Faahfaahinta safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo

Kusoo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

Fatuma Maalim

  1. Suuriya oo doorashadii ugu horreysay qabaneysa kadib dowladdii Assad

    Syria

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Doorashooyinka waa kuwii ugu horreeyay ee ka dhaca Suuriya tan iyo markii Ahmed al-Sharaa uu xukunka ka tuuray Bashar al-Assad bishii December

    Suuriya ayaa maanta qabaneysa doorashadeedii ugu horreysay ee baarlamaani ah tan iyo markii ay dhacday dowladdii Bashar al-Assad, xilli uu jiro walaac laga qabo inay noqon doonto mid loo dhan yahay iyo dib u dhac joogto ah.

    Ma jiri doonto codeyn toos ah oo Aqalka Dadweynaha ah, kaasoo mas'uul ka ah sharciga inta ay socoto muddada ku meel gaarka ah.

    Taas beddelkeed, "guddiyada doorashada" ayaa wakiillo u dooran doona saddex meelood labo kuraasta 210-ka ah. Madaxweynaha ku meelgaarka ah Ahmed al-Sharaa ayaa inta hartay magacaabi doona.

    Madaxweynihii hore ee muddada dheer xilka hayay ee Assad ayay ciidamada Sharaa ay xukunka ka tuureen 10 bilood kahor kadib 13 sano oo uu dagaal sokeeye socday.

    Dowladda ayaa sheegtay inay dib u dhigtay cod-bixinta sababo ammaan dartood oo ka jira labo gobol oo ay Kurdiyiintu maamulaan iyo mid saddexaad oo ay ka dhaceen dagaallo uu dhiig ku daatay oo dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Druze.

  2. Xamaas oo diyaar u ah inay iska wareejiso Qasa

    Qasa

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee siddeed waddan oo Muslim ah (Boqortooyada Urdun, Isutagga Imaaraadka Carabta, Indonesia, Jamhuuriyadda Turkiga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dawladda Qatar iyo Masar iyo Pakistan, ayaa bayaan wadajir ah oo ay maanta si wadajir ah u soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen tallaabooyin wax ku oolka ah oo ay qaadeen Xamaas oo jawaab u ah soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee lagu joojinayo dagaalka Qasa.

    Soo jeedintu waxay ku baaqaysaa in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, isla markaana la bilaabo wada xaajood degdeg ah oo ku saabsan qaabka loo hirgelin karo qorshaha.

    Wasiirrada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale soo dhaweeyay baaqii Madaxweyne Trump ee ahaa in Israa’iil ay si deg deg ah u joojiso duqeynta oo ay billowdo dhaqan-gelinta heshiiska is dhaafsiga maxaabiista.

    Wasiirrada arrimaha dibadda ayaa ammaanay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Trump inuu nabad ka sameeyo gobolka, iyagoo sheegay in horumarradii u dambeeyay ay fursad dhab ah u tahay xabbad-joojin dhammaystiran oo waarta taasoo wax ka qabanaysa dhibaatada bini'aadantinimo ee soo food saartay dadka Qasa.

    Bayaanka, wasiirrada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ku dhawaaqista Xamaas ee ah inay doonayso inay maamulka Qasa ku wareejiso guddi ku-meel-gaar ah oo maamulka Falastiiniyiinta ah, oo ka kooban khubaro madax-bannaan.

  3. Faahfaahinta safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo

    Kismayu

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul-goboleedka Jubaland, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, iyo wafdi kale.

    Safarka madaxweynaha oo ahaa mid lasii qorsheeyay ayaa daaran khilaafka u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo Jubaland.

    Guddoomiyaha Kismaayo ahna duqa magaalada Cumar Cabdullaahi Faroweyne oo ka mid ahaa dadkii soo dhoweeyay madaxweynaha isla markaana warbaahinta gudaha la hadlayay ayaa yiri: "Dadku waa dagaalaa dabadeed heshiiyaa" taasoo uu uga jeeday in wixii dhex maray maamulka iyo dowladda federaalka laga heshiinayo.

    Xiisadda iyo khilaafka u dhaxeeyay Dowladda Federalka iyo maamulka Jubaland ayaa salka ku haysay hanaanka doorasho ee dalku yeelanayo taas oo Dowladda Federaalka ah ay dooneeysay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, taas oo lagu dooranayo madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Federaalka ah.

    Hasa yeeshee Jubaland ayaa taas ku gacan seyrtay waxayna doorasho ku saleysan nidaamkii hore ee ay Jubaland wax kusoo doorteen xildhibaanda ay sanadkii hore dib ugu doorteen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan.

    Dowladda Federaalka ah ayaa diidday natiijada doorashadaas, wixii intaas ka danbeeyayna waxaa cirka isku sharreeray khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

    Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale waxay ku eedeysay maamulka Jubaland in ay ciidamo u daabuleen deegaannada ay dowladdu gaysay ciidamada ee gobolka Jubadda Hoose si ay u dagaallamaan labada ciidan, dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo bishii July ee sanadkan gaar ahaanna magaalada Beled Xaawo ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh.

  4. Al-Xayaa oo markii ugu horreysay soo muuqday kadib isku daygii dilkiisa

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xamaas ayaa muuqaal ay soo dhigtay barta Telegram ku sheegtay in uu yahay “muuqaalkii ugu horreeyay ee madaxa ururka Xamaas ee Marinka Qasa, ahna madaxa ergada wada xaajoodka, walaal iyo mujaahid Dr. Khaliil al-Xayaa, tan iyo markii uu dhacay isku daygii dilka ahaa ee ka dhacay caasimadda Qadar ee Dooxa, kaas oo lagu dilay wiilkiisa Hammam, agaasimihii xafiiska, Jihad Labad, iyo tiro ka mid ah shaqaalihiisa.”

    Xamaas ayaa baahisay muuqaalkan laga sii daayay TV-ga Qadar ee Al-Carabiya, kaasoo uu Al-Xayaa soo dhigay fariin uu ku xaqiijinayo “in dhiigga shuhadada oo ay ku jiraan wiilashiisa uu noqon doono waddada guusha.”

    Al-Xayaa wuxuu hadalkiisa ku yiri: "Inta ay i dhibayso geerida wiilkayga, saaxiibkay iyo inta kale ee shuhadada ah, ma kala soocayo iyaga iyo dadka kale ee Marinka Qasa, kuwaas oo dhammaantood ah carruurtayda."

    Shan xubnood oo ka tirsan Xamaas iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Qadar ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil la beegsatay shir ergada wada xaajoodka ee xarakadu ku lahaayeen magaalada caasimadda ah ee Dooxa, bishii September ee la soo dhaafay.

  5. Trump: "Soo dhaqsada Xamaas"

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay Xamaas Sabtidii in “uusan u dulqaadan doonin dib u dhac kasta” si uu u fuliyo qorshihiisa uu ku joojinayo dagaalka uu kula jiro Israa’iil iyo sii deynta la haystayaasha lagu haysto marinka Qasa.

    Ergeyga Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, iyo wiilka uu soddogga u yahay, Jared Kushner, ayaa u safray Masar si ay u soo dhammaystiraan faahfaahinta ku saabsan sii deynta la haystayaasha, sida uu ku dhawaaqay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad Sabtidii.

    Trump ayaa ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social, "Xamas waa inay si degdeg ah wax uga qabataa, haddii kale wax kasta ayaa dhici kara. Uma dulqaadan doono dib u dhac kasta, oo dad badan ay aaminsan yihiin inay dhici karto, ama natiijo kasta oo Qasa mar kale ka dhigeysa khatar.. Aan si dhaqso ah u samayno arrintan".

  6. Maamulka Trump oo ciidan badan geeyay Chicago

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne Donald Trump ayaa oggolaaday in 300 oo askari oo Ilaalada Qaranka ah loo diro Chicago si ay wax uga qabtaan waxa uu ku sheegay inay yihiin dembiyo aan la xakameyn karin.

    Tallaabadan ayaa timid saacado kadib markii maamulka socdaalka uu sheegay inay kula kulmeen mudaharaadayaal magaalada ay maamulaan Dimuquraaddiyiinta oo ayna toogteen haweenay hubaysan markii iyada iyo dad kale ay baabuurtoodii ku jiireen gawaari sharci ilaalin ah.

    Hogaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa gudaha ayaa toddobaadyo dhaleeceynayay qorshayaasha ku-meel-gaarka ah ee Trump waxayna ku tilmaameen ku takri-fal awoodeed.

    Guddoomiyaha gobolka Illinois JB Pritzker ayaa sheegay in Trump "uu isku dayayey inuu abuuro dhibaato".

    Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo xaakim federaal ah oo ku sugan Portland, Oregon uu si ku meel gaar ah uga hor istaagay maamulka Trump inuu 200 oo askari halkaas geeyo.

  7. Dagaalkii ka socday Godka Jilacoow ayaa istaagay

    qaraxa muqdisho

    Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay halka uu ka dhacay qarax ee Godka Jilocoow ayaa sheegay in ay istaagtay rasaastii ka socotay xabsiga. Sida la sheegay waxaa dhacay dhowr qarax ka hor inta aysan rasaastu bilaaban.

    Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maxaabiista laga saaray xabsiga markii uu bilowday weerarka.

    Dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay halkaas ku dhinteen.

    Lama oga khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay maadama weli aan laga soo saarin war rasmi ah sida ay wax u dhaceen.

    Xaalada iyo wixii soo kordha kala socda BBCSomali.com

  8. Shah Rukh Khan oo bilyaneerrada adduunka kusoo biiray

    Shah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Jilaaga caanka ah ee Bollywood-ka Shah Rukh Khan ayaa markii ugu horeysay ku biiray kooxda bilyaneerrada ah, isagoo noqday mid ka mid ah jilayaasha ugu qanisan caalamka, sida lagu sheegay liis cusub.

    Ninakn 59-jirka ah ayaa hantidiisa lagu qiyaasay $1.4bn (£1.03bn), sida laga soo xigtay Hurun India Rich List 2025, oo ah qiimeyn sanadle ah oo lagu sameeyo shakhsiyaadka ugu qanisan Hindiya.

    Tani waxay ka dhigeysaa inuu ka mid noqdo horyaallada caanka ah ee caalamiga ah sida Arnold Schwarzenegger, xiddigadda pop-ka Rihanna, ninka cayaarta golf-ka caanka ku ah ee Tiger Woods, iyo heesaa Taylor Swift, kuwaas oo hantidooda ay majaladda Forbes ku qiimeysay $ 1.6bn.

    Shakhsiyaadka kale ee Bollywood-ka ee liiskaan ku jira waxaa ka mid ah atariishada Juhi Chawla, jilayaasha Hrithik Roshan iyo Amitabh Bachchan iyo agaasime filimeedka Karan Johar.

  9. Nin ka mid ahaa dadkii ay Xamaas sii deysay oo baaq u diray Trump

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    La hayste hore Eli Sharabi, oo 491 maalmood oo ay Xamaas qafaal u heysatay kadib ogaaday in xaaskiisii ​​iyo gabdhihiisii lagu dilay 7-dii October, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Trump inuu “dhammeystiro shaqada” si loo sii daayo dhammaan la haystayaasha haray.

    Waraysigii ugu horreeyey ee uu ku bixiyo afka Ingiriiska oo shalay laga sii daayey BBC-da ayuu ku sheegay in ay waajib tahay in dagaalka la joojiyo si dadka la haysto ay dib ugu laabtaan guryahoodii.

    Waxa uu ka sheekeeyay dhibaatooyinkii uu kala kulmay Xamaas sida jirdilka iyo gaajadii ay kooxda ku haysay, waxa uuna dib u xasuustay markii uu ogaaday sii dayntiisa in qoyskiisu aysan noolayn.

  10. Muqdisho: Waddooyin 10 sano ka badan xirnaa oo dib loo furay

    Muqdisho

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay qorshe ballaaran oo lagu furayo 52 waddo oo ku yaalla magaalada caasimadda ah oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa arrimo amni.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib u furistan ay ka tarjumeyso horumarka ballaaran ee laga gaaray hagaajinta amniga Muqdisho.

    Wuxuu ku bogaadiyay hay’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir, iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho sida ay ula shaqeeyaan, isagoo ku nuux-nuuxsaday in amnigu uu yahay mas’uuliyad la wadaago oo cid walba looga baahan yahay inay ka qeyb qaadato.

  11. Muxuu dhigayaa qorshaha Qasa ee ay ku heshiiyeen Trump iyo Netanyahu?

    Qorshaha ayaa soo jeedinaya in dagaalka si degdeg ah loo joojiyo, islamarkaana lagu sii daayo 72 saacadood gudahood 20 maxbuus oo Israa'iiliyiin ah oo nool oo ay hayaan Xamaas – iyo sidoo kale maydadka dadka la rumeysan yahay in la dilay – taas beddelkeedana lagu sii daayo boqolaal dad reer Qasa ah oo la xiray.

    Qorshaha 20-ka qodob ka kooban ee uu Trump kula heshiiyay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, loogana dhawaaqay Isniintii xarunta Aqalka Cad, wuxuu sidoo kale dhigayaa in Xamaas aysan kaalin ku yeelan doonin maamulka Qasa, iyadoo qorshuhu sidoo kale u furan yahay suurtagalnimada dowlad Falastiini ah mustaqbalka.

    Si kastaba, Netanyahu ayaa mar kale ku celiyay inuu weligiis kasoo horjeeday dhismaha dowlad Falastiini ah, isagoo jeediyay hadal kooban ka dib marka la shaaciyay heshiiska wuxuu yiri: "Maaha in la qoray heshiiska. Waxaan hore u sheegnay inaan si adag uga soo horjeedno dowlad Falastiini ah."

    Qorshuhu wuxuu dhigayaa in marka labada dhinac ay heshiiska ogolaadaan, gargaar buuxa si deg deg ah loogu diri doono Marinka Qasa.

    Sidoo kale waxaa lagu sheegay qorshaha mustaqbalka ee maamulka Qasa, isagoo sheegay in "guddiga Falastiiniyiin ah oo farsamo-yaqaan ah oo aan siyaasad ku lug lahayn" uu si ku-meelgaar ah u maamuli doono, iyadoo la hoos imaanayo hay'ad caalami ah oo cusub oo loo bixiyay "Guddiga Nabadda", taasoo uu hoggaamin doono Trump.

  12. Heshiiska kadib, Israa'iil oo duqeysay Qasa

    Gaza

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Magaalada Gaza ayaa waxaa tan iyo saaka aroortii ka dhacay saddex duqeymo oo kala duwan, kuwaasoo mid ka mid ah uu ku dhintay hal qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad oo ku sugan isbitaalka al-Shifa.

    Weerarkii ugu horreeyay ayaa lala beegsaday koox ka mid ah dadka deegaanka agagaarka Iskuulka al-Nasr ee ku yaalla waddada al-Nasr xilli ay isku dayeen in ay hubiyaan guryahooda. Waxaa fulisay diyaarad Helicopter ah oo ay Israae’iil leedahay.

    Duqeynta labaad ayaa lagu garaacay waddada al-Jalaa, oo u dhaxeysa deegaannada Zaharna iyo Ghafri, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Duqeymaha saddexaad ee dhanka cirka ah ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil waxayna ka geysteen meel u dhow agagaarka Hamid, gaar ahaan isgoyska waddada al-Nasr.

    Faahfaahinta khasaaraha weli ma cadda.

    Dhanka kale, gaadiidka dhulka ee Israa’iil iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Quadcopters) ayaa sii wada duqeymaha, halka madaafiicda ay ku dhaceen dhismayaal ku yaalla goobaha ay ciidamadu ka howlgalaan.

  13. Islamic Jihad oo ka hadashay aqbalaadda Xamaas ee heshiiska nabadda

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, .

    Kooxda Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta, oo xulafo la ah Xamaas, ayaa taageertay jawaabta xarakadu ka bixisay qorshaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Qasa, isagoo sheegay in ay ka dhigan tahay mowqifka iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

    Ansixinta Jihaad Islaami ah ayaa la filayaa inay dardar siyaasadeed ku soo kordhiso jawaabta Xamaas ee ku saabsan sii deynta la haystayaashii ay haysteen labada dhaqdhaqaaq ee Qasa.