya waddo ay maraan gaadiidka rayidka ee sidoo kale waa meelo muhiim ah oo isku xira shabakadda gaadiidka.

    Haddii buundooyinka muhiimka ah ee ku dhow Bandar Cabbas iyo Bandar Khamir la burburiyo, waxaa adkaanaya in la kala gudbiyo ciidamada, shidaal, gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo qalabka milatariga ee mara mid ka mid ah gobollada ugu muhiimsan Iran.

    Maraykanku wuxuu u arkaa weerarradan hab lagu carqaladeynayo waddooyinka saadka ee saldhigyada milatari ee koonfurta Iran.

    Bandar Cabbas waa xarunta ugu muhiimsan ee dekedaha Iran, kuna taalla marin-biyoodka Hormuz, oo door weyn ku leh ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqyada milatari ee dalka.

    In la beegsado buundooyinka, jidadka tareennada, meelaha laga hago maraakiibta, iyo kaabayaasha kale ee isgaarsiinta ayaa wiiqi kara awoodda Iran.

    Weerarradan ayaa sidoo kale xambaarsan farriin siyaasadeed. Donald Trump ayaa hore si cad ugu hanjabay in la beegsan doono warshadaha korontada iyo buundooyinka haddii Iran aysan dib ugu soo laaban wadahadallada.

    Marka laga eego aragtidan, buundooyinku ma ahan oo kaliya bartilmaameed milatari, balse sidoo kale waxay astaan u yihiin kordhinta cadaadiska lagu saarayo Iran iyo muujinta diyaar garowga Maraykanka ee ballaarinta weerarrada lagu hayo kaabayaasha muhiimka ah ee Iran.

    Warar dheeraad ah:

  2. Muhaajiriin ayaa soo hor dhoobtay safaaradahooda ku yaal K/Afrika

    Muhaajiriin doonaya in dib loogu celiyo dalalkooda

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Boqolaal muwaadiniin ka soo jeeda dalal shisheeye ayaa isugu yimid bannaanka safaaradaha dalalkooda.

    Muwaadiniintaas waxay doonayaan in ay heleen kaalmo ay dalalkooda dib ugu laabtaan. Koonfur Afrika ayaa sii xoojisay qabqabashada muahaajiriinta jooga dalka oo dhan jooga.

    Dad badan ayaa imaanaya bannaanka safaaradaha Nigeria iyo Malawi, waxaana la soo sheegayaa in dad kale oo hor leh ay imaanayaan.

    Dowladaha qaar ayaa culeys ka haystaa sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida sii kordheysa ee dadkooda doonaya in ay dalka ku laabtaan.

    Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in dad ka badan siddeed kun oo muhaajiriin aan sharci haysan la xiray labadii toddobaad ee la soo dhaafay, halka in ka badan konton iyo saddex kun oo qofna la masaafuriyay ama dib loogu celiyay dalalkooda tan iyo markii uu ololuhu billowday bishii hore.

    Warar dheeraad ah:

  3. Raysalwasaaraha cusub UK, Burnham, ayaa qorsheynaya in uu dalka oo dhan ku maro booqasho dhageysi ah.

    Raysalwasaaraah UK

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Duqii hore ee magaalada Manchester, Burnham, ayaa Isniinta noqon doona Raysalwasaaraha cusub ee UK. Mr Burnham ayaan hortageynin xubnaha Baarlamaanka ilaa bisha Sebtembar marka Golahu uu ka soo laabto fasaxa lixda toddobaad ah, haddii aanu go'aansan in uu dib ugu yeero baarlamaanka.

    Muddada ay baarlamaanka fasaxa ku maqan yhihiin, Burnham wuxuu qaadi doonaa waxa lagu tilmaamay "safar dhegeysi oo uu ku marayo guud ahaan UK, waxaana la filayaa in uu bisha Agoosto booqdo qaybo kala duwan oo dalka ah.

    Faahfaahin badan lagama hayo siyaasadaha uu Burnham doonayo in uu hirgeliyo marka uu shaqada bilaabo, balse fariinta ugu weyn ee uu ilaa iyo hadda gudbinayay waxay ahayd in awoodda hoos loo qaado oo loo geeyo bulshooyinka iyo maamullada deegaanka.

    Mid ka mid ah meelaha la sheegay in uu booqan doono waa magaalada Port Talbot ee koonfurta Wales.

    Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in Burnham uu booqan doono Aberdeen, oo ah magaalo udub dhexaad u ah doodda ku saabsan mustaqbalka tamarta UK, isla markaana hoy u ah GB Energy, oo ah shirkadda tamarta ee dowladdu leedahay oo dhawaan la aasaasay.

    Warar dheeraad ah:

  4. FIFA ayaa siin doonta faraantiyo ciyaartoyda xulka guuleysta

    Faraantiga ciyaartoyda guuleysata

    Xigashada Sawirka, Fifa.com

    FIFA ayaa faraantiyo guddoonsiin doonta ciyaartoyda kooxda ku guuleysata kulanka ugu dambeeyay ee Argentina iyo Spain.

    Faraantiyada lagu abaalmariyo guuleystayaasha waa dhaqan caan ka ah ciyaaraha Maraykanka.

    Soddon faraanti ayaa loo samayn doonaa kooxda ku guuleysata Koobka Adduunka, halka 1,996 faraanti oo dheeraad ahna laga iibin doono taageerayaasha. Faraanti kasta waxa uu naqshaddiisa ku yeelan doonaa koob yar oo Koobka Adduunka ah iyo xaraf lagu xardhay gudaha.

    Madaxweyne Trump, oo la filayo in uu guddoonsiiyo koobka kooxda guuleysatayaasha, ma uusan ka qayb gelin mid ka mid ah 102-kii ciyaarood ee Koobka Adduunka ilaa hadda.

    Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa hore u sheegay in Trump uu ka qayb geli doono ciyaarta kama dambaysta ah, waxaana arrintaas xaqiijisay xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Karoline Leavitt.

    Xiriirka u dhexeeya Infantino iyo Trump ayaa dhaliyay muranka ugu weyn ee Koobka Adduunka kaddib markii madaxweynaha Maraykanku uu la xiriiray madaxa FIFA si looga noqdo kaarka cas ee la siiyay weeraryahanka Maraykanka, Folarin Balogun.

    Intii uu socday Koobkan Adduunka, ma jirin kaarar cas ama jaalle ah oo kale oo ganaaxooda la hakiyay, inkastoo Faransiiska iyo England ay codsadeen in dib loo eego dhacdooyin la xiriiray ciyaartoydooda.

    Warar dheeraad ah:

  5. Nin deggan Britain ayaa lagu soo eedeeyay dacwad la xiriirta in uu la shaqeeyay sirdoonka Iran

    Nin lagfu eedeeyay in uu sirdoonka Iran la shaqeynayay

    Nin 39 jir ah oo ku nool UK ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu la shaqeeyay hay'adda sirdoonka Iran. Lagama bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

    Wahid Abri, oo deggen magaalada Liverpool, ayaa la xiray Arbacadii 15-kii July kaddib baaritaan ay booliska la-dagaallama argagixisadu ku sameeyeen magaalada Birmingham, waxaana loo qaaday saldhig boolis oo ku yaalla West Midlands.

    Saraakiisha boolisku waxay kaloo baareen guryo ku yaal Birmingham iyo Liverpool kuwaas oo qeyb ka ahaa baaristooda.

    Mr. Abri waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu la shaqeeyay adeeg sirdoon oo shisheeye leeyahay, iyadoo lagu saleynayo Xeerka Amniga Qaranka ee UK ee 2023. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago.

    "Sanadihii u dambeeyay, howlaha baaritaannada la xiriira amniga qaranka ayaa si weyn u kordhay" ayey tiri Helen Flanagan oo ah madaxa booliska la dagaallama argagixisada ee London.

    "Hal qof ayaa hadda dacwad lagu soo oogay, balse faahfaahinta eedeymaha kama hadli karno. Si kastaba ha ahaatee, waxaan rabaa in aan bulshada u xaqiijiyo in baaritaankan aan lagu ogaan wax si toos khatar ugu ah guud ahaan.

    Warar dheeraad ah:

  6. Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Shiinaha in uu faragelin ku sameeyay doorashadii 202-kii.

    Madaxweyne Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynha Mareykanka Donlad Trump ayaa mar kale ku celiyay eedeymo ku saabsan musuqmaasuq baahsan oo lagu sameeyay doorashada dalkiisa, wuxuuna ku eedeeyay Shiinaha in uu faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee 2020-kii.

    Madaxweyne Trump oo jeediyay khudbad xilli ay daawashada telefishannadu aad u badan tahay ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan "dayacnaan aad u daran oo laga naxo" oo ka jirta nidaamyada codbixinta ee Maraykanka.

    Khudbad uu telefishan ka jeediyay afar bilood ka hor doorashada baarlamaanka, ayuu Mr. Trump ku eedeeyay hay'adaha sirdoonka Maraykanka in ay qariyeen faragelin shisheeye oo loogu talagalay in codadka looga shubto.

    Tobannaan baaritaanno, hubinno iyo dacwado maxkamadeed ayaa ku guuldareystay in ay helaan wax caddeyn ah oo muujinaya musuqmaasuq doorasho. Shiinaha ayaa beeniyay eedeymaha faragelinta doorashooyinka Maraykanka.

    Trump ayaa khudbaddiisa jeediyay isagoo ay hareerihiisu taagnaayeen xubno ka tirsan saraakiisha ugu sarreysa maamulkiisa. Suxufiyiinta looma oggolaan in ay wax su'aalo ah weydiiyaan madaxweynaha.

    Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka digay ka hor khudbadda Trump in uu isku dayayo in uu saameyn ku yeesho doorashada baarlamaanka, taas oo Jamhuuriyiintu ay ku waayi karaan gacan ku haynta Kongareeska.

    Hadallada madaxweynaha ayaa ka hor imanaya qiimeynno hore oo ay sameeyeen hay'adaha sirdoonka Maraykanka. Warbixin sannadkii 2021-kii ay soo saareen Golaha Sirdoonka Qaranka ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay “aad ugu kalsoon yihiin” in Shiinuhu uusan faragelin ku samayn doorashadii madaxtinimada ee 2020-kii.

    Warar dheeraad ah:

  7. Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in Mareykanku isticmaalo dhulkooda

    Hanjabaadda Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Iran ayaa uga digtay dalalka Khaliijka in ay u oggolaadaan Maraykanka isticmaalka dhulkooda, hawadooda ama biyahooda si uu uga weerarro Iran, iyadoo sheegtay in tallaabadaas ay cawaaqib culus ku yeelan doonto dalalkaas.

    Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran, Mohammad Saleh Jokar, ayaa sheegay, haddii Maraykanku dhulka dalalkan u adeegsado weerar ka dhan ah Iran, in ay la kulmi doonaan "Khasare culus".

    Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegtay in dib u soo celinta xayiraadaha hawlaha badda ay ka dhigan tahay mid lagu jabinayo heshiiskii Terhan iyo Washington.

    War-saxaafadeedka wasaaradda waxay sidoo kale ku eedaysay Maraykanka dambiyo dagaal, iyadoo tusaale u soo qaadatay weerarro lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha rayidka iyo adeegyada bulshada.

    Iran waxay sheegtay in meelaha la beegsaday ay ka mid yihiin xarunta caafimaadka ee Guutada 388-aad, xarunta kaydinta masagada ee Hoveizeh, iyo meelo kale.

    Tehran waxay sheegtay in tani ay tahay markii saddexaad muddo hal sano gudaheed ah oo Maraykanku weerar ku qaado Iran iyadoo ay weli socdaan wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac.

    Iran waxay ugu baaqday dalalka gobalka in aanay u oggolaan dhulkooda, hawadooda ama biyahooda in loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran, iyadoo sheegtay in ay doonayso in ay xoojiso isfahamka iyo iskaashiga gobalka.

    Warar dheeraad ah:

  8. War deg deg ah, Iiraan oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka soo gaaray weerarrada Mareykanka

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan ayaa sheegtay in duqeymihii Mareykanka ee dhacay bishaan Luulyo ay sababeen dhimashada 38 qof iyo dhaawaca in ka badan 400 oo kale.

    Xuseen Kermanpour, oo ah madaxa Xarunta Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa ku qoray barta X:

    "Dagaalkii Luulyo, ilaa 6:30 subaxnimo ee 17-ka Luulyo, tirada dadka ku dhaawacmay weerarrada Mareykanka waxay kor u dhaaftay 400, halka 38 muwaadin ay shahiideen. Kuwaas waxaa ka mid ahaa 22 haween ah oo dhaawacmay, 3 haween ah oo geeriyooday, 9 carruur ah oo ka yar 18 sano oo dhaawacmay, iyo cunug oo ka yar 18 sano oo geeriyooday."

    Sida uu sheegay, 47 qof ayaa weli ku jira isbitaallada iyagoo helaya daryeel caafimaad.

    Weerarradii ugu dambeeyay ee Mareykanka ku qaaday Iiraan ayaa billowday 7-dii Luulyo, iyadoo lagu sheegay inay jawaab u ahaayeen bartilmaameedsigii lagu qaaday maraakiib dhowr ah oo marayay Marinka Hormuz. Tan iyo markaas, Iiraan ayaa fulisay weerarro aargoosi ah oo ay sheegtay inay ku beegsanayso danaha iyo saldhigyada Mareykanka ee dalalka gobolka.

  9. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo sheegtay in ay burburisay xaruumo Mareykanku leeyahay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa qoraal ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay inay burburiyeen laba xarumood oo raadaar oo Maraykan leeyahay oo ku yaalla Cumaan.

    Sida bayaanka lagu sheegay, ciidamada badda ee IRGC ayaa saaka aroortii hore burburiyay raadaarka lagu hago isu socodka maraakiibta ee Salalah iyo raadaarka hagidda hawada ee Ghanem, oo labaduba ku yaalla dalka Cumaan.

    Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in tallaabooyinka jawaab-celinta ee Iiraan ay sii socon doonaan si xooggan, isla markaana Marinka Hormuz uu sii ahaan doono mid ay gacanta ku hayaan ciidamada badda ee IRGC.

  10. War deg deg ah, Pakistan iyo Shiinaha oo farriin u diray Mareykanka iyo Iiraan

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Shiinaha iyo Pakistan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Shanghai, ugu baaqay Maraykanka iyo Iiraan inay soo afjaraan colaadda isla markaana ay dib ugu laabtaan miiska wadaxaajoodka.

    Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Ishaq Dar ayaa "muujiyay walaac ku saabsan sii xumaanaya xaaladda hadda jirta."

    Waxay labada wasiir ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada, isla markaana dib loo bilaabo wada-hadallada iyo wadaxaajoodyada si xal nabadeed loogu raadiyo colaadda.

  11. War deg deg ah, Degdeg: Mareykanka oo hadda weerar ku qaaday mid ka mid ah dekadaha Iiraan

    Sida ay sheegtay IRNA, munaaradda laga hago isu socodka maraakiibta ee Dekedda Chabahar ayaa saaka markii saddexaad lagu bartilmaameedsaday weerarro uu Maraykanku geystay.

    Warbixintu waxay sheegtay in munaaraddii si buuxda loo burburiyey, hase yeeshee waxyeello aysan soo gaarin dekedaha lagu xirto maraakiibta, qalabka, iyo kaabeyaasha hawlgalka ee dekedda.

    Sida lagu sheegay warbixinta, xoogga qaraxa ayaa ahaa mid aad u weyn, taasoo sababtay burbur dhammaystiran oo soo gaaray munaaradda.

    Waxaa sidoo kale la sheegay in kooxaha farsamada iyo hawlgalka ay baarayaan xaaladda isla markaana ay ku howlan yihiin sidii dib loogu bilaabi lahaa shaqada dekedda, iyadoo aan la soo sheegin cid ku dhaawacantay weerarkan.

  12. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo u hanjabay Sacuudiga iyo labada dhinac oo xiisadoodu xoogeysatay

    Xuutiyiinta ayaa Sacuudiga ugu hanjabay weerarro culus

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda fallaagada Xuuthiyiinta ee Yemen ayaa uga digtay Sacuudi Carabiya inay beegsan doonto xarumaha shidaalka iyo goobaha kale ee muhiimka ah haddii dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu sii xoogeysto.

    Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Cabdulmaalik Al-Xuuthi, ayaa sheegay in haddii Sacuudi Carabiya ay bilowdo weerar ballaaran oo ka dhan ah Yemen isla markaana ay sii huriso colaadda, xarumaha shidaalka iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee dalkaas ay noqon doonaan bartilmaameedka gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta.

    "Wixii hadda ka dambeeya haddii Sacuudi Carabiya ay weerar weyn ku qaaddo dalkeenna oo ay sii huriso xiisadda, dhammaan xarumaheeda shidaalka iyo goobaha muhiimka ah waxay noqon doonaan bartilmaameedka gantaalladayada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," ayuu yiri.

    Xuuthiyiintu waxay ku eedeeyeen Sacuudi Carabiya inay Isniintii weerartay Garoonka Diyaaradaha ee Sanca, iyagoo sheegay in tallaabadaas ay jawaab u ahayd weerar lagu beegsaday garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudi Carabiya.

    Weerarrada labada dhinac ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu waaweynaa tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray sannadkii 2022.

    Sida ay sheegtay AFP, Cabdulmaalik Al-Xuuthi ayaa sidoo kale ku hanjabay in la beegsan doono Garoonka Diyaaradaha ee Riyadh haddii weerarro kale lagu qaado Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.

    "Mabda'ayagu waa sidan: haddii garoonka diyaaradaha la weeraro, annaguna waxaan weerari doonnaa garoon diyaaradeed; haddii dekedda la beegsado, annaguna dekedda ayaan beegsan doonnaa. Sidoo kale, go'doominta waxaa looga jawaabi doonaa go'doomin," ayuu yiri.

    Dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay Cadan, oo ay taageerto Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay in weerarkii Isniinta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Sanca uu ujeeddadiisu ahayd in laga hortago diyaarado ka imanaya Iiraan oo halkaas ka dega.

    Muddo ka badan toban sano, dhammaan diyaaradaha gala hawada Yemen waxaa looga baahnaa inay oggolaansho ka helaan isbahaysiga militariga ee uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya.

    Dowladda Yemen iyo xulafadeedu waxay ku eedeeyeen Xuuthiyiinta iyo Iiraan inay jebiyeen nidaamkaas iyagoo bilaabay duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.

  13. War deg deg ah, Shil gaari oo arday badan ku geeriyooden oo dalka Uganda ka dhacay

    Uganda

    Xigashada Sawirka, ONLINE/X

    Ugu yaraan 19 arday ayaa dhintay kadib markii bas uu leeyhaay Iskuulka King David Junior School oo ku yaalla Ndejje, uu shil ku galay Khamiistii shalay degmada Kapchorwa ee bariga Uganda, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

    Baska ayaa ardayda kasoo celinayay safar waxbarasho habeenkii Khamiista, waxaana la sheegay inuu la kulmay cilad farsamo qiyaastii saacaddu markay ahayd 2:00 habeenimo.

    Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee booliiska, darawalka ayaa lumiyay xakamaynta baska ka hor inta uusan shilku dhicin, taasoo sababtay masiibadan dhimashada badan dhalisay.

    "Baaritaannada hordhaca ah waxay muujinayaan in basku uu jihadii ka leexday sababo la xiriira cilad farsamo. Waxaan sidoo kale xog aan ka helnay dad goobjoogayaalka ah ay muujinaysaa in gaarigu uu dhowr jeer istaagay ka hor inta uusan shilku dhicin," sida lagu sheegay lagu yiri warbixin ay booliisku ku baahiyeen baraha bulshada.

    Hawlaha gurmadka ayaa weli socda, iyadoo dadka dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka ee u dhow. Mas’uuliyiintu weli si rasmi ah uma xaqiijin tirada guud ee dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, maadaama baaritaannadu ay socdaan si loo ogaado sababta saxda ah ee shilka.

    Shilkan ayaa caro iyo murugo ka dhaliyay guud ahaan Uganda, iyadoo qoysaska ardayda iyo maamulka dugsiguba ay sugayaan war rasmi ah oo ku saabsan xaaladda dadkii saarnaa baska.

    Dhaawacyo la dabiibayo

    Xigashada Sawirka, Social Media

  14. War deg deg ah, Degdeg: Ilaada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay arrin cusub oo ku saabsan Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa bayaan ku sheegay in ay bartilmaameedsadeen Taliska Ciidamada Maraykanka ee saldhigga Al-Tanf ee ku yaalla koonfurta Suuriya.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in, jawaab ahaan weerarradii Maraykanka iyo dilkii askar ka tirsanaa ciidamada IRGC ee Iranshahr, ciidamada Cirka iyo Hawada ee IRGC ay weerareen xarunta taliska ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ee Al-Tanf, nidaam raadaar, dhowr diyaaradood oo qummaati u kaca oo gaar ah, iyo tiro ka mid ah ciidamada Maraykanka.

    IRGC waxay sidoo kale sheegtay in ay weli gacanta ku hayaan Marinka Hormuz ciidamada Iiraan, isla markaana inta uu dagaalku socdo la joojin doono dhoofinta shidaalka iyo gaaska ee mara marinkan.

  15. War deg deg ah, Degdeg: Faahfaahin ku saabsan weerarrada Iiraan ku qaadday Khaliijka

    Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ee CENTCOM, ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera in weerarradii ay Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka "aysan wax saamayn hawlgal ah ku yeelan ciidamadeenna."

    Afhayeenka CENTCOM wuxuu sidoo kale sheegay in militariga Maraykanku ay weerareen goobaha laga rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ee Iiraan, isla markaana ay bartilmaameedsadeen xarumaha sahanka iyo raadaarka ee jasiiradda Greater Tunb iyo deegaannada ku xeeran Bandar Abbas.

    Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in Maraykanku uu Bariga Dhexe geeyay 50,000 oo askari, isla markaana ciidamadan ay diyaar u yihiin inay fuliyaan hawl kasta oo loo xilsaaro.

    Wuxuu kaloo sheegay in weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalalka deriska ah ee gobolka ay yihiin "kuwa aan kala sooc lahayn" isla markaana "khatar gelinaya nolosha rayidka aan waxba galabsan."

  16. Qatar oo sheegtay inay hawada kaga hortageyso weerarro cusub oo gantaallo ah

    Wasaaradda Difaaca Qatar ayaa ku dhawaaqday in ciidamada qalabka sida ee dalka ay hadda ku guda jiraan hawlgal ay ku joojinayaan weerarro dhanka cirka ah.

    Dowladda Qatar ayaa horay u sheegtay in ilmo yar uu ku dhaawacmay jajab ka dhashay gantaal laga soo riday Iran oo la dhexgalay laguna burburiyay hawada.

    Warar dheeraad ah:

  17. Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad oo soo saartay digniin amni oo ku socota muwaadiniinteeda ku sugan Ciraaq

    Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa kula talisay muwaadiniinteeda ku sugan Ciraaq inay feejignaadaan kadib weerarkii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday Arbil maalintii Arbaca.

    Safaaraddu waxay baraha bulshada ku qortay: “Muwaadiniinta Mareykanka waxaa lagula talinayaa inaysan u safrin Ciraaq sababo la xiriira khatarta argagixisada, afduubka, colaadaha hubeysan, qalalaasaha bulshada, iyo awoodda xaddidan ee dowladda Mareykanka ay u leedahay inay adeegyo degdeg ah siiso muwaadiniinteeda ku sugan Ciraaq. Ha u safrin Ciraaq xaalad kasta ama sabab kasta ha ahaatee.”

    Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale kula talisay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan ka qeybgalka dibadbaxyada ama mudaharaadyada, isla markaana haddii uu weerar dhaco ay ka fogaadaan goobta ay ku dhacaan burburka iyo qashinka ka dhasha weerarka.

  18. Wararkii ugu dambeeyay ee weeraradi xalay ka dhacay Iran

    Qaraxyo ayaa laga maqlay qaybo badan oo ka tirsan Iran, oo ay ku jiraan gobollo ka fog Gacanka Khaliijka, iyadoo Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay inuu qaaday wareeg kale oo weerarro ah.

    Caasimadda Tehran, nidaamyada difaaca cirka ayaa la hawlgeliyay, halka magaalada Ahvaz, oo ku taalla waqooyiga Gacanka Khaliijka, warbaahinta Iran ay sheegtay in isbitaal laga daadgureeyay kaddib markii gantaallo ay ku dhaceen meel u dhow.

    Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay inay ka jawaabtay weerarrada, iyadoo caddeysay in ay diiradda saarayso burburinta kaabeyaasha iyo saldhigyada militari ee Maraykanku ku leeyahay gobolka.

    Sidoo kale, dowladda Kuwait ayaa sheegtay inay ka hortagtay waxa ay ku tilmaamtay "weerarro ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn."

    Warar dheeraad ah:

  19. Ciidanka Iran: Waxaan weerarnay saldhigyo iyo xarumo Maraykan ah oo ku yaalla Baxreyn

    Ciidanka Iran ayaa bayaan ay baahiyeen warbaahinta gudaha ku sheegay in xarumo iyo saldhigyo uu Maraykanku ku leeyahay dalka Baxreyn lagu bartilmaameedsaday weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn.

    Sida lagu sheegay bayaanka, weerarka ayaa ahaa jawaab laga bixiyay waxa Iran ku tilmaantay "falalka cadowtinimo ee lagu beegsaday kaabeyaasha magaalooyinka iyo shacabka aan waxba galabsan."

    Ciidanka Iran ayaa sheegay in wejigii 11-aad ee howlgalka, ay ku bartilmaameedsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha sahan ee P-8 ee ciidamada Maraykanka ku leeyihiin saldhigga Sakhir ee Baxreyn, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee Arash.

    Saacado ka hor, dowladda Baxreyn ayaa ku dhawaaqday in dalka laga maqlay seeriga digniinta, waxayna shacabka ugu baaqday inay u dhaqaaqaan goobo ammaan ah.

  20. Iran ayaa Mareykanka ku eedeysay 'dambi dagaal', waxayna mar kale uga digtay dalalka gobolka

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dib u soo celinta xannibaadda badda ee Iran ay tahay "qayb kale oo ka mid ah jebinta is-afgaradka" u dhexeeyay Tehran iyo Washington.

    Waxay sidoo kale Maraykanka ku eedeysay inuu galay dambiyo dagaal, iyadoo ku sababeysay waxa ay ku tilmaantay "weerarro lagu qaaday kaabeyaasha iyo xarumaha rayidka ah."

    Bayaan-ka wasaaradda ayaa lagu sheegay in tusaalooyinka dambiyada dagaal ay ka mid yihiin weerarka lagu qaaday xarunta caafimaadka ee Guutada 388-aad ee Ciidanka Iran ee ku taalla Bampour, Iranshahr, bakhaarka kaydka qamadiga ee Hoveizeh, iyo munaaradda ilaalada ciidamada badda ee Chabahar.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sidoo kale sheegtay in tani ay tahay markii saddexaad sanadkii la soo dhaafay ee Maraykanku weerar ku qaado Iran iyadoo wada-hadallo socdaan.

    Tehran ayaa ugu baaqday dalalka gobolka inaysan oggolaan in dhulkooda, badahooda iyo hawadooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran.

    Waxay ku adkaysay inay doonayso "is-afgarad iyo iskaashi" ay la yeelato dalalka gobolka, iyadoo aysan jirin joogitaan ama faragelin ka timaadda Maraykanka.

    Maxamed Saleh Jokar, oo ah madaxa Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Iran, ayaa sidoo kale Khamiistii sheegay in dalalka Khaliijka ay tahay inay wax ka bartaan "waayo-aragnimada dagaalka Ramadaan" isla markaana aysan ciidammada Maraykanka u dhiibin dhulkooda iyo xeebahooda.