Trump wuxuu rabaa in heshiiska nabadeed la dhameystiro, balse waa yididiilo aanan weli muuqan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump mar walba waxa uu rabay hal shay oo ku weynaa, waana: in uu yiraahdo aniga ayaa soo daayay dhammaan maxaabiista oo dagaalka soo afjaray.
Hadallada Xamaas, sida uu isagu u arko, waxay ku dhow yihiin in ay gaarsiiyaan yoolkaas. Waxa uu u sawirayaa jawaabta Xamaas in ay dirayso calaamad ah rabitaanka “nabad waarta”.
Waa na mida sababtay in weedh layaab leh ay ka timaado madaxweynaha Mareykanka, taas oo ahayd in Israa’iil “ay isla markiiba joojiso duqeynta Qasa” si maxaabiista si degdeg ah loogu sii daayo.
Hal waddo ayaanu ognahay in arrintan loo hirgelin doono, waana in la dhaho: “Wadahadallo faahfaahsan ayaa horey u socday si wax looga qabto arrimaha harsan.”
Laakiin faahfaahintaas harsan ayaa ah furaha hirgelinta qorshahan oo dhan. Haddii Xamaas wareejiso dhammaan maxaabiista nool, waxay lumineysaa inta badan awooddii ay ku gorgortami lahayd. Taasna waxay muhiim u tahay marka la eego qaybta ugu dambeysa ee bayaankooda; taas oo muujinaysa in ay diidan yihiin dalabka Trump ee ah in ay hubka dhigaan oo ay qaxaan si heshiis nabadeed loogu dhammeeyo dagaalka.
Waxa kale oo ay dalbanayaan in Israa’iil gebi ahaanba ka baxdo Qasa. Waxaan hadda joognaa waqti aad u xasaasi ah, Trump-na waxa uu doonayaa in arrinta isla markiiba la dhammeeyo, balse waa yididiilo aanan weli la gaarin.












