ATMIS oo sheegtay in ay baaritaan ku sameenayso dad lagu eedeeyay in ay ciidamadoodu dileen

Talista ciidanka ATMIS ee Buulo Mareer oo lagu eedeeyay in ay dileen labo qof dad kalana ay dhaawaceen

Tebin toos ah

  1. Nasiiba Aadan Siiro: Gabadha kamidka ah culimada Magaalada Hargeysa ee jeedisa muxaadarooyin soo jiita haween ay fannaaniin ka mid yihiin.

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, Nusayba, waxay BBC-d au sheegtay inay doonayso gabdhaha fanka ku jira ay doonayan inay ka baxaan, waliba ay doonaynaan inay gacan qabtaan.

    Khudbadaha Nasiiba Sheekh Aadan Siiro oo kamid ah cullimada dumarka Soomaaliyeed ee Magaalada Hargeysa ayaa muddooyinkii dambe aad ugu shaacbaxay baraha bulshada, dad badan ayaana hadal haya khudbadaheeda.

    Muxaadarooyinka Nasiiba, qabato ayaa u badan kuwo ay u jeediso dumarka oo ay ku qabato hoolal ay isugu yimaadaan mararka qaar boqolaal haween ah.

    Nasiiba, oo BBC-da la hadashay ayaa xustay in muxaadarooyinka ay u jeediso dumarka ay soo bilowday muddo shan sano ka hor balse ay ku jeedin jirtay habka Online gaar ahaan aalada Telegram.

    Halkaan ka aqri sheekada oo dhameystiran

  2. Ciidamada cirka Ukraine oo sheegay in 13 diyaaraha aan duuliya lahayn ee Ruushka la soo riday

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Weeraradaan ayaa laga fuliyay gobolada Kharkov, Poltava, Sumy iyo Kyiv.

    Ruushka ayaa xalay habeenimadii waxa uu Ukraine ku weeraray 16 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn iyo saddax gantaal oo nooca balaastiga ah kuwaas oo lagu sheegay in ay ahaayeen nooca Iskander-M iyo gantaal kale oo noociisu yahay Iskander-K, sida lagu sheegay warbixin ay saaka soo saartay wasaaradda difaaca diyaaradaha ee Ukraine.

    Qoraalka ayaana lagu sheegay in 13 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn la soo riday.

    Weeraradaan ayaa laga fuliyay gobolada Kharkov, Poltava, Sumy iyo Kyiv.

    Sidoo kale maamullada ciidamada ee gobolladaan ayaa sheegay in haraadiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka loo adeegsaday ay ku soo dhaceen gobolka Sumy, gaar ahaan xarunta kaabayaasha tamarta.

  3. ATMIS oo sheegtay in ay baaritaan ku sameeneyso dad lagu eedeeyay in ciidamadooda ay dileen

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, ATMIS oo war ka soo saartay dad lagu eedeeyay in ay ku dileen Buulo Mareer

    Ciidamada howlgalka midowga Africa ee ATMIS oo ayaa war ka soo saaray eedeyn loo jeediyay taas oo ahayd in askartooda ay dad ku dileen kuwo kalena ku dhaawaceen deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose.

    War qoraal ah oo ay soo saartay ATMIS ayay ku sheegeen in ay baaritaan ku sameynayaan dhacdada lagu eedeeyay ee ah in ay dileen ugu yaraan laba qof halka dad kalana ay dhaawaceen.

    ‘’Howlgalka Midowga Africa ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu si qoto dheer uga walaacsanyahay dhacdo naxdin oo ka dhacday Buulo Mareer 17-kii Luulyo 2024, kaas oo ka dhashay khasaare isugu jirta dhimashada labo qof iyo dhaawac soo gaaray qof kale,’’ ayaa qoraalka lagu yiri.

    Taliska ATMIS ayaa sheegay in ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan eedeyntaan waxa ayna intaa hadalka ku dareen in natiijada baaritaanka ay bulshada u soo bandhigi doonaan marka la soo gaba gabeeyo.

    Qoraalka ATMIS oo ay arimmo badan uga hadleen ayay sidoo kale ugu tacsiyeeyeen ehelada dadkoodu ay ka dhinteen.