Ciidamada ICE ee howlgallada ka wada Minnesota oo haweeney toogtay

Ciidamada ICE ee dalka Mareykanka ee howlgallada ka wada gobolka Minnesota ayaa madaxa ka toogtay Haweeney sida uu sheegay taliyaha booliiska Minneapolis Brian O'Hara oo gor dhawed hadlay.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Degdeg: Askarigii toogashada gaystay oo la faahfaahiyay waxa ku kallifay falkaas

    Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) Mareykanka ayaa sheegtay in saraakiishu ay wadeen hawlgallo baaritaanno ah oo ka socday aagga falku ka dhacay isla markaasna “ dad rabshad wadayaal ah” ay xannibeen saraakiisha. Bayaanku wuxuu intaas ku darayaa in mid ka mid ah dadkaas lagu tilmaamay “rabshad-wadayaal” ay “hub ka dhigtay gaari ay wadatay, iyadoo isku dayday in ay jiirsiiso saraakiisha fulinta sharciga si ay u disho”.

    Waaxdu waxay ku tilmaantay falkaas la sheegay in haweenaydu isku dayday inuu ahaa fal argagixiso ah.

    DHS waxay sheegtay in sarkaalka, isagoo “u baqaya naftiisa, nolosha saaxiibadiis ee fulinta sharciga, iyo badbaadada shacabka”, uu rasaas ku furay haweeneyda.

    Waaxdu waxay sidoo kale sheegtay in xaaladdu ay faraha ka baxday sababo la xiriira “weerarro joogto ah iyo cambaareyn lagu hayo” saraakiisha socdaalka ee dalka oo dhan.

    DHS waxay kormeertaa waaxyo kala duwan, oo ay ku jiraan hay’adaha fulinta socdaalka sida Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada (ICE) iyo Ilaalada Xuduudaha iyo Kastamyada Mareykanka.

  2. War deg deg ah, Ilhaan Cumar oo ka hadshay toogashada ka dhacday gobolka Minnesota

    Ilhaan Cumar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota, ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto wararka ku saabsan toogashada, iyadoo haweeneydii geeriyootay ku tilmaantay “kormeer sharciyeed” oo daba soctay hawlaha ICE.

    “ICE waa inay joojiyaan cabsi-gelinta bulshooyinkeenna isla markaana ay ka baxaan magaaladeenna,” ayay Ilhaan, oo xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan, ku qortay baraha bulshada.

    Ilhaan Cumar waa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah ee loo doorto Congress-ka, waxaana marar badan weerarro iyo dhaleeceyn kala kulantay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

  3. Degdeg: Ciidamada ICE ee howlgallada ka wada Minnesota oo haweeney toogtay

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, YouTube/City of Minneapolis

    Ciidamada ICE ee dalka Mareykanka ee howlgallada ka wada gobolka Minnesota ayaa madaxa ka toogtay Haweeney sida uu sheegay taliyaha booliiska Minneapolis Brian O'Hara oo gor dhawed hadlay.

    Wuxuu sheegay in hay'adaha sharciga maxalliga ah ay heleen war-gelin ku saabsan dhacdo dhimasho keentay oo ay ciidan gaysteen, ayna ka jawaabeen isla markaana ay heleen haweeney laga toogtay madaxa

    O'Hara wuxuu sheegay in haweeneyda loo qaaday isbitaal, halkaas oo lagu dhawaaqay markii dambe in ay dhimatay.

  4. Rubio: Mareykanka waxa uu "gacan ka geysanaynaa" Venezuela

    USA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Rubio wuxuu ku tilmaamay wejiga labaad ee istaraatiijiyadda Mareykanka ee Venezuela "soo kabasho", kaas oo ay ku jiri doonaan cafis loo fidiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka", ka dibna "kala guur", isaga oon bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Dadka Venezuela "waxay fahmayaan sida kaliya ee ay saliidda u dhaqaajin karaan oo ay dakhli u soo saari karaan, si aanu dhaqaale burbur ugu dhicin wax ay tanay hin ay iskaashi la sameeyaan Mareykanka," ayuu raaciyay Rubio.

    Wuxuu diiday dhaleeceyn uga timid Aqalka Senate-ka oo ku saabsan in Mareykanku uu "ku xadgudbayo" Venezuela, wuxuuna sheegay in dowaadiu aanay mar dambe dhaqaajin karin saliidda oo aysan soo saari karin dakhli ilaa Mareykanku ogolaado, taas oo Washington siineysa "xoog weyn" iyo "xakameyn".

    Marco Rubio wuxuu sheegay in Mareykanku uu si isdaba joog ah isugu dayay inuu gaaro natiijadaas.

  5. Rubio: Mareykanka wuxuu "gacan ka geysanayaa" Venezuela

    USA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Rubio wuxuu ku tilmaamay wejiga labaad ee istaraatiijiyadda Mareykanka ee Venezuela "soo kabasho", kaas oo ay ku jiri doonaan cafis loo fidiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka", ka dibna "kala guur", isagoon bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Dadka Venezuela "waxay fahmayaan sida kaliya ee ay saliidda u dhaqaajin karaan oo ay dakhli u soo saari karaan, si aanu dhaqaale burbur ugu dhicina ay tanay hin ay iskaashi la sameeyaan Mareykanka," ayuu raaciyay Rubio.

    Wuxuu diiday dhaleeceyn uga timid Aqalka Senate-ka oo ku saabsan in Mareykanku uu "ku xadgudbayo" Venezuela, wuxuuna sheegay in dowaladi aanay mar dambe dhaqaajin karin saliidda oo aysan soo saari karin dakhli ilaa Mareykanku ogolaado, taasoo Washington siineysa "xoog weyn" iyo "xakameyn".

    Marco Rubio wuxuu sheegay in Mareykanku uu si isdaba joog ah isugu dayay inuu gaaro natiijo u gaaray.

  6. UK oo ka caawisay Mareykanka qabashada markabka shidaal ee Ruushka

    USA

    Xigashada Sawirka, US European Command

    Wasaaradda Difaaca ee UK ayaa sheegtay inay taageertay dadaallada Mareykanka ee lagu qabtay markabka sitay calanka Ruushka ee ku sugnaa Waqooyiga Atlaantik, taageeradaas oo ay ku jiraan diyaaradaha RAF.

    Waa kan hadal uu soo saaray Xoghayaha Difaaca UK John Healey:

    "Maanta Ciidamadeenna Qalabka Sida ee UK waxay muujiyeen xirfad ay ku taageerayaan qabsashada guusha leh ee Mareykanka ee markabka Bella 1 isagoo ku sii jeeda Ruushka.

    "Ficilkan wuxuu qayb ka ahaa dadaallada caalamiga ah ee lagu xakameynayo burburinta cunaqabataynta.

    "Markabkan, oo leh taariikh xun, waa qayb ka mid ah isbaheysiga Ruushka iyo Iiraan ee ka-baxsiga cunaqabataynta kaas oo sii hurinaya argagixisada, iskahorimaadka, iyo dhibaatada Bariga Dhexe ilaa Ukraine.

    "Boqortooyada Midowday (UK) waxay sii wadi doontaa inay xoojiso tallaabooyinka ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa maraakiibta qarsoon si loo ilaaliyo amniga qarankeena, dhaqaalaheena, iyo xasilloonida adduunka - taasoo ka dhigaysa Britain mid ammaan ah gudaha iyo dibaddaba."

  7. Ruushka oo sheegay in ay ka go'day isgaarsiintii ku xiraysay markabka Marinera

    Wasiirka Gaadidka ee Ruushaka ayaa sheegay “in waddanna uusan xaq u lahayn in uu u xoog u isticmaalo Markab ku diiwaan gashan shuruucda waddan kale”.

    Waxa uu intaas ku daray in ciidamada Mareykanka ay fuuleen markabka Marinera abbaare 15:00 waqtiga Moscow [12:00 GMT], ka dibna isgaarsiinta markabka ay luntay.

    24kii Diseembar, markabka Marinera waxa uu helay "oggolaansho ku meel gaar ah" si ay ugu shiraacato calanka Ruushka, sida ay wasaaraddu ku dartay.

  8. Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo sheegay in xayiraadda saliidda Venezuela ay "si buuxda u dhaqan gashay"

    USA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Waxaan dhawaan maqalnay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth oo ka hadlaya war ku saabsan qabsashada maraakiibta shidaalka ee Venezuela.

    Qoraal uu ku qoray barta X, Hegseth wuxuu ku yiri: "Xayiraadda saliidda Venezuela ee la mamnuucay iyo tan sharci darrada ah ayaa weli si buuxda u socota - meel kasta oo adduunka ah".

    Waxa uu markii dambe soo dhigay farriin la mid ah taas oo ay la socotay la socotay muuqaal uu Mareykanku ku qabtay markab labaad oo ku sugan badda Caribbean-ka.

  9. War deg deg ah, Maraykanka oo markab labaad gacanta ku dhigay

    Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab labaad oo nuuca shidaalka qaada ah oo marayay badda Caribbean ka, sida uu sheegay Taliska Koonfureed ee Mareykanka.

    Markabka, oo ah “Mid aan waddanna laga lahayn horeyna loo cunaqabateeyay,” ayaa lagu qabtay hawlgal sida ciidamadu sheegeen.

    “Markabka la qabtay ee M/T Sophia, wuxuu ka howlgalayay biyo caalami ah isagoo fulinaya hawlo sharci darro ah gudaha badda Caribbean,” ayuu Mareykanku ku yiri bayaankiisa. “Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa M/T Sophia u hagi doona Mareykanka si go’aan kama dambeys ah looga qaato.”

  10. Ingiriiska oo diiday in uu ka hadlo arrinka markabka Marinera

    Afhayeenka rasmiga ah ee ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in Downing Street aysan wax ra'yi ah ka dhiiban doonin hawlgalka Mareykanka ee ku lugta leh markabka shidaalka ee Marinera, kaas oo lala xiriirinayo Venezuela.

    ‘Ma ka hadlayno hawlgallada dalal kale, xitaa hadii dhinac saddexaad isticmaalo saldhigyada Boqortooyada Ingiriiska,’ ayuu afhayeenku u sheegay wariyeyaasha markii wax laga weydiiyay markabka.

  11. War deg deg ah, Maraykanka oo sheegay in uu gacanta ku dhigay Markabkii ay eryanayeen

    Taliska Ciidamada Mareykanka ee Yurub ayaa sheegay in Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ay maanta ku dhawaaqeen in la qabsaday markabka M/V Bella 1, sababo la xiriira ku xadgudubka cunaqabataynta Mareykanka.

    Qoraal ay ku daabaceen barta X, waxay ku sheegen: “Markabka waxaa lagu qabtay Waqooyiga Badweynta Atlaantik, iyadoo la fulinayo amar ay soo saartay maxkamad federaal ah oo Mareykan ah, xilli dabagal ku hayay markabka USCGC Munro.”

  12. Markabka la eryanayo oo si lama filaan ah u badashay jihadii uu u socday

    .

    Xigashada Sawirka, MarineTraffic

    Markabka Marinera ayaa si lama filaan ah u beddelay jihadii uu u scday isla markaana hoos u dhigay xawaarihiisa saacaddii u dambeysay.

    Markabka shidaalka qaada ayaa hadda ku sugan qiyaastii 200km koonfurta xeebaha Icelandic. Xogtii hore ee tixraaca aan samaynay ayaa muujinaysa in labadii maalmood ee la soo dhaafay uu markabku u sii jeediay dhanka waqooyi-bari, isaga oo maraayay xeebaha galbeed ee Jasiiradaha British-ka.

  13. War deg deg ah, Maraykanka oo samaynaya isku day uu ku fuulayo markabka Marinera

    Sarkaal Mareykan ah ayaa u xaqiijiyay CBS News, oo bah-wadaag la ah BBC da, in Mareykanku uu wado hawlgal lagu qabanayo markabka shidaalka qaada ee Marinera, kaas oo xiriir la leh Venezuela, horayna loogu yaqaanay Bella-1.

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan warkaan ayaan dhawaan idiin soo wadnaa.

  14. Muuqaal lagu dhex duubay Markabka oo muujinaya ciidamada Maraykanka oo aad ugu dhow

    .

    Xigashada Sawirka, RT

    Waxaan sidoo kale eegnay muuqaallo uu baahiyay telefishinka dawladda Ruushka ee RT, kuwaas oo muujinaya markab meel fog ka muuqda, kaas oo u eg markab Ilaalada Xeebaha Maraykanka ee nooca Legend-class cutter loo yaqaano ah.

    Muuqaalka ayaa laga duubay markabka Marinera dushiisa, kaas oo hadda ay daba-joogaan ciidamada Maraykanka, sida ay sheegtay CBS News.

    Marka la eego astaamaha ka muuqda markabka, oo ay ka mid yihiin - wiish, balakoon nuuca maraakiibta ah, iyo barxadda markabka dushiisa ah, dhamaantood waxa ay shabahaan astaamaha lagu yaqaano markaka Marinera, marka la eego sawiradii horay looga qaaday.

  15. Warar dheeraad ah oo ku saabsan markabka uu eryanayo Maraknaka iyo calankii uu iska beddelay

    USA

    Markabka Marinera oo ay ciidamada Mareykanku eryanayeen ayaa la sheegay inuu beddelay calankii uu ku diiwaan gashanaa ee Guyana kaas oo u socday Ruushka bartamihii 24-kii Diseembar.

    Sida aan shalay soo sheegnay, dhowr markab oo kale oo la xayiray ayaa sameeyay isbeddello la mid ah kuwa Ruushka toddobaadyadii la soo dhaafay.

    Michelle Bockmann, oo ah falanqeeye sirdoon oo ka tirsan Windward, ayaa sheegtay in maraakiibtu mararka qaarkood ay beddelaan calankooda iyagoo ku jira safarkooda laakiin "waa wax aan caadi ahayn, waxa kaliya ee taasi lagu arkay waa maraakiibta aan la aqoon".

    Brockman ayaa u sheegay BBC Verify in beddalka calanka uu u beddelay in uu ka diiwaan gashanayahay Ruushka ay "dhibaateyn karto dadaallada fulinta howlagallada Mareykanka".

    Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa isku dayay inay fuulaan markabka Marinera/Bella 1 bishii hore mar u uku sugnaa Caribbean markaas oo la rumaysnaa inuu ku sii jeeday Venezuela. Waxa uu ku jiray liiska maraakiibta xamuulka qaada ee ay saarantahay cunaqabataynta Mareykanka.

    Brockman ayaa intaasi raacisay: "Marka la eego Marinera, waxay hore si been abuur ah ugu safrayey calanka Guyana. Sida ku cad Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda, waxaa jira qodob la yiraahdo Qodobka 110 kaas oo u oggolaanaya markabka aanay lahayn dowlad in maamulku ay fuuli karaan. Marka dib uu qaatao calabka Ruushka, markabka mar dambe lama awoodi doono in lagu raaco qodobkan."

  16. Tixraac aan ku sameyneyno markabka shidaalka qaada ee ay maraykanku eryanayaan

    USA

    Xigashada Sawirka, Hakon Rimmereid via Reuters

    Maanta waxaynu tixraac ku sameyneynaa markabka shidaalka qaada ee ay ciidamada Mareykanku ku raad joogaan Waqooyiga Atlaantik iyadoo warbixinno cusub ay soo jeedinayaan in Ruushku uu howlgeliyay Markab ciidan si uu usoo galbiyo markabka, sida laga soo xigtay CBS News, oo ah warbaahin ay wada shaqeyn ka dhaxeeyso BBC-da ee dalkaMareykanka.

    Sida aan ka soo xiganay madasha kaydisa xogaha dhaqdhaqaaqa maraakiibtaMarine Traffic, Markabka Bella ayaa markii saacaddu ahayd 1100 GMT taagnaa goob qiyaastii 200km koonfur-bari ku beegan xeebta Iceland.

    Xogta raadraaca hore ee markabka ayaa tilmaamaysa inuu u safray waqooyi isagoo dhaafay xeebta galbeed ee Jasiiradaha Ingiriiska labadii maalmood ee la soo dhaafay.

    Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa isku dayay inay fuulaan markabka Marinera oo hore magaciisu u ahaa Bella 1, bishii hore isagoo ku sugnaa Kariibiyaanka markiaas oo la aaminsanaa inuu u socday Venezuela.

    Waxay haysteen warqad amar ah oo ay ku qabsanayaan markabka, kaas oo lagu eedeeyay inuu jebiyay cunaqabataynta Mareykanka iyo inuu soo raray saliidda Iiraan.

    Kadib si weyn ayuu u beddeshay jihada, waxa uu beddelay magaciisa, waxayna dib ugu diiwaan gelisay markab Ruush ah. Horey waxaa loogu diiwaan geliyay calanka Guyana.

    Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa isku dayay inay fuulaan markabka Marinera, oo hore u ahaa Bella 1, kaas oo bishii hore joogay Caribbean markaas oo la aaminsanaa inuu u socday Venezuela.

    Waxay haysteen warqad amar ah oo ay ku qabsanayaan markabka, kaas oo lagu eedeeyay inuu jebiyay cunaqabataynta Mareykanka iyo inuu soo raray saliidda Iiraan. Kadib si cajiib ah ayuu u beddeshay jihada, waxa uu sidoo kale beddelay magaciisa, waxana uu dib ugu diiwaan geliyay markab Ruush ah. Horey waxaa loogu diiwaan geliyay calanka Guyana.

    Ruushka ayaa sheegay inuu "si walaac leh ula socdo xaaladda ku xeeran markabka. Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa u sheegay CBS News mar sii horeysay oo Talaadada ah in ciidamada Mareykanka ay qorsheynayaan inay markabka fuulaan, Washington-na ay doorbideyso inay qabsato halkii ay quusin lahayd.

  17. Faransiiska oo kala shaqeynayo Yurub qorshe looga jawaabayo hanjabaadda Mareykanka

    France

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Faransiiska ayaa sheegay inuu kala shaqeynayo dalalka kale ee Yurub qorshe looga jawaabayo hanjabaad kasta oo Mareykanku u soo jeediyo Greenland.

    Wasiirka arrimaha dibadda, Jean-Noel Barrot, ayaa sheegay in Faransiisku uu doonayo inuu tallaabo qaado -- isagoo la socda saaxibadiisa Yurub.

    Waxaa lagu wadaa inuu maanta la kulmo dhiggiisa Jarmalka iyo Poland.

    Aqalka Cad ayaa Talaadadii sheegay in Madaxweyne Trump uu ka hadlayay fursadaha oo ay ku jiraan awood militariga si uu ula wareego Greenland, taas oo ay sheegeen inay muhiim u tahay amniga Mareykanka.

    Laakiin Mr Barrot wuxuu sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda, Marco Rubio, uu meesha ka saaray tallaabo milatari markii uu taleefan kula hadlay.

  18. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha oo booqanaya Soomaaliya, Itoobiya iyo dalal kale

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa booqasho ku tagi doona dalalka kala ah Soomaaliya, ,Itoobiya, Tanzania, iyo Lesotho, ka dib markii casuumaad loo fidiyay laga bilaabo manta oo ah 7-da Janaayo ilaa 12-ka, sida uu Arbacadii ku dhawaaqay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha.

    Afrika waxay ahayd meesha ay u socdaalaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Shiinaha muddo 36 sano oo xiriir ah.

    Wang, oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona xafladda furitaanka ee Sannadka ee xirriirka Shiinaha iyo Afrika ee xarunta Ururka Midowga Afrika, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha.

  19. Madaxweynaha Soomaaliya: 'Somaliland waxay ogolaatay 3 shuruudood oo ay Israa'iil aqoonsi uga beddelatay'

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Aljasiira ayaa ka warbixiyey heshiiska dhex maray Soomaaliland iyo Israaiil, kaas oo ay Israa'iil Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax bannaan Soomaaliya.

    Madaxweynaha oo ku jira safar diblomaasiyadeed oo uu taageero ugu raadinayo go'aanka dalkiisa ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, isaga oo hore usoo maray Jabuuti. Wuxuu ka hadlay warar soo baxayay, isagoo sheegay in Somaliland ay ogolaatay saddex shuruudood oo ay Israa'iil dalbatay, kuwaas oo la sheegay in ay "ku beddelatay aqoonsi" ay ka hesho Israa'iil iyo xulufadeeda.

    "Xogta hoose ee aan hayno waxa ay sheegeysaa sadex qodob oo muuhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka kowaad waa in Falastiniiyiinta loo soo raro Somaaliland, laba - in Israa'iil saldhig militari ka sameysto gacanka cadmeed, qorshaha sadexaadna waa in Somaaliland qeyb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham, kuwani waa sadexda dalab ee Israa'iil ee Somaliland aqbshay" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TVga Al Jazeera.

  20. Imaaraadka Carabta iyo midowga Afrika oo soo saaray mowqifkooda Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, mofa

    Qoraalka sawirka, .

    War ay xalay si wada jir ah u soo saareen dowladda Imaaraadka Carabta iyo guddiga Midowga Afrika ayay ku tagaeereen Soomaaliya.

    Labada dhinac ayaa xaqiijiyay taageeradooda ay u hayaan madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida.

    Hadalkaan ayaana ku soo aadaya xilli shalay uu Hargeysa tagay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil