Baaritaanka isku-daygii dil ee Trump oo bilaamay

Madaxweyne Biden ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay hoos u dhigaan heerkulka siyaasadeed -ka dib markii Donald Trump uu nin hubeysan ku weeraray isu soo bax Sabtidii.

Tebin toos ah

  1. War farxad galinaya dadka ilkaha la’

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .

    Dawo loogu tala galay inay dib u soo saarto ilkaha bani'aadanka ayaa tijaabo gali doonta horraanta sannadka soo socda.

    Dawadan oo haddii ay shaqayso wax weyn soo kordhin doonta waxay rajo gelin doontaa malaayiin qof oo dhibaato ay ka haysato ilkaha.

    Cilmi baareyaal Japan u dhashay oo weli aan wax magac ah u bixin dawada waxay ku rajo weyn yihiin in suuqa la soo gelin doono sanadka 2030 haddiiba lagu guuleysto.

    Tijaabooyin hordhac ah ayaa muujinaya in dawadaas ay ka caawisay jiir iyo dabagaalle inay ilko u soo baxaan, waxaana sideedaba loogu tala galay in ay isticmaalaan dadka ku dhasha ilko la’aanta oo aan lahayn ilko dhammaystiran.

    Halkaan ka aqri sheekada oo dhameystiran.

  2. Dowlad deegaanka Soomaalida oo maamulka Canfarta ku eedeysay dil dad soomaali ah loo geystay.

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Soomaali safar ahayd oo lagu weeraray deegaanka Awaash iyo maamulka dowlad deegaanka oo ka hadlay.

    Ilaa shan qof oo Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu weerraray deeganka Awaash ee dalka Itoobiya, xili ay marayeen waddada weyn ee isku xirta magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo magaalada Addis Ababa ee caasimadaa dalka Itoobiya.

    Dadkaan ka yimid Jigjiga ayaa u safrayay magaalada Addis Ababa waxaana isla goobtaas lagu dilay laba iyaga kamid ah halka saddexda kale la dhaawacay.

    Maamulka dowlad deganka Soomaalida ayaa shegay in maamulka Canfarta ay qaadeyso mas'uuliyadda dilka dadkaasi.

    Cabdulqaadir Rashiid Ducaale oo ah wasiirka warfaafinta dowlad deegaanka ayaa BBC-da u sheegay sida ay wax u dhaceen ‘’Habeen labaad ayaa dad Soomaali ah oo shan ruux ka koobnaa gaari ay wateen Hawaash ayaga oo maraya marka ay soo istaageen goobta lagu hubiyo gaadiidka Soomaalinimo loo aqoonsaday kadib hadalo lagu tuurtuuray, markii ay baxeena qof ayaa gaari ka daba qaatay, waxa uuna ahaa qofkii marka hore fowdeynayay, magaaladuu ka dabagalay, meel kaalin shidaal ah oo maqaayad ku taala iyaga oo ku adeeganaya ayaa la hareereeyay, hub inta loola soo baxay dadkaas laba kamid ah meesha lagu dilay’’. Ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir.

    Soomaalida iyo Canfarta ayaa waxaa ka dhaxeeya dhul ay wada dagaan iyadoona mid walba uu sheegto, dhowr jeer oo hore ayayna dagaalo ku dhex mareen goobahaasi.

    Colaadaan ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo ganacsatada u safrayay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

  3. Trump oo jeedin doona khudbaddiisa musharaxnimada kadib isku daygii lagu khaarijin-rabay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Khudbadda musharaxnimada Trump

    Laba maalmood ka dib markii uu ka badbaaday isku day dil, Donald Trump hadda waxa uu ku sugan yahay Milwaukee, halkaas oo uu kula kulmay kumanaan taageerayaal u ah iyo siyaasiyiin awoodleh kahor bilowgii Shirweynaha qaran ee Jamhuuriga.

    Kulanka oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa lagu soo gaba gabeyn doonaa khudbadiisa musharaxnimada jamhuuriga ee tartanka doorashada madaxtinimada mareykanka ee November-ta soo aadan.

    Trump ayaa soo hadal qaaday in uu dib u qoray khudbadiisa si uu uga fogaado dhaleeceynta madaxweyne Biden, isagoona ku baaqaya midnimo qaran kadib isku daygii khaarijintiisa.

    Labada nine e loolanka adag ka dhaxeeyo ayaa mid walba ka dhawaajiyay in loo bahanahyahay isu imaatin dadka reer Mareykan.

    Shirweynahaan ayaa sidoo kale la filayaa in Mr Trump uu ku magacaabo kuxigeenkiisa.

  4. Waa kuma Sheegow, janaraalkii darajadiisa lagu murmay ee dawladda u xiran?

    .

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Baraha bulshada ayaa la iskula dhexmarayay in Sheegow uu ku xiranyahay Xabsiga Xamar oo dhawaan gudihiisa uu dagaal ka dhacay.

    Sheegow Axmed Cali ayay dowladda soomaaliya soo xirtay sanadkii hore ee 2023, iyadoo xiligaas ciidamo uu watay iyo kuwa dowladda uu dagaal culus ku dhexmaray magaalada muqdisho.

    dagaalkii dhexmaray booliiska soomaaliya iyo ciidankii ka amar qaadanayay Sheegow ayay dowladda ku sheegtay in ay ku dhinteen ilaa saddax qof oo laba kamid ah ay ahaayeen ciidamadii uu watay sheegow oo hadda dowladda u xiran.

    ilaa iyo shalay waxaa soo baxayay warar sheegaya in ninkaan uu ku xiranyahay xabsiga xamar oo gudihiisa uu ka dhacay weerar.

    Lifaaqa hoose ka aqri sheekada oo dhameystiran.

  5. Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin qirtay in uu dilay 42 haween ah

    Jawaano ay meydad ku jiraan ayaa la helay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Jawaano ay meydad ku jiraan ayaa la helay

    Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku nin qirtay in uu dilay 42 haween ah oo ay ku jirto xaaskiisa.

    Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Collins Jomaisi Khalisia, oo 33 jir ah, waxa uu qirtay in uu dilka geystay laga soo bilaabo 2022-kii isaga oo sheegay in uu si gaar ah u bartilmaameedsanayay gabdhaha qurxoon.

    Xariga ninkan ayaa ka dambeeyay kadib markii jimcihii la helay 9 meyd oo laga helay meel qashin qub ah oo ku taal magaalada Nairobi.

    Dhacdadan ayaa noqotay mid ay ragagax ku muujiyeen shacabka Kenyanka.

  6. Madaxwaynaha cusub ee Iran oo shaaciyay hadal ka farxiyay madaxda Xamas

    Masoud Pezeshkian

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Masoud Pezeshkian

    Madaxweynaha la doortay ee Iran Masoud Pezeshkian ayaa u xaqiijiyay Ismail Haniyeh, madaxa xafiiska siyaasada ee Xamaas, in "arrinta Falastiin" ay noqon doonto mudnaanta dowladiisa, sida lagu daabacay Shabakadda One TV ee ay dowladdu maamusho.

    Isaga oo khadka taleefoonka kula xiriiray Haniyeh ayaa Bezeshkian waxa uu dhaleeceeyay weerarkii ay Israa’iil dhawaan ku qaaday Khan Younis ee Marinka Gaza.

    Warbixinta ayaa lagu sheegay in Pezeshkian uu carabka ku dhufatay in qadiyada falastiiniyiintu oo ah arin muhiim u ah caalamka islaamka ay muhiimad gaar ah u leedahay dawladiisa.

    Pezeshkian ayaa sidoo kale wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Mahdi al-Mashat, madaxa golaha sare ee siyaasada xuutiyiinta Yemen.

  7. Lionel Messi oo xalay ilmada cehsan waayay

    Argentina ayaa garaacday Colombia taasi oo ka dhigan in markii 16-aad ay ku guulaysato Copa America.

    Ciyaaryahanka Lautaro Martinez ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta goolka guusha ka dib kubad uu u soo baasay u ciyaaryahan Giovani lo Celso.

    Kabtan Lionel Messi ayaa ilmeeyay markii la bedelay bartamihii qeybtii labaad ka dib markii uu is dhaawacay isaga oo kubada ku raadjoogay - laakiin waxa uu u dabaaldegayay tartankii seddexaad ee xiriir ah ee wadankiisa finalka la yimaado.

    Messi waligiis kuma guuleysan tartan caalami ah ilaa uu ka gaaray da'da 34-sano, haatan waxa uu ku guuleystay seddex sano gudahood ka dib 2021 Copa America iyo 2022 World Cup.

    Lionel Messi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Lionel Messi
  8. Maxay ku yiraahdeen Trump dhakhaatiirtii daweysay?

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump

    Donald Trump ayaa sheegay in la doonayay in la dilo, isaga oo isku dayga dilka ku tilmaamay mid "khibrad dhab ah uu ka dhaxlay".

    "Dhakhtarka isbitaalka ayaa sheegay inuusan waligii arkin wax sidan oo kale ah, wuxuu ku tilmaamay mucjiso," ayuu yiri.

    Trump waxa uu xirnaa faashad cad oo dhegta midig kaga duubneyd, halkaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray.

    "lama rabin inaan halkaan joogo, waxaa la rabay inaan dhinto," ayuu yiri Trump, isagoo la hadlayay New York Post isagoo ku sii jeeday Milwaukee oo kaga qayb galaya Shirweynaha Qaranka ee Jamhuuriga.

  9. Macluumaad hor leh oo ka soo baxay qofka uu ahaa ninkii toogtay Trump

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Weli wax badan kama naqaano ninka toogashada ka dambeeyay, Thomas Matthew Crooks oo 20 jir ah.

    Crooks, oo isla goobta lagu toogtay, ayaa caawiyo ka ahaa goob cunada lagu kariyo meel u dhow magaalada uu ka soo jeedo ee Pennsylvania, halkaas oo uu dugsiga sare kaga baxay sannadkii 2022-kii.

    Asxaabtiisa iyo macalimiintiisa ayaa ku tilmaamay mid ixtiraam badan oo aamusan - iyadoo la taliyaha iskuulka uu u sheegay Reuters inuusan waligiis ogaan Crooks inuu yahay mid siyaasadda daneeya.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay inuu ahaa Jamhuuri diiwaan gashan, iyaga oo soo xiganaya diiwaanka codbixiyayaasha gobolka, laakiin sidoo kale waxaa la sheegay inuu $15 ugu deeqay kooxda ololaha xorta ah ee ActBlue sanadka 2021.

    FBI-da ayaa sheegtay Axadii in aysan wax erayo ama qoraalo hanjabaad ah ka helin baraha bulshada ee Crooks, sidoo kalena aysan helin wax taariikh ah oo la xiriira arrimaha caafimaadka dhimirka. Waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in qoriga loo adeegsaday – uu yahay nooca AR-ga ah ee 556-ka ah uu si sharci ah u iibsaday aabihiisaday.

  10. Baaritaanka isku-daygii dil ee Trump oo bilaamay

    Madaxweyne Biden ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay hoos u dhigaan heerkulka siyaasadeed -ka dib markii Donald Trump uu nin hubeysan ku weeraray isu soo bax Sabtidii.

    Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in uu bilaabmay baaritaanak dhacadaasi.

    Waxaa uu Biden shacabka ugu baaqay in ayka war sugaan baaritaanka hay'adda FBI oo uu sheegay in la dedejin doono .

    Mr Biden wuxuu sheegay in America ay wajahday waqti tijaabo ah ka hor doorashada Mareykanka ee bisha November.

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump